Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Danjire Doodishe kula kulmay dalka Qatar

Doha:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqday safaarada Dowladda JFS ku leedahay dalka Qatar.

Gudoomiyaha ayaa halkaas kula kulmay safiirka cusub oo ay Dowladda Soomaaliya dhawaan usoo magacaawday dalka Qatar Danjire Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa u hambalyeeyay Danjire Doodishe mas’uuliyada culus ee loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay in uu Alla u fududeeyo howlaha culus ee horyaala.

Docda kale, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Amb Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen xarunta safaarada oo ah goob loogu qidmeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan.

Ra’iisul Wasaaraha oo la dardaarmay shaqaale dowladeed oo dhawaan tababar ugu soo dhamaaday dalka dibadiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uu hormuud u noqdo isbeddelka iyo hannaanka dowladnimada casriga ah, si meesha looga saaro caqabadaha ku horgudban horumarinta adeegyada dowladda iyo isbeddel horumar oo waara.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay hoggaanka Tiirarka Xukuumadda ayaa ku booriyey in xubnihii hey’adaha dowladda ee qaybta ka ahaa safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah ay hormuud ka noqonayaan horumarka bulsho, iyo dhaqan-dhaqaale ee Xukuumaddu u jiheyneyso dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in tiirarku ay laf-dhabar u yihiin howlaha Xukuumadda #DanQaran, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo hufan oo wax ku soo kordhiya noloshooda.

Waxaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay xubno ka badan soddon qof oo ka tirsan hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo dalka Maleysiya ku soo qaatay barnaamijyo la xiriira Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo daah-furay tababar la xiriira Siyaasadda Ilaalinta Caruurta Soomaaliyeed

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumada Fedeeraalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay tababarka “Siyaasadda Qiimaynta Da’da Carruurta & Liis Hubineedka”.

Intii uu uu socday tababarka, wasiirka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha in ay la shaqeeyaan hay’adaha la xiriira si loo hirgeliyo siyaasaddan.

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri: “Siyaasaddani waxay hagaysaa dhammaan hababka lagu qiimeeyo da’da carruurta, maadaama aysan dalka ka jirin diiwaan-gelin sax ah, halkaasna ay ku waayaan xuquuqdooda.”

Tababarkan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa lagu lafo-guri doonaa hanaanka qiimeynta da’da carruurta, taasoo fududeynaysa in la daboolo baahiyaha ay qabaan.

Shacabka Moqokori oo soo dhaweeyay Ololaha Waxbarasho ee Bar ama Baro

Shacabka magaalada Moqokori ayaa soo dhaweeyay Ololaha Waxbarasho ee “Bar ama Baro’ oo Dawladda Soomaaliya ay si bilaash ah uga hirgelisay magaalada.

Shacabka Moqokori ayaa helaya waxbarasho bilaash ah muddo 30 sano kadib iyadoo uu socdo olalaha “Bar ama Baro’ ee dowladda Federaalka Soomaaliya ugu talagashay inay ka faaiideestaan dadka deegaankaas.

Magaalada Moqokori oo ka mid deegaanada cadowga Khawaarijta laga xoreeyay ayaa Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ka hirgelisay ololahan iyadoo ujeedku yahay in kumanaan qof ee duruufaha nololeed saameeyeen helaan waxbarasha Dugsiyadda Hoose Dhexe iyo Sare oo bilaash ah.

Qaar ka mid ah oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan inay ubadkoodu helaan waxbarasho bilaash ah.

Mid ka mid hooyooyinka mashruucaan ubadkoodu ka faa’iideysanayaan ayaa bogaadisay iyadoona tiri, “Waxaan ubaahanahay waxbarashadaan in laga faa’iideysto yar iyo weynba xittaa dadka baadiyaha joogaanoow imaada waxbarta waa fursad nasoo martay oo lacag la’aan ah”

Moqokori oo ka mid ah deegaannada laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ayaa shacabka deegaankaasi waxay baahi weyn uqabeen waxbarasho.

“Muddo 30 sano waxaad maqleesaa Hebel Jaamacaddii wax ka dhiibo ayuu waayay, Hebel Dugsi Sare wax ka dhiibo ayuu waayay iyo War Hebeloow adaa Xamar yaqaane cunug iga wad waa hadaladda ugu badan ee dadkaan adeegsan jireen hada waxaan helnay Moqokori oo Dugsi hoose dhexe iyo sare lacag la’aan yahay” ayuu yiri mid ka mid dadka deegaanka oo cabiraaya dareenkiisa ku aadan ololahaan waxbarasho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku hawlan sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada, iyadoo hore loo hirgeliyay in sanad walba la shaqaaleesiiyo 3000 oo macalin si sare loogu qaado tayada waxbarasho ee bulshada

Ololahaan “Bar ama Baro’ ayaa lagu wadaa in deegaan iyo tuulo kasta ay gaarto waxbasho bilaash ah.

Markab kuwa xamuulka ah oo lagu weeraray marinka Babul-Mandab

Markab kuwa xamuulka qaada ah ,gaar ahaan saliidda shiidaalka iyo kiimikada oo marayay marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandeb ee kala qeybiya Bariga Afrika iyo Jaziiradda Carabta ee xeebaha Yemen ayaa lagu dhuftay gantaal lagu sheegay nooca lidka maraakiibta (ASCM).

Taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in markab lagu magacaabo Strinda oo laga leeyahay dalka Norway habeenimadii xalay lagu weeraray wax u muuqday nooca gantaalada Cruise missile-ka.

Bayaan ka soo baxay taliska dhexe ayaa lagu sheegay in Markabkaasi lagu weeraray wax lagu qiimeeyay in uu ahaa gantaalaha lidka maraakiibta (ASCM) oo laga soo tuuray aagga ay Xuutiyiinta maamulaan ee Yemen.

Markabka Strinda oo ah nooca qada saliida iyo kiimikada ayaa qayb ka ah maraakiibta shirkadda Mowinckels Rederi ee fadhigeedu yahay Bergen,wuxuuna ku sii socday Dalka Talyaaniga.

Ma jiraan wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha markabka, waxaana sidoo kale lagu guuleystay in ay damiyaan dab qabsaday markabkaasi sida ay sheegeen Aljaseera oo la xiriirtay Madaxa fulinta Geir Belsnes .

Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday maraakiib marayey badda cas, waxayna sidoo kale bilaabeen in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo la beegsadaan  Israa’iil,iyagoo dhinaca kalena ku hanjabay inay beegsan doonaan markab kasta oo ay rumeysan yihiin inuu u socdo ama ka soo socdo Israel.

Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin oo ka warbixiyay Ujeedka & Fursadaha Shirka Amniga Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa maanta in uu Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobe ka furo Shirka Amniga Soomaaliya.

Waxaa madaxweynaha ku wehlinayo shirkan Wafdi ka kooban Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Lataliyaha Amniga Qaranka, Mudane Xuseen Macalin.

25 wadan iyo dhowr hay’adood oo caalami ah ayaa lagu casuumay kulanka oo ay ku jiraan Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Lataliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin, oo faah-faahin ka bixiyey shirka ayaa yiri: “Waxaanu ogaanay baahiyaha dalka ka jira iyo dhaqaalaha ku filan in wax looga qabto, dalalka saaxiibada ahna waxa ay aqbaleen inay si degdeg ah uga soo jawaabaan baahiyahaas”.

Dhanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay u soo bandhigaan baahiyaha amni ee dalka ka jira, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay ka dhursugayaan natiijada kulankaan ka soo bixi doonta.

Soomaaliya oo xarunta QM ku qabanayso shir ku saabsan amniga Soomaaliya

New York:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku qabanaysa xarunta golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska ciidamada iyo howlgallada xoreynta.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandayaasha kala ah:-
1-Horumarka iyo caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, isagoo guddoomin doono shirkaas muhiimka u ah Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 1-dii bishan December 2023-ka Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii.

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada New York

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha JFS ayaa halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shirka Amniga Soomaaliya oo diiradda lagu saari doono amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar gaar ah la qaadan doono qaar kamid ah madaxda shirkaas ka qeyb-galayso.

Guddoomiye Madaale oo Duqa Doha kala hadlay dib u cusbooneysiinta heshiiska mataaneynta Muqdisho iyo Doha

Doha:- Guddoomiyaha goobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin.

Kulanka labada guddoomiye ayaa ka wada hadlay dib u cosbooneysiinta heshiiska Mataaneynta Muqdisho iyo Doha, taageeridda mashaariicda dhismaha Bullaacadaha Muqdisho, helida sida Gaadiidka kala duwan ee lagu xoojinayo bilicda Caasimadda iyo horumarinta labada Magaalo.

Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kaste oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo dardargalin qorshaha mataaneenta Doha iyo Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay dowladda Qatar iyo shacabkeeda sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay markale caga heeda ugu istaagi laheyd.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo Senatorrada Aqalka Sare ka hor akhriyay Hinside sharciyeedka Qaxootiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Xildhibaannada Aqalka Sare ka hor akhriyay Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, Akhrintiisa 1-aad.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo u mahadceliyay Guddoonka iyo xildhibaannada Aqalka Sare ayaa sheegay in Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka uu ka koobanyahay 7(Todobo) Cutub iyo 38 qodob, isla markaana uu yahay 32 bog

Wasiir Fiqi oo ka hadlay Sida uu Hindise Sharciyeedkaan u waafaqsanyahay Dastuurka iyo xeerarka ee dalka ayaa yiri, “Hindise Sharciyeedkan wuxuu ku saleeynsan yahay Qod. 37aad ee Dastuurka KMG. (Qaxootiga & Magangalya doonka). Iyo sidoo kale shuruucda iyo heshiisyada Caalamiga ah ee la xiriira arrimaha Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo ay Soomaaliya dhinac ka tahay oo ku faahfaahsan qeybta danbe ee Ararta ee Hindise Sharciyeedkan.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa mid mid ugu sharxay Xildhibaannada Aqalka Sare Cutubyada iyo qodobada uu ka koobanyahay Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka 2023.

Ugu Dambayn, Wasiir Axmed Fiqi ayaa Guddoonmiyaha Aqalka Sare iyo Senatorrada Aqalka ka codsaday Meelmarinta Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, kaas oo ay horay u ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.