OOGSATADA MURUQ MAALKA OO SIYAABO KALA DUWAN U MAAREEYA NOLOSHOODA

Xoogsatada dan yarta ah ayaa soo barbaariya nolosha bulshada inteeda badan waxayna si qeyb qeyb ah ugu shaqo tagaan shaqooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin xamaaliga dejiya rarka isla markaana raseeya ka dibna wixii la gato soo bixiya .

Sidoo kale, kuwa soo jilaabta Kalluunka, isla markaana xamaala ka dibna ka iibiya bulshada inteeda kale, way noocyo badan yihiin xamaalatada dalka

Xoogsatadani sidaas ayey ku maareeyaan noloshooda kuwo badan oo ka mid ahna waxay bilaabaan noloshaas marka ay ka soo galaan dhinaca miyiga .

Qeybaha ragga ee kala duwan oo u qeybsama kuwo dhallinyaro ah iyo kuwo dhexdhexaad ah marka ay bartaan habeynta rarka waxay hore ugu sii maraan in ay bartaan qaabka ganacsiga wax looga helo waxayna gudbiyaan alaabooyinka qeybahooda kala duwan si loo gaarsiiyo meel kasta oo looga baahan yahay.

Kuwo ayaa ganacsiga abuura waxayna u qaadaan gobolada iyo degmooyinka fog fog waxayna gacan ka helaan ganacasatada ay is barteen si uu uga soo faa’ido si uu maalgashi uga dhigto.

Isla markaa waxay abuuraan qoysas waxayna noqdaan qeyb ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada.

Marka laga sootagoaaminka iyo shaqaalenimada ka dib wuxuu noqdaa qof mas’uul ah oo lagu kalsoon yahay wuxuuna ka mid noqdaa ganacsatada magaca ku leh magaalada wuxuuna soo saaraa bulsho fara badan isagoo dad kalena gacan qabta .

Adduunyadu waa silsllad oo hal maalin lama wada dhergo oo qofba maalin ayuu talada hayaa shaqadaas sharafta leh iyo aamninkaas ayaa laga dhaxlaa qofkaa iyadoo qeyb ka md ah dadkaas ay sidaas hanti ku sameeyaan.

Nolosha adage e magaalada dad badan ayey saameysaa waxaana ku jira kuwo u shaqo taga xabaalaha oo ku shaqeysta in ay dadka dhintay aasaan waxayna joogaan halkaas biil iyo nolol ayeyna ka soo saaraan.

Hadda waa shirkado isku xiran oo telefanno ayaa loo diraa waxaad kale oo aad la yaabeysaa marka aad hoos ula sheekeysato marka busaarad iyo shaqo la’aan ay dareemaan bun ayey dubaan wayna duceystaan waxaase yaab leh waxay ku duceystaan.

Shaqadani waxay ka mid tahay shaqooyinka laga helo magaalooyinka waxaana burburkii ka hor saddex meelood ayaa dadka lagu aasi jiray marka laga reebo meelaha qaar sida qabuuraha qaranka kuwaas oo kala ahaa Siinaay, qabuuraha Macallin Nuur iyo qabuuraha qaranka.

Waxaa haatan aad can u ah qabuuraha Barakaat oo aad loogu aaso dadka .

Qaar kale oo xoogsatada ah waxay xoogga saaraan dhinaca tacabka iyo beeraha taas oo ah mid aad muhiim u ah maadaama quutul daruuriga laga helo.

Kuwo kale ayaa ku xoogsada xirfadda xoolo qalista waxayna dadka ay wax u qalayaan ka qaataan hillib iyo lacag si ay ugu maareyaan nolosha qoysaskooda .

Qaar kale waxay xirfaddoodu tahay ka la gadista dhulka iyo dhismayaasha iyadoo ay jiraan dulaalo ku shaqeysta arrintan oo lagu yaqaano iibinta wax kasta oo beec ah iyo kirada .

Si kasta ha noqotee xoogsatada nolosha ayaa la gasha meel walba si ay noloshoda iyo tan qoysaskooda u maareeyaan.

Waxaa laga maarmaan ah in qofku isku maareeyo shaqo uu sameystay halkii uu gacanta hoorsan lahaa dadka wanaagsanna shaqo xalaal ah ayey u kallahaan meel kasta oo ay ka helaan waxaana fiican in shaqadu noqoto mid lagu raadiyey si xalaal ah.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

HAL ABUUR IYO HORUMARIN GANACSI

Marka ugu horreysa ee aad ganacsi galeyso uma baahna in la soo raro maraakiib iyo doonyo ee wuxuu u baahan yahay in aad ka baaraan degto oo fahamto sidii waxa aad iibineyso aad faa’iido uga heli laheyd iyo waqtiga munaasabka ah.

