Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socday Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Dalka ku qaabilay khubaro milatari iyo saraakiil sarsare oo ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Kulankan oo uu qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim M.Yagli,waxaa kulankaasi looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ,gaar ahaan ahmiyadda taageerada Turkiga ee howlgalka xoreynta iyo qorshaha tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed ee ay bixiyaan khubarada milatariga Turkiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay kulankii qaabilaadda saraakiishaasi iyo madaxda kale ayaa ka mahadceliyey doorka Turkiga eeay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiyeed iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Golaha Ammaanka oo maanta kulan ka yeelanaya arrimaha Gaza

United Nations Security Council

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Jimco ah kulan ka yeesho dagaalka ka socda Gaza si loogu  codeeyo in xabbad joojin degdeg ah laga sameeyo halkaasi.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu qaaday tallaabo naadir ah oo uu ku cuskaday qodobka 99-aad ee axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo u oggolaanaya xoghayaha guud in uu golaha horkeeno arrin kasta oo khatar gelin karto ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamka .

Warqad uu u diray golaha Arbacadii, Guterres wuxuu ku sheegay in xaaladda Israa’iil iyo Gaza ay ka sii dari karto ,isla markaana at saameyn ku yeelan karto ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”.

Tallaabadaan waxay noqonaysaa isku daygii shanaad ee lagu raadinayo midnimada xubnaha golaha,iyadoo afar go’aan oo qabyo ah oo hore loo soo bandhigay tan iyo markii uu dagaalku qarxay ay diiideen xubnaha goluhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga ay u soo magacawday Soomaaliya mudane Pier Mario Daccò Coppi warqadaha aqoonsiga kaga  guddoomay Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka.

Danjiraha cusub oo ka mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii taariikhiga ahayd ee dalka looga qaaday Cuna-qabatayntii hubka waxaana uuna bogaadiyay hormarada  laga gaaray dagaalka lagu dalka looga sifeynayo Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, waxa uuna madaxweynaha  xusay ahmiyadda ay leedahay lagu garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka ay kula jirto argagixisada

Soomaaliya iyo Itoobiya oo wada saxiixay cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca MoU

Addis Ababa:- Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya mudane Abraham Belay ayaa si loo dardargeliyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal waxa ay saxiixeen cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU), kaasi oo hore labada dowladood u kala saxiixdeen bishii February, 2014.

Heshiiskan ayaa sii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal waxa uuna sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka.

Ugu dambeyn, heshiiskan waxa uu abuurayaa dhismaha Guddiyo Difaac oo wadajir ah, si ay u horumariyaan, una fududeeyaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maalnimadii shalay ahaa gaaray magaalada Addis halkaas oo casuumaad ugu fidiyey dhiggiisa dalkaas.

RW Xamsa oo sheegay in hay’adda Duulista Rayidka ay ku jirto hey’adaha ugu kobaca badan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaartay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada.

“Soomaaliya waxa ay u furmaysaa caalamka, waxaa la inaga rabaa in hey’adaheenna dhammaantood ay u diyaar garoobaan masuuliyad adag, si aan ula baratanno caalamka aan la shaqaysanayno, lana imaadno karti, aqoon iyo farsamo aan adduunka kula ganacsano”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray bahda duulimaadyada caalamiga (Civil Aviation Community), gaar ahaan bahda duulimaadyada Soomaaliya, Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka, isagoo sheegay in Xukuumadda #DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si ay ula tartanto hey’adaha dhigeeda ah.

“Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo dhiggeeda, maantana muddo gaaban waxa aan joognaa meel fiican oo lagu faani karo, waxaa la xaqiijiyey yoolal badan oo la hiigsanayey, kuwaas oo ku hirgalay dadaalka la bixiyey”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gadiidka  iyo Duulista  iyo Heya’adda Duulista Rayidka, sare uqaadidda maamulka hawada sare oo laga soo qaaday darajada G haatanna la gaarsiyey darajada “A” oo ah meesha ugu sareysa ee dhanka maamulka hawada sare.

Hay’adda SODMA oo shixnad gargaar mucaawino ah u dirtay degmada Mahadaay

Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta 30 gaadiidka nuuca xamuulka qaada ah oo sida shixnad gargaar mucaawino ah u dirtay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeeladda dhexe iyo deeganadda hoostaga ee Maamulka Hirshabeelle .

Sidoo kale gargaarkaan waxaa wehliya Doon nuuca dheereysa oo loogu talagaly in dadka go’doonsan lagu badbaadiyo goobaha qaar ee aan gaadiidka tagi karina raashinka lagu gaarsiiyo.

