Taliyaha CXD oo ka qeyb-galay shirka taliyayaasha Ciidamada Military-ga ee isbaheysiga dalalka islaamka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim sheekh Muxudiin ayaa magaaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga qeyb-galay shirka taliyayaasha Ciidamada Military-ga ee isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka argagixisada oo soomaaliya Xubin ka ah.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray qorshaha Fog ee la dagaalanka Argagixisada waxaana kasoo qeyb galay Shirka Dowladaha Xubnaha ka ah Isbahaysiga Islaamka ee la dgaalkanka Argagaxisad iyo Dowladaha taageera.

Shirkan oo muhiim u ahaa iskaashiga Military-ga dowladdaha islaamka ayaa ku soo dhamaaday Guul iyo Soomaaliya oo laga taageero la dagaalanka Argagaxisad iyo ciribtirayo fikirka argagixisada

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dalka Sacuudi kulan duceedyo kula qaatay Taliyaaha Ciidanka Xoogga Ee dalalka sacuudi, kenya, jabuuti, iyo Xogayaha guud ee Isbahaysiga islaamka isagoona ugu warbixiyey Guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah ee Khawaarijta dalka looga saarayo.

Isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka argagixisada ayaa la asaasay sanadkii 2015 waxaana ku mideysan 45 dowladood.

  

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay ku simaha Xoghayaha Difaaca Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalla Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington,ku simaha Xoghayaha Difaaca dalkaas Marwo Victoria Nuland ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista taageerada Mareykanka ee dib u habaynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ka jawaabidda xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhashay isbaddalka cimilada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power ayaa la wadaagay saamaynta taaban ee ka dhalatay Roobka Dayrta ee sida xad dhaafka ah uga da’ay dalka, isaga oo muujiyay muhiimadda kordhinta taageerada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ee arrimaha dowlad-dhiska, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada iyo horumarinta kaabayaasha nolosha bulshada.

  

Ciidanka Xoogga oo howgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Baraag Cali Guduud

Deegaanka Baraag Cali Gaduud oo  hoostagta degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug kagana beegan 31 Km dhanka  koonfureed ayaa ciidanka xoogga dalka waxaa ay ka fuliyeen howlgallo  qorsheeysan oo khasaare lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Howlgalka oo ay iska kaashadeen Ciidanka XDS iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ahaa duqeeyn dhinaca cirka ah waxaana lagu bartilmaameedsaday gaadiid iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta,saraakiil katirsan Ciidanka XDS ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalka lagu gubay laba gaari islamarkaasna lagu qaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Khawaarijta.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta IMF iyo Bankiga Adduunka

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo kula qaatay xarumahooda magaalada Washington ee dalka Mareykanka mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan kala hadlay sidii hay’adahoodu ay markale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himmilooyinka dhaqaale ee u dagsan, tayaynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah.
    

Soomaaliya oo u dabaaldegaysa “guul taariikhi ah” ka dib markii laga cafiyay $4.5 bilyan oo deyn ah

Washington DC:- Sanduuqa dhaqaalaha Adduunka oo magaciisu loo soo gaabiyo IMF iyo Bangiga Adduunka qaybta IDA (oo bixiyo deyn aan dulsaar lahayn iyo gargaar horumarineedba) ayaa Soomaaliya u oggolaaday in laga cafiyo deymaha.

Go’aankan ayaa yimid ka dib markii DF ay ku guuleysatay dhamaystirka barnaamijka loogu talagalay in lagu samatabixiyo dalalka saboolka ah ee deymaha faraha badan lagu leeyahay oo loo yaqaan (HIPC).

Go’aankan muhiimka ah wuxuu hoos u dhigayaa deynta dibadda ee Soomaaliya oo u dhiganaa 64% ee dakhliga dalka sanadkii 2018, halka uu dhamaadka 2023 noqon doono wax ka hooseysa 6%.

Deyn Cafinta ama dib-u-qaabaynta deynta, waxay ku timid taageerada deyman-bixiyeyaal kala duwan, oo ay ka mid yihiin IMF, IDA, Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF), iyo hay’ado kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuuxnuuxsaday dadaalka xukuumdaha soo maray dalka 10kii Sano ee la soo dhaafay ay ka geysteen ilaa heerkan laga soo gaaray.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa iftiimiyay dadaalada lagu bixiyay soo kabashada dhaqaalaha qaranka, taasoo keentay korodhka dakhliga gudaha, adkeynta maamulka maaliyadda dawladda, iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha.

