Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay xalay deegaanada kala ah Farag ,Huuyaley , Abagbeeday, Dudumaale, Kojoor, iyo Ceelgaras Oo hoostaga Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Howlgalka ayaa lagu bur-buriyay fariisimo khawaarijtu ku lahayeen degaanadaasi,iyadoo halkaas khasaara xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay taliye xigeenka guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS G/le Yoonis Adan Hassan oo hoggaaminaayay Howlgalka.

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa guud ahaan gobolada dalka ka wada howlgalo lagu baacsanayo argagexisada dhibta ku ah nolosha iyo mustaqbalka ummadda.

 

  

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha sare ee Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyaha Golaha sare ee Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn Dr. Sheekh Mohamed Bin Abdullah Al-khaliifa iyo wasiirada Caafimaadka Baxreyn Dr. Jaliila Bint Al-sayid Jawad.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Baxreyn kaalinta ay ka qaateen horumarinta Caafimaadka Soomaaliya asaga oo ku adkeeyay in ay sii labo jibaaraan dadaalada ay ku garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada joogtada ah ee ay ku bixinayaan horumarinta qeybta guud ee Caafimaadka dalkeena.

Wasiirka ayaa kala hadley Madaxda Wasaarada Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn in ay gacan ka geystaan gurmadka dadka ay dhibaatooyinka kasoo gaareen fatahaadaha ka dhashay roobabka El-nino, wuxuu sidoo kale ka codsaday in ay kala shaqeeyaan Tayeynta iyo horumarinta Hey’adaha Qaran ee maareeynta dawada iyo mihnadlayaasha Caafimaad.

Mas’uuliyiinta Caafimaadka ee Baxreyn ayaa dhankooda uga mahadceliyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam booqashada uu ku yimid dalkooda waxayna balan qaadeen in ay xoojinayaan xiriirka labada wasaaradood islamarkaana ay ka taageeri doonaan dhisidda nidaamyada Caafimaad ee casriga ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya iyo xaqijinta yoolka Xukuumadda ee Caafimaadka Dalkeena.

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

Jabuuti:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti kaga qeyb-gali doono kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.

Safiirka JFS ee Kenya oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan laamaha ammaanka garoommada dalka

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka kenya Mudane Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tababar soo xiray Hawlawadeenno katirsan laamaha Amaanka garoomada Soomaaliya.

Tababakaan ayaa intuu socday waxaa bixinaysay Safaarada Maraykanka iyadoona ay soo qaban qaabisay Wasaaradda amniga Gudaha Ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tababarka ayaa inta uu soconayay diirada lagu saarayay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo tayada howl-wadeenada kala duwan ee laamaha amaanka ee garoomada guud ee Dalka Somaaliya.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ugu dambayntii uga mahad-celiyay Dowladda Maraykanka tababarka ay siisay howl-wadeena laamaha amaanka ee Garoomada Guud ee Dalka taasi oo sare loogu qaadayo Tayada Badqab ee Garokmada, isagoo shahadooyin gudoonsiiyay dhamaan Howl-wadeenada ka faa’iideystay taba-barka.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa goobjoog ka ahaa Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Mudane Suudi Saciid Suudi Qunsulka Safaaradda Ismaciil Ibraahim Aadan agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha JFS Yuusuf

