Danjire Warfaa oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirada Maraykanka iyo Boortaqiiska ee Ethiopia

Addis Ababa:- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa Safaaradda JFS ee Ethiopia ku qaabilay dhiggiisa Dawladda Maraykanka ee Ethiopia Mudane Ervin Massinga, waxaana labada danjire kulankooda ku weheliyay Wakiilka Dawladda Marayanka ee Midowga Africa Ambassador Mikail Cleverley, iyagoo dood miro dhal ah ka yeeshay guushii taariikhiga ahayd ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan ka gaartay qaadista cunaqabatayntii hubka oo sanado badan saarnayd Soomaaliya iyo sidoo kale shirka amniga Soomaaliya ee ka socda Washington.

Kulankan waxaa sidoo kale looga wada hadlay arrimaha dayn cafinta oo heer gebo-gebo ah maraya, waxaana Dawladda Maraykanku ay si rasmi u sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Docda kale, Danjire Warfaa ayaa xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Boortaqiiska ee Ethiopia Luisa Fragoso, waxayna ka wada hadleen horumarka ay Soomaaliya ka gaartay arrimaha cuna-qabataynta hubka iyo dayn cafinta, iyagoo isla gartay xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kale, Danjire Warfaa ayaa xafiiskiisa kusoo dhoweeyey hay’adda caalamiga ah ee SOAWR oo kamid ah hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha gaar ahaan xuquuqda haweenka, iyagoo bogaadiyay guulaha waaweyn ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay, waxayna caddeeyeen inay Soomaaliya kala shaqayn doonaan horumarinta xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha JFS oo New York kula kulmay Ergeyga Qatar ee Shirka Amniga Soomaaliya

New York:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mudane Faysal bin Abdullah Al-Hanzab oo ka qeyb galay shirka Amniga Soomaaliya.

Inta uu socday kulanka waxaa la lafa-guray xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.

Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa dhankiisa ku nuuxnuuxsaday sida Dowladda Qatar ay u dooneyso inay taageero siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeedba siiso dowladda Federaalka.

‘Waa la kala dheereeyay Orodse ma ahan (WARBIXIN)

Qaadista Cunaqabateynta Hubka kadib, maxaa loo baahan yahay? Sua’ashaasi ayaa waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso, haddaba si jawaab waafiya loo helo waxaan su’aashaasi hor dhigay Prof. Yaxye Shiikh Caamir, “Cuna qabateyntii Hubka waa la qaaday. Macnaheedu ma ahan Berri Hub ayaad helee. Warshadii Rasaasta Dalka lagu sameyn jiray ee Magalaada Mahadaayna kuuma dhisno, Qoraaladda aan Akhriyay qaar waxa ay sheegayaan in Hadda Dowladu ay bilaawday, Codsigii sidii ay Hub ku heli laheyd”.

Prof. Yaxye ayaa sii watay hadalkiisa, “Inta aadan Hubka helin waa in aad Taqaan Nuuca Hubka Culus ee aad u baahan tahay, Tirada aad uga baahan tahay, Qiimaha Hubka, awood ma u leedahay in aad hesho? Haddii aad hesho sideed u xafidee?. Waxaad u baahan tahay in la tababaro Ciidamadii Hubkaa culus isticmaali lahaa, Dayactirka joogtadda ah ee Hubkaa, Rasaastiisa oo kugu filan joogtana ah ma heli kartaa”.

Sidee looga faaideysan karaa fursadaan? Ayuu ka hadlay Prof . Yaxye, “Wax badan ayaa igu soo dhacay oo la xiriiro sideen uga faa’iideysan karnaa qaadista Cunaqabateyntan nalaga qaaday. Waxyabaha ii soo baxay waxaa ka mid ah in Howshaan aan loogu sinin Hal Xafiis ama Labo Xafiis. in si wada jir ah Go’aan loo gaaro iyo in Gudiyada Difaaca ee Labada Aqal ay si joogtaa saameyn ugu yeeshaan, in saraakiishii hore iyo khubarada Ciidamada ee Somalida lagala tashado, in Diplomasiiyiintii Hore loo yeero, si dhinaca siyaasadda ay Talo uga dhiibtaan iyo in si aad ah loo raadiyo Xogta Damaca iyo Danaha wadamada kale ee aan Xiriirka la leenahay”.

Prof. Yaxye Shiikh Caamir ayaa ugu dambeyntii ku talinaya sidan:- “Wadanka aad Hubka ka gadato, ogow Dayactirkiisa iyo Rasaastiisa isaga ayaad ku tiirsan tahay, haddii xiriirkiinu xumaado ogow, hubkaagu waa howl gab, raadso Hub Rasaastiisa iyo dayactirkiisa aad meela badan ka heli karto. War helaa tala helo. Haddiise Qof ama koox aan aqoon durugsan u leheyn loo kaliyeeyo, waxaa dhici karto in lagu shalaayo Cuna qabateyntiyaaba noo rooneyd ay ka dhacdo”.

