Muhiimadda kulanka Caalamiga ah ee Amniga Soomaaliya ee Washinton (WARBIXIN)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo fadhi ku yeeshay Magaalada New York ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika. Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo loo qaaday 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taasi oo ka dhigan in 31 sano ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka, waxayna albaabada u furi doonta in dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo iibsato hub culus oo casri ah oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kaasi oo xilligaan maraya heer gabogabo ah, iyadoo dhinaca kale  Goluhu uu ku sii adkeeyay Cuneqabateynta hubka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shahaab.

“Sanadkii 2022-kii ee dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh kadib ayuu la kulmay xubno ka socdoy Qaramada Midoobay oo ay kala hadleen sida loogu guuleysan karo qaadista cunaqabteynta hubka, dood dheer kadibna ay islaqaateen in la sameeyo Habraac 10-qeyb ka koobnaa oo ay Soomaaliya ku gaari karto in laga qaado cunaqabteynta hubka, dhammaanna Soomaaliya ugu dambeyntii ku guuleysatay qodobadii horyeelay, taasi oo keentay in laga qaado cunaqabteyntii hubka”, sidaasi waxaa yiri:- La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin oo faah faahiyay jidka loo soo maray Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya laga qaaday 31 sano kadib.

Waxyaahabaha ay Soomaaliya ka faa’ideyso qaadista Cuneqabateynta Hubka ayaa lagu soo koobi karaa 5 qodob, kuwaasi oo kala ah:-

1.La-dagaalanka Argagaxisada iyo soo afjariddeeda iyo Sugidda Ammaanka: Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidah. Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah, si ay si dhab ah ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.

2- Difaaca Qaranka: Qaadista cunaqabateynta hubka waxay dowladda Soomaaliya u sahlaysa inay dhisto oo casriyeyso ciidamadeeda qalabka sida, taasi oo sare u qaadeysa awoodda ay u leedahay inay difaacdo Madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

3- Dadaalka nabad ilaalinta iyo xasilinta: Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka aheyd dadaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika iyo hey’adaha kale ee caalamiga ah. Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, islamarkaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guud  ee dalka.

4- Dhaqangelinta sharciga iyo xakameynta xuduudaha: Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay qaabkii ay ku qalabeyn laheyd hay’addeeda sharci fulinta iyo si ay xudduudaheeda uga ilaaliso ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, argagixisada, iyo khataraha kale ee caalamiga ah.

5.Dawlad-dhisidda iyo dawladnimada: Xoojinta awoodda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga waxay lagama maarmaan u tahay dadaalka ay ugu jirto hirgelinta maamul xasilloon, bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Faa’iidada soo hormaraysa ayaa ah in la Soomaaliya ay heli karto Hubka waaweyn waqti yar gudahood ama Usbuuc gudahiis, halka markii hore ay qaadan jirtay sanado badan, taasi ayaa ah faa’iidada soo degdegeysa.

“Waxaan aad uga helay qaabka ay Dowlada Ingiriiska u soo diyaarisay 2-dii qaraar ee la xiriiray Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya, Qaraarka 1aad, waxaa cunaqabateynta Hubka looga qaaday Kaliya Dowlada Federalka Somalia. Qaraarka labaadna, waxa uu cunaqabateynta hubka ku sii kordhigay Argagixisada iyo Kooxaha kale ee Khatarta ku ah ammaanka Soomaalyia, si kale marka loo dhigo, marka laga reebo dowladda dhexe inta kale waa lagu kordhiyay cunaqabateynta. Haddii ay ahaan laheyd qabiilada, Maamul Goboleedyada iyo Hogaamiye Kooxeedyada. Dowlada Ingiriiska haddii ay ugu talagasho in ay Qalin kugu disho meel aadan ka kaceen ayay kugu dhufaneysaa, haddii ay ugu talagasho in ay qalin kuugu hiiliso, hiil caqligaada ka weyn ayay kuu sameyneysaa. Sidoo kalena hiilka Imaraatka iyo Mareykanka ay arintaani ka geesteen waa mid xusid mudan”, sidaasi waxaa yiri:- Mudane Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khamiistii yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay guushii taariikhiga aheyd ee qaadista cuna-qabateynta hubka, amniga dalka, la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda iyo Roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, wuxuuna Golahu soo dhaweeyey go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ay cuna-qabataynta hubka ee saarnayd muddo 31 sano ah uga qaadeen dalkeenna. Taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso ammaankeeda, isla markaana la ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.