Ilaa iyo xillgii burburka iyo dowlad la’aanta waxaa jiray gabdho soomaaliyeed oo dhexda marada ku xirtay si ay qoyska u nooleeyaan waxayna isu qeybiyeen kuwo dharka wareejiya oo garabka ku qaada oo rag iyo haweenba ka gada iyo kuwo qaada alaabada yar yar ee loo baahan yahay sida babiska, xaaqimaha, salladaha yar yarka ah, sidoo kalena waxaa jiray kuwo shaaha iyo qaxwaha ku kariya dhinacyada waddooyinka.

Wax badan ayey soo saareen gabdhahaa waxaana ganacsigii garabka ku soo biiray ragga oo leh dhallinyaro iyo odayaal oo garabka ku sida alaabta loo yaqaan ha  wareerinta.

Dadkaas waxay nooleeyeen qoysas badan waxana way soo saareeen waxayna soo saareen arday dhigata iskuulada, dugsiyada quraanka iyo xitaa jaamacadaha waxaana ka soo baxay dhaqaale uu reerku kaga maarmay shaxaad iyo in ay dad kale wax weydiiyaan .

Mar aan la sheekeystay gabar la yiraahdo Canab Ciise oo ku magac dheer Canab shah macaan waxay ii sheegtay in caruurtii ay ku soo korisay maqaayadda shaaha ay qaarkood ka baxeen jaamaadaha, kuwo kalena ciidamada qalabka sida ay ku biireen, kuwana ay xaasas yihiin halka haween kalena ay ii sheegeen in maqaayadahaa shaaha ay caruur dibadda uga dhoofiyeen.

Faa’idooyinka laga helo ganacsiga ma aha kuwo halkan lagu soo koobi karo iyadoo ganacsato badan oo jeeb yar ah ayaa ka soo qaada qudaar kala duwan beeraleyda dalka waxayna keenaan suuqyada kuwaas oo si wanaagsan loogu gato xaafadaha magaalada marka aad eegtana waxay kamid yihiin dadka nolosha fiican magaalada ku heysta .

Kuwa gaariga weyn ee qudaarta keensada waxaa sii qaata kuwo kale si ay uga faa’idaan waxayna geeyaan xaafadaha dhexdooda waxayna la macaashaan faa’ido biil ay nolosha ku maareeyaan ka helaan.

Dadka alaabooyinkan qaada waxay leeyihiin dallaal iyo mallaal sida suuqa xoolha oo ayaa qudaarta la dallaalaa waxaan la yiraahdaa saddexda wax ka cunta waxaa la kala yiraahdaa dallaal, malaal , macalqabad iyo meeshaan joogay.

Soomaalida waa dad ku fiican xagga wax isla cunka iyo saaxiibtinimada waxayna gacanta wada gashadaan hal saxan iyagoo gaaraya in badan afar qof.

Marka aad eegto sida ay wax u wadaagayaan waxaad mooddaa dad taajiriin ah waase dad dan yar ah waxayna ganacsatada yar yar leeyiihin guddi xallin ah oo suuqleyda ka kooban umana baahdaan saldhig iyo qabiil in ay soo galaan arrimahooda oo iyaga ayaa xalista.

Ganasiga yar yar horum badan ayaa laga helaa marka dambena qofku ganacsi weyn ayuu u dallacaa waxaana laga bartaa sida ganacsiga loo ilaalin lahaa, xeerarkiisa iyo sida looga faa’idi lahaa wuxuu qofku fahmaa sidii uu uga shaqeyn lahaa ganacsi ballaaran.

Sidaa darted, ganacsiga yar yar waa waddada keliya ee lagu gaaro horumarka .

WQ: Abwaan Gabayre

 

Wafdi ka socda dowladda iyo QM oo gaaray Baardheere

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, qaybna ka yihiin wasiiro katirsan Maamulka Jubbaland ayaa gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo kamid ah degmooyinka sameenta ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.

Wafdigaan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa, u qaybsamaha Qaramada midoobey ee arimaha gargaarka iyo ban’iadanimada {DSRGS) George Conwey, Madaxda Hay’addaha UNICEF, WFP iyo madaxa Mashruuca gargaarka degdega ee hay’adda FAO Somalia, UN-OCHA Somalia.

Ujeedada Socdaalka Wafdiga ayaa la xariirtey u kuur gelidda saameynta ka dhalatay fatahaaddii uu sameeyey webiga Jubba ee mara degmada Baardheere, Burburkii Buundadii muhiimka u ahayd Bulshada magaalada Baardheere iyo Saameenta wayn ee ka dhalatay fatahaadaha Elnino, sidoo kale waxa ay boqdeen xerooyinka ay daganyihiin dadka Barakacaaysha ah ee sida ba’an u saamaysay fatahaada, Buundada Burburtay, Isbitaalka degmada iyo Xarunta Mamulka degmadaas.

