Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga ay u soo magacawday Soomaaliya mudane Pier Mario Daccò Coppi warqadaha aqoonsiga kaga  guddoomay Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka.

Danjiraha cusub oo ka mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii taariikhiga ahayd ee dalka looga qaaday Cuna-qabatayntii hubka waxaana uuna bogaadiyay hormarada  laga gaaray dagaalka lagu dalka looga sifeynayo Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, waxa uuna madaxweynaha  xusay ahmiyadda ay leedahay lagu garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka ay kula jirto argagixisada