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha dib u heshiisiinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed , taasi oo mudnaan gaar ah u leh dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray degmada Hobyo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo hoggaaminaya wafdi sare ayaa galabta gaaray degmada Hobyo ee Glgobolka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka kooban xildhibaannada labada aqal ee BFS lagana soo doorto Galmudug, mudanayaal ka tirsan labada gole ee dowladda Galmudug, ganacsato iyo siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ujeedka safarka madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa ah dhammeystirka dadaallo muddooyinkii dambe uu waday hoggaanka sare ee dowlad Goboleedka Galmudug ee ku aaddanaa ballaarinta iyo dib u casriyeynta Dekadda Hobyo.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Baxreyn kaga qeybgalay kulan weynaha wadamada carabta iyo Jarmalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Manama ee caasimada Boqortooyada Baxreyn kaga qeyb galay kulan weynaha shan iyo tobanaad (15) ee u dhaxeeya wadamada carabta iyo Jarmalka kaasoo looga arinsanayo arrimaha Caafimaadka.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Caafimaadka wadamada Carabta iyo Jarmalka ayaa waxaa furay madaxa Golaha Sare ee Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn Sheekh Mohamed Bin Abdullah Al-khalifah iyo wasiir ku xigeenka Caafimaadka wadanka Jarmalka prof Edgar Franke, shirka ayaa looga arrinsaday maalgashiga Caafimaadka, soo saarista dawo tayo sare leh, iyo hababka ugu haboon ee tiknoolojiyada loogu adeegsado adeeg bixinta Caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali  aaji Aadan  oo shirka kadib kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka wadanka Jarmalka prof Edgar Franke ayaa waxa uu uga mahadceliyay taageerada Caafimaad ee ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ka codsaday in ay maalgashi ku sameeyaan Sector-ka Caafimaadka dalkeena iyo in ay ka taageeraan xoojinta nidaamka Caafimaad iyo helida qalab Caafimaad oo casri ah.Wasiirka ayaa sidoo kale ka codsay madaxda Caafimaad ee wadanka Jarmalka in ay aqoon kororsi u sameeyaan injineerada ku taqasusay cilad bixinta qalabka Caafimaad si loo yareeyo ciladaha soo noqnoqda ee fadhiisiya qalabka Caafimaad, dhankiisa prof Edgar Franke Wasiir ku xigeenka Jarmalka ayaa soo dhaweeyey codsiga Wasiirka waxa uuna ballan qaadey in Dowladdiisa xoojin doonto garab istaaga horumarinta Caafimaadka Soomaaliya islamarkaana ay fulin doonaan nuxurka wadahadalka.

Gabagabadii ayaa mas’uuliyiinta waxa ay ka qeyb galeen furitaanka bandhiga Caafimaadka ee Manama kaasoo lagu soo bandhigay dawooyin iyo qalabka Caafimaad oo ku shaqeeya tiknoolojiyadda casriga ah islamarkaana ka turjumaya horumarada isdaba jooga ah ee laga gaarayo Caafimaadka.

Hiiraan:Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ku soo qabtay dhagarqabe khawaarij ah

Balad weyne: Ciidamada Xoogga Dalka io kuwa Gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe doonaayay inuu miino ku aaso wadada u dhaxeeya Dagmoyinka Beledweyne iyo Buulaburte oo ka tiran Gobolka Hiiraan.

Qabashada dhagarqabahaan ayaa timid xilli ay socdeen howlgallo loga hortagayo dhagarta kooxda khawaarijta ee ku dhuumaleysanaya dhulka buuraleyda ah ee u dhaxeeya Baladweyn iyo Buulu Burde.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa haatan ku howlan ama sii wada raadinta kooxaha khawaarijta ee lagu tuhmay in ay gabbaad ka dhiganayaan dhulka buuraleyda ah,iyagoo doonaya in ay aasaan walxaha qarxa.

Hey’adda IMF oo lagu wdo in 13-ka bishaan ay dhameystirto deyn cafinta Soomaaliya

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda ay si buuxda u ansixiyaan barnaamijka deyn cafinta lacagaha ee lagu leeyahay Dalka Soomaaliya.

Guddiga Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Washington 13-ka bishan December,waxaana qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo deyn cafinta Soomaaliya oo lacag ahaan gaareysa $3.3bn oo dollar.

Inta badan Soomaaliya ayaa dhameydyirtay shuruudihii lagama maarmaanka u ahaa deyn casfinta Soomaaliya oo soo jiitamaayey muddo sano ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku baaqay in gacan laga geysto dib u dhiska dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa ku baaqay in gacan laga geysto dib u dhiska goobaha laga fuliyo adeegyada bulshada ee ay ku jiraan waddooyinka iyo xarumaha kale ee degmooyinka iyo kuwa dowladda.

Guddoomiyaha ayaa ka dhaqaajiyay hadaladaasi xilli uu habeenimadii xalay xarigga ka jaray dhismaha xarunta Maamulka Degmada Kaaraan oo maalmihii la soo dhaafay lagu sameeyay dib-u-dhis balaaran.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale () ayaa xusay in illaa hadda lagu guuleystay dayactirka  14 waddo oo kamid ah Magaalada Muqdisho,wuxuuna inaa raaciya in ay socdaan qorshe lagu dhisayo waddooyin cusub iyo kuwo kale oo la doonayo in la dayactiro.

“Dal ninkiisa ayaa dhisa,sidaa daraadeed,waxaa loo baahan yahay in Maamulada Gobolka Banaadir gacan lagu siiyo dib u dhiska dalka,gaar ahaan waddooyinka caasimadda dalka iyo carumaha kale ee muhiimka ah”ayuu yiri Maddaale