Haddaba waxaa shalay Magaalada New York a qabsoomay kulan aad u ballaarnaa oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay, ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka ku sugan ayaa guddoomiyay Shirkaasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana looga hadlay ajandeyaashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”.

Saaxiibada Caalamka ee shirka ka soo qeyb galay ayaa sheegay in ay taageerayaan Soomaaliya, iyagoo qiray horumarka uu dalka ku tallaabsaday. Waxa ay ku bogaadiyeen DFS qaabka ay u wajahday aragtideeda ku wajahan horumarinta laamaha amniga. Tallaabadan ayaa ah mid muhiim u ah in Soomaaliya awood loo siiyo in ay gacanta ku dhigto arrimaheeda amniga iyo sidii loo sii xoojin lahaa xasilloonida dalka.

Magaalada New York waxaa kaloo lagu kala saxiixday heshiis qeyb ka ah Saadka Ciidamada Soomaaliya, “Maanta waxaan magaalada New York ee dalka Mareekanka ku kala saxiixannay heshiis seddex geesood ah oo ay ku heshiiyeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ‘UNSOS’, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya “’ATMIS’ iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo loogu talagalay taageerada Saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya”, sidaasina waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ka mid ahaa Wafdiga Madaxweynaha oo ku sugan magaalada New Yorka.

Dhinaca kale Hey’adda Lacagta adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hey’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, isagoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Somalia aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana la filayaa in maanta dalka Somalia laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo dhan $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed dal iyo dibad ku wargalinaysaa in la gaaray waqtigii dhammaadka safarkii dheeraa ee geediga DEYN_CAFINTA, taasi oo ay shaacin doonaan Giddiga sare ee IMF-ta iyo Bangiga Adduunka, ugu dambeynna 13-ka Bishaan December ee dhammaadka sanadkan 2023-ka. DeynCafintu Waa Albaabka Maalgashiga iyo Bilaawga Horumarka Dalka. Marka  Bisha Desenber 12-ka iyo 13-ka waxay noqon doonaan maalmo baal dahab ah ka gala taariikhda Ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba maalmihii wacnaa waan guda galnay sida:- ku biirista Bulshada Bariga Afrika, qaadista Cuneqabateynta Hubka, Deyn cafinta Soomaaliya iyo kuwa kale, marka soow ma oran karno waa la kala dheereeyay Ordse ma ahan.

W.Q. C/lahi Ruush

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo amar ku soo rogay gaadiidleyda magaalada Beledweyne

Beled weyne:- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow, ayaa kormeer ku tagay Buundooyinka iyo Wadooyinka ay saameyeen Fatahaadihii dhawaan ku Dhuftay magaalada Beledweyne.

Guddoomiye Sufuroow ayaa ku amray gaadiidleyda in aysan marin waddooyinka burbursan ilaa la dayactirayo, isagoo carabka ku adkeeyay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xad gudubta go’aankan.

Guddoomiyuhu intii uu kormeerka ku jiray waxa uu yiri: “Doorkayanu waxa in aanu dhegaysanno baaqyada dadka ku dhaqan magaalada, waxaanan ku dedaali doonaa sidii aanu si degdeg ah u hirgelin lahayn.”Go’aankan ayaa salka ku haya baaqyo ka soo yeeray shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyn, kuwaasi oo dalbaday in la joojiyo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ee waddooyinka saameynta ka soo gaaray fatahaadaha.

Duqa Muqdisho oo booqday xarunta Expo Doha 2023

Doha:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqday xarunta weyn ee Expo Doha 2023.

Guddoomiye Madaale ayaa maamulka sare ee xaruntan Expo Doha 2023 ka dhageestay warbixina la xariira waxa ay u taagan tahay, isaga oo warbixinta ka dib sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan barwaaqo ah islamarkaana leh wax soo saar balaaran oo waddamo badan oo caalamka ka tirsan loo iib geeyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo maamulka Expo Doha 2023 ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii loo abuuri lahaa fursado iskaashi ah oo lagu taageerayo horumarinta Caasimadda JFS ee Muqdisho.

Expo Doha 2023 ayaa ah xarun ay ku mideysan yihiin 127 dowladood, kuwaas oo loogu talagalay in waddan kaste uu xaruntani kusoo bandhigo waxyaabaha uu caanka ku yahay sida Hido-dhaqmeydka, wax soo saar kooda iyo taariikh dooda.