“ dadaalka qaadista Cuneqabateynta Hubka waxay soo bilaabatay 2013-kii, waxayna soo maraysay marba heer ilaa la soo gaaray in gebi ahaanba la qaado, hal heyskeyga ayaa 2016-kii ‘QABYO NINKEEDAA DHAMEYSTIRA’ marka waa taas qabyadii oo aan dhameyeystiray”, sidaasi waxaa yiri:-, isaga oo qoslaaya Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddaba waxaa lagu wadaa in bishan Desember 12-keeda uu ka dhaco Magaalada Washinton DC ee Cariga Maraykanka kulan heer caalami ah oo Soomaaliya loogu yaboohi doono Hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo looga hadlayo arrimaha Amniga Soomaaliya, waxaana ka qeybgali doonaan dhowr Wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya, iyadoo looga hadli doonaa qaabka ay Soomaaliya ku heli karto Hub, kaasi oo isugu jira mid lagu caawinayo Soomaaliya, si ay u sii waddo dagaalka ay kula jirto Kooxda Khawaarijta ah iyo mid ay u fasaxan tahay inay iyadu soo iibsato, maadama dhawaan laga qaadaya cuneqabateynta Hubka oo Qaramada Midoobay saartay sanadkii 1991-kii.

“Walaahi Waxaan u maleynayaa in doodda xooggeedu u yahay yabooh Hubka ah iyo halka laga soo iibsan karo iyo mid deeq ahaan lagu siinayo, waad dareemi kartaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmay Saraakiil Turkish ah oo uu kala hadlay ariimaha howlgalada, Turkigana waxaa laga helayaa Drones nooca 3 iyo kuwa kale,  ku darsoo waxaa yaboohaasi ka qeybgalaya Wadamada Italy, Isutagga Imaaraatka Carabta ‘UAE’, Masar iyo Wadamada Xulafada la ah Maraykanka ‘USA’ oo arrimaha Soomaalia daneynaaya”, sida uu SONNA u sheegay Ciise Xasan oo aad u falanqeeya arrimaha Ammaanka, isagoo jooga Dalka Finland.

“Waa dalalka loo badinaayo in hubka laga soo iibiyo, kuwana deeq ahaan ayay u bixinayaan, Shirkaasi Amniga Soomaaliya, waxaa kaloo looga tashanayaa bixitaanka Ciidamada ATMIS oo kuwa ugu horreeya la filaayo in dhamaadka bishaan ay baxayaan, waxaana ugu horreeya kuwa ilaaliya Madaxtooyada Qaranka”, ayuu sii raaciyay Falanqeeyaha.

“Cuneqabateynta Hubka ee laga qaaday Soomaaliya waxay suurtogalineysaa in uu dardar hor leh uu galo la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah, lana sii xoojin doono tayeynta ciidamada Soomaaliya”, sdaasina waxaa Warbaahinta la wadaagay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daauud Aweys Jaamac.

Dhinaca kale waxaa beryahaan socday wada tashiyo dhinaca howlgallada ah ee ka dhaxeeya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ATMIS, “ waxaan rabaa in aan hoosta ka xariiqo in Ciidamada Soomaaliya kuwa ATMIS todobaadyadii ugu dambeeyay ay si wadajir ah ay ku wadeen howlgallo ka dhan ahaa Kooxda Shabaab, waxaa kale oo aan aaminsanay go’aankii ahaa qaadista cuneqabateynta Hubka Soomaaliya uu fursad dahabi ah siinayo, si ay u sii wiiqdo awoodda Kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab, ugu dambeyntiina ay uga takhalusto, annagana waxaa naga go’an inaan soo celinno nabadda iyo la dagaalanka Kooxda argagixisada ah, una diyaargarowno bixitaanka Ciidamadeenna”, sidaasina waxaa yiri:- Madaxa Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya Danjire Maxamed El-Amine Souef.

By C/laahi Ruush

Wabiga Shabeelle ee ku fatahay degmada Jalalaqsi oo xaalad go’doon ah geliyay (Warbixin).

Jalalaqsi, waxay ka mid tahay degmooyinka uhu qadiimsan gobolka Hiiraan, waxayna ku taala degmadu cirifka Koonfureed gobolka dhaca bartamaha Soomaaliya ee Hiiraan, waxayna xuduud la leedahay xadka kala qeybiya gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Bulshada ku dhaqan degmada Jalalaqsi, waxay caan ku yihiin tacbashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha nool, inta badan dalagyada ka soo go’ qudaartaasi waxaa loo iib-geeyaa dhammaan gobollada duwan ee Dalka.