Wasiirka ayaa sheegay in hormarkaasi lagu gaaray iyada oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin Isbadalka Cimilada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhanka kale, Maamulka IMF iyo Bangiga Adduunka aya bogaadiyay u hoggaansanaanta dalka ee shuruudaha (HIPC), xilli uu dalka wajahayay dhibaatooyin ay ka mid yihiin Caabuqa Covid-19 iyo khataraha amniga, .

Agaasimaha IMF ee Bariga Dhexe” Jihad Azour”, ayaa bogaadiyay dib u soo kabashada Soomaaliya ka dib dagaallada sokeeye iyo dadaallada siyaasadeed, halka ku xigeenka madaxa Bangiga Adduunka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Victoria Kwakwa, ay ammaantay dib-u-habaynta ku socoto dhaqaalaha dalka oo qeyb ka qaadanaysa dhimista faqriga.

Dowladda Soomaaliya ayaa u taagan sii wadida dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka, ka dib dhamaystirka barnaamijka (HIPC), iyadoo kaalmo farsamo oo joogto ah iyo hagitaan siyaasadeed ka heleysa Bangiga Adduunka iyo IMF. Bangiga Adduunka ayaa diiradda saari doonaa shanta sano ee soo socota dhisidda hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Cafinta deymaha ayaa Soomaaliya ka dhigaysa waddankii 37-aad ee dhamaystira barnaamika (HIPC) tan iyo markii la aasaasay 1996.

Guushan taariikhiga ah kaliya maaha in ay calaamad u tahay isbeddelka dhaqaalaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay tusaale u tahay guusha iskaashiga caalamiga ah ee ku aadan kobcinta dhaqaalaha adduunka iyo dhimista saboolnimada.

Guddoomiye Sheekh Aaden Madoobe oo bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Deyn cafinta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Barnaamijka Deyn-cafinta Soomaaliya oo caawa taariikdu ay tahay 13-December 2023 Soomaaliya laga cafiyay dhammaan deyntii lagu lahaa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo farxada la wadaagay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in marxalado kala duwan ay soo martay in deynta laga cafiyo Soomaaliya, waxaa dadaal badan u galay Baarlamaanka 11-aad iyo Barlamaannadii kala duwanaa ee dalka soomaray, Madaxweyneyaal iyo Ra’iisul Wasaarayaal, waxaana uu xusay in maanta wixii ka dambeya uu dalka u furmi doono bog cusub

Maxay Deyn Cafinta uga dhigan tahay dalka & dadka Soomaaliyeed?

Waxaa goordhow lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deynta, taas oo ah tallaabo ka qeyb qaadaneysa xoojinta dhaqaalaha Qaranka iyo yareynta culeyska maaliyadeed ee wajahaya dowladda.

Talaabadani ayaa ku timid dadaalka iyo dib u habeynta ay muddo ku howlanayd dowladda Soomaaliya, waxayna ka tarjumaysaa muhiimadda ay leedahay in dalalka soo koraya laga taageero safarkooda ku aaddan horumar waara.

Deyn-cafintu waxay dalka u furaysaa jiha cusub oo maalgashi iyo fursado ganacsi ah, waxayna waddada u xaaraysaa iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Cafinta deynta waxay ka qayb qaadanaysaa kor u qaadida awooda dhaqaale ee Soomaaliya waxayna siinaysaa fursado cusub oo ay ku gaarto horumar waara, isla markaana barwaaqo u horseeddo shacabka Soomaaliyeed.

Tallabadan taariikhiga ahi ee ku tilaabsatay dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kor u qaaddo maalgashiga shisheeye oo qeyb ka qaadan karo horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah shacabka.

Intaa waxaa dheer, waxay albaabada u furaysaa kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka ee dhinacyada kala duwan.

Dhammaadka cutubkan muhiimka ah ee ka mid ah taariikhda Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed ayaa dareemaya rajo ah in Soomaaliya ay si kalsooni leh ugu gudbi karto mustaqbal ifaya oo caddaalad ah.

Safarkaan maanta soo dhammaaday ayaa soo bilowday sanadkii 2012-kii waxaana xilligaas bilaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Guushaan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay hiigsatay sanadka 2023-ka guulo taarikhi ah, waxa ay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika, 31 sano ka dib waxaa laga qaaday cunaqabateyn hubka.

Bangiga adduunka iyo IMF oo ku dhawaaqay in deyntii Soomaaliya laga cafiyey

Washington DC:- Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa si wada jir ah goor dhaw ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daynta, ka dib 11-sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula falgasho caalamka.