Shirka Amniga Soomaaliya 2023: Dhacdo Taariikhi ah oo ku saabsan Amniga Soomaaliya

Shirka Amniga Soomaaliya oo 12-kii December 2023 ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa ahaa shir looga hadlayay Amniga Soomaaliya. Waxaana shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay ka soo qeyb galeen 28 dal oo ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qatar, Sacuudiga, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

Saaxiibada Caalamka ee shirka ka soo qeyb galay ayaa sheegay in ay taageerayaan Soomaaliya, iyagoo qiray horumarka uu dalka ku tallaabsaday. Waxa ay ku bogaadiyeen DFS qaabka ay u wajahday aragtideeda ku wajahan horumarinta laamaha amniga. Tallaabadan ayaa ah mid muhiim u ah in Soomaaliya awood loo siiyo in ay gacanta ku dhigto arrimaheeda amniga iyo sidii loo sii xoojin lahaa xasilloonida dalka.

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka, kuwaas oo gacan ka helaya saaxiibada caalamka ayaa sameeyay horumar la taaban karo. Dadaalkan wadajirka ah ayaa muujinaya habka wax looga qabanayo caqabadaha amniga Soomaaliya. Waxay xooga saaraysaa waxtarka ay leedahay in laga wada shaqeeyo xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida JFS.

Shirka Amniga Soomaaliya ee 2023 wuxuu caddayn u yahay sida ay Beesha Caalamka uga go’an tahay inay Soomaaliya ka caawiso sidii ay u heli lahayd mustaqbal xasilloon oo barwaaqo ah. Hanaanka wada shaqayneed ee shirkani waxa uu dajinayaa taageerada iyo la shaqaynta Soomaaliya iyada oo sii wada socdaalkeeda ku wajahan nabad waarta iyo isku filnaansho, arrimaha amniga.

Israa’iil oo ku fashilantay duqeynta Gaza iyo Caalamka oo doonaya xabbad-joojin

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraar aan la isku hallayn karin oo ku baaqaya xabbad-joojin bini’aadanimo oo ka dhacda Gaza iyadoo ay sii socdaan duqeymaha Israa’iil.

Madaxa WHO ayaa walaac ka muujiyay falalka ciidamada Israel ee weeraray cisbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Gaza, waxayna ku baaqeen ilaalinta bukaanada iyo shaqaalaha halkaasi.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in Gaza ay noqotay mid ka mid ah meelaha ugu khatarta badan adduunka ee ay ka jiraan dhibaatooyinka bini’aadanimo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Israa’iil ay bilowday in ay lumiso taageerada caalamka,kadib  duqeymaha aan loo meel dayin ee ay ka waddo Gaza.

In kasta oo uu ku celceliyay in Israa’iil ay ku xisaabtami karto taageerada Maraykanka,haddana,waxa uu intaa raaciyay in Israa’iil  ay bilowday inay ku lumiyaan taageeradaas duqaymo aan loo meel dayin oo ka dhacaya Gaza.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Biden  waxa uu caddeeyay in aanay jirin wax su’aal ah oo ku saabsan baahida loo qabo in Xamaas la qaado, Israa’iilna ay xaq u leedahay inay sidaas samayso.

Hogaamiyaha Mareykanka ayaa la kulmay cadaadis isa soo taraya oo ay ku jiraan gudaha xisbigiisa Dimuqraadiga si uu u xakameeyo ololaha militari ee Israel.

Saraakiisha sarsare ee Maraykanka ayaa sidoo kale soo bandhigay cadho sii kordhaysa oo ku wajahan jawaabta milatari ee Israel.

Ugu yaraan 18,412 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel tan iyo 7-dii Oktoobar.

Soomaaliya, UNSOS iyo ATMIS oo kala saxiixday heshiis saddex geesood ah

New York:-Waasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa magaalada New York ee dalka Mareekanka Soomaaliya ugu saxiixay heshiis saddex geesood ah oo ay wada galayeen DFS, UNSOS iyo ATMIS, kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya.

“Waxaan magaalada New York ee dalka Mareekanka ku kala saxiixannay heshiis saddex geesood ah oo ay ku heshiiyeen UNSOS, ATMIS iyo DFS kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya”. ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu shalay ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay dadka ku nool degmada Jalalaqsi

Jalalaqsi:- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa xalay gaadiid sida shixnad gargaar ah gaarsiisay degmada Jalalaqsi iyo tuulooyinka ku xeeran ee Gobolka Hiiraan, iyadoo laga jawaabayo xaaladda adag ee ka jirta magaalada.

Gargaarkaan ayaa dhan 30 gaadiid ah oo sida raashin, waxaana lagu waday in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadaas, maadaama ay wajahayaan nolol adag ka dib markii uu ku fathay Wabiga Shabeelle.

Maalin ka hor ayey aheyd markii hay’adda SoDMA ay dooni sida shixnad gargaar ah u dirtay Deegaanada Jubbaland, waxaana sidoo kale xusid mudan in gaadiid kuwaan la mid ah ay hay’addu todobaadkii hore u dirtay magaalada Mahadaay.

Madaxweynaha JFS oo xarunta QM ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya

New York:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.