GANACSADE DHAQAALE DOON AH HADANA AAN AQOON SIDA LOO SAMEEYO

Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho fur furan kuna fiican sida badan dhanka ganacsi waana bulsho aad u jecel sameynta dhaqaalo fara badan, weliba doonaya in ay sameystaan dhaqaalo tiro beel ah isla markaana noqdaan dad qani ah oo nolosha u dhameystiran tahay.

Si dhaqaalo loo sameeyo waxa ay u baahan tahay in aad lahaato waaya aragnimo xooggan oo wax badan u soo joogtay sidoo kale waxaa loo baahan yahay in qofku soo maro guul darooyin badan oo uu ku baranaayo casharro muhiim ah oo noloshiisa soo martay amaba qofkale oo saaxiibkiis ah soo martay.

Haddii aad dooneyso in aad sameyso dhaqaalo hab nolaleedkaaga waxa ka badalo waa in aad sameysaa afartaan qodob ee soo socota waxaana isbadal xoog leh ku imaaneyso dhaqaalahaada iyo hab nololedka.

Waa in aad sameysaa hadaf dhaqaale ama maaliyadeed (gool).

Taa macnaheedu waa in aad lahaataa hadaf (gool) dhaqaale oo sanadle ah, mid labo sano ah, mid Shan sano ah, adigoo adeegsanaya qiyaas tirsamaysa iyo mudo goan.

sanad kadib meeqa ayaad rabtaa in ay hantidaadu gaarto? laba sano kadinna? shan sano kadibna?

Tusaale ahaan waxaan rabaa in aan sanadkan shaqeeyo 5000$ ama waa in aan gataa guri, ama beer, ahdaaftan waa kuwo la qiyaasi karo.

Waa in aad laba jibaartaa dakhligaaga billaha ah.

Waa in aad qorsheyaasa in aad laba jibaarto dhaqaalaha ku soo gala bishii ama dakhligaaga billaha ah sadexdii sanaba mar, oo hadii bishii aay ku soo geli jirtay 200$ sadex sano kadib waa in aad

gaarsiisaa 400$, hadii kale waa tahay nin fashilmay {aan guulaysan}.

Waa in aad laban laabtaa dhaqliga ku soo galo.

Hanta guud eed haysato waa inaad labo laabtaa shantii sanoba mar , manta hantidaadu meeqa ayeey dhan tahay? shan sano kadib waa in ay labo lab noqotaa , tani waa qiyaasta ugu yar ee guusha maaliyadda.

Waa in aad bixisaa sadaqo joogto ah( sadaqadu waxbo manusqaamiso ee waxbeys siyaadisaa).

Bixi sadaqo joogto ah:

waxaa fiican inay leedahay waqti go’an sida sadaqo maalinle bille, ama todobaadle ah,  sadaqo maal ma nusqaamiso  sidaa waxaa yiri xabiibkeena muxamad (scw), sadaqadu waxay damisaa carada rabi, waxa barakaysaa maalka, waxay celisaa balaayadda.

Kadhig sadaqadaada mid joogto ah oo le waqti , xabiibkeenu ( scw ) wuxuu yiri :  camal waxaa ugu khayr badan kan joogtada ah haba yaraadee

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

Madaxweynaha Galmudug oo daah-furay mashruuca dhismaha dekadda Hoyo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Ganacsato ayaa daahfuray Mashruuca dhismaha Dekedda Hobyo ee Galmudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa u mahadceliyay Ganacsatada Galmudug, kuwaas oo u istaagay in ay dhistaan Dekedda loogu adeego Bulshada qeybna ka noqoto Kaabayaasha dhaqaale ee Dalku yeelanayo.

Mashruuca Dekedda Hobyo, ayaa soo maray heerar kala duwan taasoo maalin uun lagu taamayay inay hirgasho

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay dhismaha Dekadda Hobyo iyo in ay ka faa’ideysan doonaan shacabka Galmudug iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.

                

Wasaaradda waxbarashada oo mar kale qaadaneysa saddex kun oo macallimiin cusub ah

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda  iyo labada Golle ee Barlamaanka Soomaaliya kordhinta qoontada miisaaniyadda wasaaradda waxbarashadda oo qorshaheedu yahay baahinta, horumarinta iyo tayeynta waxbarashadda dalka.