Victoria Kwakwa Madaxweyne ku xigeenka koofurta iyo bariga Afrika ee Bankiga adduunka ayaa dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ugu hambalyeysay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo loo soo maray shaqo adag oo sanado badan qaadatay.

Jihad Azuur madaxa qaybta bariga dhexe iyo bartamaha Aasiya ee hay’adda IMF ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaalaan fursado badan ka dib guushan, kuwaas oo ay wax uga qaban karto horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xirfadaha dadka, inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saamaynta xasilooni darrida Soomaaliya iyo isbadalka cimilada.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda FS oo ka qaybgalay madasha go’aan qaadasha ee Soomaaliya looga cafiyey deyn gaaraysa  $4.5 bilyan ayaa uga mahadceliyey Bangiga adduunka iyo hay’adda IMF taageerada ay Soomaaliya ku siiyeen inay soo gaarto heerkan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo soo dhaweysay ansixinta qorshaheeda horumarinta amniga

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa meel marinta iyo taageeridda Qorsheheeda Horumarinta Amniga ee Shirkii Amniga Soomaaliya ee ka dhacay New York shalay, 12-kii Diseembar 2023 , oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qatar, Sacuudiga, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska, Mareykanka, Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka soo qeyb galay 28 ka mid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.

Qorshaha Horumarinta Amniga waa himilada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah lahaanshaha iyo mas’uuliyadda buuxda ee amniga ka dib sannado badan oo qalalaase uu dalka ku jiray iyo haatan oo ay jirto dib u soo kabasho muuqata. Sidoo kale waa qorshe lagu gaarayo xasillooni siyaasadeed oo ka taaba gasha Soomaaliya. Waxaa ka mid ah in la dhiso ciidamo karti leh, lala xisaabtami karo, la awoodi karo oo daah-furan iyo hay’ado amni si loo xaqiijiyo gaarsiinta iyo joogtaynta amniga iyadoo lagu hagayo waajibaadka Soomaaliya sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Shirka Amniga ayaa lagu soo hadal qaaday horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa madaniga ee ka ymid shacabka is xilqaamey, taas oo keentay in dib looga la wareego argagixisada goobihii muhiimka ahaa ee ay muddo haysteen, isla markaana hoos u dhac uu ku yimid awooddii dhaqaale iyo mid ciidan ee kooxda argagixisada ee Khawaarijta Al Shabab. Waxa ay sidoo shirkan lagu xusay taageerada Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo dalalka ay ka yimaadeen ciidamada kala duwan ee isugu jira milateriga iyo booliska ee Soomaaliya ka hawlgala.

Ka qaybgalayaashu waxa ay sidoo kale qireen bilawga dadaallada ku wajahan hannaanka dastuuriga ah ee loo dhan yahay iyo doorashooyinka, kororka dakhliga gudaha iyo ku biiritaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxa kale oo ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo dardargelintan socota, waxayna xaqiijiyeen inay taageerayaan Soomaaliya xasilloon, dimuqraadi ah iyo barwaaqo.

Ansixinta Qorshaha Horumarinta Amniga ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si aqlabiyad leh ugu codeeyay in xayiraadda laga saaro hubka ay helayso dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ammaanka, muddo badan 30 sano oo cunaqabateyn lagu soo rogay. Codbixintaas waxay ahayd tilmaan dheeraad ah oo muujinaysa kalsoonida beesha caalamka ee ku aaddan awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay si buuxda ula wareegto ciidamadeeda iyo hay’adaha amniga.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa ballan-qaadkii saaxiibada caalamka ee ahaa in ay taageerayaan dadaalladeeda amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha iyada oo doonaysa in ay dhisto Soomaaliya xasilloon oo barwaaqo ah.

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay magaalooyin ka tirsan Galmudug

Camaara:- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta shixnad gargaar ah u dirtay magaalooyinka Camaara iyo Wisil ee Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo tuuloyinka ku xeeran oo bilooyin ka hor Khawaarijta laga xoreeyey.

Bulshada ku nool deegaanadaasi ayaa xaalad adag wajahaya madaama Khawaarijta ay ku hayeen dhibaato ba’an, waxaana lagu wadaa in gargaarkaan loo qaybiyo.

Gargaarkaan ayaa gaaraya 40-tan, wuxuuna ka koobanyahay Raashin, Timir, iyo kaalmooyin kale oo daboolaya baahiyaha aasaasiga ay qabaan dadka ku sugan deeganadaas.