Mucaawinadan iyo doontaan ayaa loogu talagalay in la garsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee sameenta ka soo gaartay Fatahaada wabbiga Shabeelle ku nool gudaha Mahadaay iyo tuuloyinka ku xeeran.

Wasiir Daa’uud oo sheegay in Soomaaliya ay gaartey heerka ugu sareeya ee maamulka hawada

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Da’ud Aweys Jaamac oo ka hadlay munaasabad lagu xusayey maalinta duulimaadyada Rayidka caalamiga ayaa sheegay in Soomaaliya gaartey heerka ugu sareeya ee maamulka hawada.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in munaasabaddaan ay muhiim u tahay Hay’adda duulista Rayidka maadaama gaar ah u tahay Soomaaliya, isaga oo sheegay in Hay’addaan ay tahay muraayadda laga dheehan karo hormarka ay Soomaaliya sameenayso.

Muddo dheer oo Soomaaliya ku soo jirtay dhabaatooyin kala duwan meesha kaliya ee Soomaali isku xiraysay haba noqoto mid gaabis ku bilaabato, waxa ay ahayd duulimaadyada Rayidka ah oo qeyb ka qaadanayeen hay’adda,” sida uu yiri Wasiir Daa’uud.

Dhanka kale  Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda ay farxad weyn u tahya in ay aragto adeega duulimaadyada uu si wanaagsan u hana qaado.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Da’ud Aweys Jaamac ayaa xusan in maalintaan aysan ahayn dabaal dag oo kaliya balse ay muujinayso in Soomaaliya dib u soo kabatay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliy

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Joachim Waern oo ay ka wada hadleen xiriirka, iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern ayaa sheegay in  dalkiisu uu ku biiranayo lacag Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka uga mahadceliyey dowladda Sweden oo maanta ku dhawaaqday in ay ku soo biirtay Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya ee (TPSS) iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Sweden u fidiso Soomaaliya.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo dhageysatay dacwad la xiriirta dalab ice-cream oo lagu dhacay taleefoon IPhone 14 Max

Maxakamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad la xiriirta dalab ice-cream oo lagu dhacay taleefoon.

Eedeysane Haashin, wuxuu saaxiibkiisa u maleegay qorshe looga dhacayo taleefankii loogu shidi jiray magaalka, waliba looga qaadi jiray sawirada, waxaana loo adeegsaday saaxiib kale oo la weji garaneyn, kaas oo baskoolad Beljim ah gacanta ka saaray.

Haashim Yaxye Aadan Dabke/Xoogga Haashin Yaxye Aadan, waa abqariga sheekadan dhaca moobilka, halka Shuceyb Yuusuf Cali uu yahay gacantii loo adeegsaday soo xera gelinta IPhone 14 pro Max ee uu doonay Haashim.

Dhibanaaysha ayaa ku qaldamay Isaaq Nuur Maxamed, maddaama ay weheliyeen saaxiibadiisa shaqo wadaaga ay yihiin oo labo ruux ah, kuwaas oo u wada shaqeeya Aadan19 Ice-cream oo Muqdisho ku taala.

Dhacdadan ayaa xilli habeen ah waxay ka dhacday degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir, waxayna qaar ka mid ah dhibanayaasha oo hadlay ay sheegeen in sheekadan dhaca ay ka bilaabatay dalab Ice-cream.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay kiiskan.

” Maddaama la soo hoyanayo isku xaafad iyo deris la yahay hore iigu soo qaad jalaatadaas horay iigu keen, ka dib xaafaddii ayuu ku balamiyay waa yimid dhibanaha iyo labo qof oo la socota oo mooto Feykon wada, wuu wacay wuxuu yiri waa joogaa ee ku aaway, Maya ma joogi meeshaas meel qaldan ayaa kuu sheegay ee meel kale ayaa joogaa oo masaajid ku agyaalo iyo dugsi qur’aan, marka waxaa u yimid eedeysanaha labaad oo baskoolad wata jilbaha ayuu dhulka u dhigay wuxuu ka qaatay taleefanadii ay wateen,”.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkamadda.

Madaxweynaha Kenya oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Amb Jabriil

Nairobi:- Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Safiirnimmo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Dhawaan Madaxweynaha Jaahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa  magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo uu maanta waraaqahooda aqoonsiga  qasriga Madaxtooyada kaga guddoomay Madaxweyne William Ruto.

Magacaabista Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle  ayaa wada wanaagsan u jeexi doonta Xariirka labada dowladood, maadaama uu yahay shaqsi galaangalka xoogan ku leh Kenya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda cagta saaray wado horay loogusii qaaday xasilooni siyaasadeed, waxaana magacaabista Jabriil Ibraahim Cabdulle  si wayn usoo dhaweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool dalkaas.