Balse, maanta dhulkii bilicda lahaa iyo dalagyadii ku yaalay waxaa wada gaaray fatahaadda wabiga Shabeelle uu ka geystay degmada, dusha sare markaad ka eegto degmada indhahaadu ma qabanayaan bar-qaleel ah oo biyihii ayaa wada gaaray.

Inta badan dadkii degganaa Jalalaqsi waa ay ka barakaceen, waxayna dadka u qeybsameen qaar ka mid ah wali ku go’doonsan iyo qaar kale, biyaha bannaabka ka joogta oo guryahoodii ka barakacay.

Guddoomiyaha Dhallinyarada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Cismaaciil Cilme Guure oo dooni isaga kala goosta xaafadaha degmada ayaa sheegay in fatahaadda wabiga Shabeelle uu kala go’doomiyay isku socodkii xaafadaha.

Dhnaca kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow oo garwaaqsan muhiimadda ay leedahay ka warqabidda dadka ay saameeyen fatahaadaha wabiga oo booqasho ku tegay degmada Jalalaqsi ayaa kormeeraya goobaha ay ku nool yihiin qoysaska ka barakacay fatahaadda.

” Soomaaliya oo dhan iyo state-ka dhan ayuu dhibkani uu ku dhacay, waxaan u soconaa in ay indhaheennu arkaan dhibaatada idin haysato, Alle ayaa idin baryeynaa inuu idinka dul qaado dhibta”, ayuu yiri guddoomiye Sufurow.

Fatahaadda uu wabiga shabeelle ka geystay gobolka Hiiraan ayaa guud ahaan saameysay deegaannada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan, waxaaba socda gurmad xooggan oo ay Dowladda Federaalka wato, kaas oo loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

        

Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay kor u qaadidda xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shala6 magaalada Doha ee dalka Qatar kulan ku wada yeeshay wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Canada mudane Axmed Xuseen.

Labada wasiir ayaa kawada hadlay kor u qaadidda xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labada dal, taageerada Dibadda ee Canada u qoondaysay dalalka Afrika iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaad iyo isbeddelka Cimillada.

Mudane Abshir Cumar Jaamac Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa uga mahadceliyay martigelinta Canada ee jaaliyadda Soomaaliyeed oo qayb weyn ka qaatay isku xirka labada dal.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay ku-xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka hawlgaleysay dalka uu soo dhammaadey.

Wasiirka ayaa ku xigeenka Ergeyga uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaashey shaqada ay   ugu adeegtay dadka Soomaaliyeed muddadii ay dalka joogtay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku xigeenka Wakiilka uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka laga sameeyay iyo markii la dhisay xukuumadda Dan Qaran sannadkii la soo dhaafey.

Marwo Kiki Gbeho ayaa qirtey in Soomaaliya ay cagta saartey waddada horumarka iyo rajada, isla markaana ku tallaabsatey guulo la taaban karo oo waddanka u horseedaya dib u soo kabasho dhameystiran. Waxay sidoo kale ka mahad celisay wadashaqeynta iyo soo dhaweynta ay u fidiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intii ay dalka ka hawlgaleysay.

Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga. Waxaana dhammaadka bishan ay qaban doontaa xilka ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Koonfuurta Sudan, ahna Madaxa Isku-Duwidda Arrimaha Gargaarka Bani’aadminimada.

   

Hey’adda SoDMA oo Dooni sida shixnad gargaar ah u dirtay Jubbaland si wax loogu qabto dadka ay saameeyeen daadadka Elniino

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa galabtay dekedda weyn ee magalaada Muqdisho, waxaa ay dirtay Dooni sida shixnad mucaawino gargaar ah taas oo maalmaha soo socda lagu wado in ay gaarto magaalada kismaayo.

Gargaarkaan ayaa gaaraya in ka badan 900 oo Tan oo raashin ah, waxaana shixnadaan gargaar oo hore dowladda ruushka dalkeena ugu deeqday lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Jubbaland si gaar ah Gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo shacabkii ka soo barakacay Gobolka Jubbada dhexe oo haatan, iyaga oo wajahaya xaalad adag ku sugan duleedka kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa gargaarkaan ku wareejiyey wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowlad goboleedka Jubbaland.

     

 

Wasiirka Arrimha Gudaha XFS oo kulan la yeeshay ku xigeenka ergayga QM ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan sagootin iyo xog isdhaafsi la yeeshey ku xigeenka ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ms. Anita Kiki Gbeho.

Mudane Fiqi ayaa Kiki uga mahadceliyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka qabatay muddada ay joogtay, isaga oo u rajeeyay guul howlgalka cusub oo UNka ugu aadi doonto Suudaan.