Wasiirka Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in qorshaha wasaaradda ee billawga sanadka 2024-ka uu yahay in la qaato saddex kun (3,000) oo macallimiin cusub ah , si loo baahiyo waxbarashadda dalka ee sida weyn ubadkeennu baahida weyn ugu qabaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti

Jabuuti:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kaga qeyb-galaya Meertada 41-aad ee Urur-goboleedka IGAD ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo marti-gelinaya shirkan.

Labada Madaxweyne ayaa iska waraystay xaaladda gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo nabadda gobolka.

 

  

Xildhibaanad BJFS oo ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2024-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi cabdillaahi, ayaa shir guddoominaya kulanka wadajirka ah ee labada aqal kulankiisa 4-aad oo ajandihiisu yahay, Warbixinta Akhrinta 2-aad ee xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaannada ayaa intaa kadib ka dooday akhrintaa 2-aad ee miisaaniyadda dowladda ee wasaaradda Maaliyadda ay u soo gudbisay Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,waxana cod gacantaag ah ay ku ansixiyeen xildhibanada labada gole Miisaaniyadda dowladda ee 2024-ka

186 Mudane oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa gacantaag ku ogolaaday miisaaniyadda halka ay diideen 3 Mudane.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo meel-marinta Miisaaniyadda kadib la hadlay Baarlamaanka ayaa u mahadcelyay, waxa uuna tilmaamay muhiimadda Miisaaniyaddani ay u leedahay Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gaba maraya.

Maraykanka oo horistaagay xabbad-joojin laga sameeyo Gaza

Mareykanka ayaa codka diidmada qayaxan ku horistaagay xabbad-joojin laga hirgaliyo dhulka Gaza,taas oo uu soo jeediya Xoghayaha Guue ee Qaramada Midoobay Antonyo Gutares.

Diidmada Mareykanka ayaa timid xilli maalintii shalay Golaha Ammaanka uu u fariistay kulan looga hadlaayey arrimaha Gaxa iyo sida loo helo karo xabbad-joojin.

Falastiiniyiinta ayaa Mareykanka ku dhaleeceeyay inuu horistaagay baaqii xabad joojinta ee ka yimid Qaramada Midoobay,waloow ay jiraan cadaadis sii kordhaya oo ku aadan sidii loo badbaadin lahaa dadka reer falastiin eek u sugan Gaza

Duqeymaha Israa’iil ee Gaza ayaa sii socda, iyadoo tobaneeyo la sheegay inay ku dhinteen weerarrada Khan Younis ee koonfurta Gaza, waxaana WFP ay sheegeen in Falastiiniyiinta barakacay ay ku nool yihiin waddooyinka Gaza iyaga oo aan helin cunto iyo sahay kale oo muhiim ah.

Ugu yaraan 17,487 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo Oktoobar 7. Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashadu waxay maraysaa 1,147.

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte Cismaan oo Boqolaal ciidanka degaanka kula hadlayay deegaanka Baardheere ee gobolka Hiiraan ayaa ciidamada faray in la dar-dargaliyo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

Cali jeyte ayaa ciidanka u sheegay in ay ku filnaadaan oo cadawga ka difacaan degaannada katirsan gobolka Hiiraan,halka meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan khawaarijta ay tahay in laga sifeeyo si bulshada gobolka u hesho amin buuxo

“Waxaan rabaa in aad Hiiraan ku filnaataan oo khawaarijta la dagaalantaan si bulshadu u hesho xornimmo ay ku noolaadaan”sidaa ayuu yiri Cali jeyte.

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda ayaa sidoo kale ciidanka u sheegay in ay u diyaar garowaan howlgal ka duwan kuwii hore oo cadawga looga xoreynayo degaannada iyo guud ahaan dalka, isagoo faray in meel walba ay ku baacsdaan khawaarijta,si bulshada looga dulqaado dhibaatada ay muddada dheer ku hayeen.

“Meel kasta oo ay galaan argagixsada.waa in aad uga daba tagtaan si aan uga guleeysanno, haddii kale anageey nagu soo laabanayaan”ayuu markale yiri Cali Jeyte Cusmaan

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta kawada deegaanno badan oo katirsan gobollada Hirshabeelle Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland halkaas oo cadawga khasaara xooggan lagu gaarsiiyay.

Dhanka kale Taliyaha ururka 8aad guutada 18aad ee Gorgor Maxamed Cali Hilowle oo isna la hadlay ciidanka ayaa yiri:-waxaan rabaa guusha aad ku fadhisaan in aad difaacataan saakay barriga Hiiraan waa xor waxaan rabaa in aad caqiidada adkeeysanno oo aan  khawarij ka adkaano

Waxaa uu sidoo kale ciidnka ku dardaarmayaa in ay qabtaan kuwa cadawga taleefannada u diraaya ee wax u jaa juusaaya