      

Madaxweynaha Galmudug oo booqday halka loo asteeyay dhismaha dekadda Hobyo

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye  iyo Wafdi uu hoggaaminayo kana kooban xildhiaanno ka tirsan BFS, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa booqday halka ay khubarada dhiseysa dekadda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso Dekadda.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye  ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay dekaddu u baahantahay aan la deegaameyn karin, wuxuuna faray ha’adaha amniga iney la shaqeeyaan guddiga loo xilsaaray dhismaha Dekadda Hobyo.

Dekadda Hobyo ayaa dhawaan la bilaabi doonaa dhismaheeda, waxay qayb ka tahay gaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ee loo qorsheeyay in dalka laga hergaliyo si dalka dhaqaale ahaan isugu filnaado.

 

 

Hay’adda Duulista oo soo bandhigtay doorka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa maanta daahfuray Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya doorka ay ku leedahay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliya ayaa daahfurtay 16 bishii Oktoober ee sannadkan Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya , iyadoo ujeeddadu tahay horumarinta waxqabadka hay’adaha Dawladda.

Agaasimaha Qorsheynta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Aamina Cabdiraxmaan Cusmaan oo horey dalka dibadeeda ugu soo qaadatay tababarka hirgalinta hannaankan ayaa ku soo bandhigtay kulan ay goobjoog u ahaayeen agaasimayaasha iyo agaasime waaxeedyada HDRS , siyaabaha loo dhaqangelin karo iyo sida ay HDRS waaxyaheeda qayb uga noqon lahaayeen hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).

“ Hannaankan wuxuu gacan ka geysanaya inan xoojino wada-shaqeynta waaxyaha oo isla jaanqaadidooda ay gacan ka geysanayso in la horumariyo dadaalladii lagu fulinayo adeegyada bulshada iyo qaranka aan u heyno.” ayuu yiri Maareeyaha guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin oo faray agaasime waaxeedyada Hay’adda dhaqangelinta doorka ay hay’addu ku leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga.

Inta lagu jiro dhaqangelinta Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah , waaxda Qorsheynta HDRS ayaa bixin doonta tababarro la siinayo waaxyaha si loo dardargeliyo hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).

Magaalada Moqokori oo laga daah-furay mashruuc waxbarsho

Dowladd Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Moqokor ee gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ka hergelisay mashruuc waxbarsho oo lagu magac daray Bar ama Baro, halkaas oo kamid ah goobaha laga xoreeyey khawaarijta.

Odayasha magalada ayaa ku booriyey bulshada in ay ka faaideystaan fursadan waxbarsho ee laga daahfuray halkaas, iyadoo shacabka ku dhaqan Moqokori aad u soo dhaweyeen mashruucan waxbarsho.

“Cid aan wax qori karin waxna aqrin kain waa in laga waayaa deegaannadan ’’ayuu yari Odwaa oo ah wakiilka barnaamijkan u qaabilsan dowlada feedraalka Soomaaliya.

Agaasimaha guud wasarada Waxbarshada Taclinta Sare ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Amiin Mukhtaar Axmed ayaa sheegay in macaliminta dugsiga hoose, dhaxe iyo sare e degmadaan moqakori waxii ka bilwdo bishaan December heli doonan mushaaraadkooda.

“Mashruucan waxa uu taageri doonaa qofka weyn iyo qofka yar,waxey dowlada diyaarisay manhajkii wax lagu bari lahaa si ugu faaideystaan’’ ayuu yiri agaasimaha waxbarshada dowlada gobledka hirshabeela amiin muqtaar.

Moqokori oo muddo kabadan 15 sano ku jirtay gacanta Khawaarijta ee dhawaan laga saaray ayay bulshada ku dhaqan halkaas waayeen waxbarsho tayo leh, waxaana mashruuca waxbarsho ee cusub dadka magaaladan uu ka dhigi doono mid soo saaro bulsho dhisan oo horumariya magaaladooda.

Maxamed Cabdi Waare oo loo magacaabay ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa SONNA u xaqiijiyay in Urur Goboleedka IGAD uu u magacaabey Maxamed Cabdi Waare inuu noqdo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magacaabista kuxigeenka xoghayaha IGAD ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

“Waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey dowladda Soomaaliya, magacaabistiisa ayaa waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Mudane Maxamed Cabdi Waare oo horay u soo noqday Madaxweynaha Hirshabeelle, soona noqday Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee arrimaha xasilinta ayaa laga filayaa in wax wayn ku soo kordhiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya dalalka ku bahoobay IGAD, isagoo ka hoos shaqeyn doono xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu.