Golaha Wasiirrada oo soo dhaweeyay go’aanka qaadista cunaqabateynta hubka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay guushii taariikhiga ahayd ee qaadista cuna-qabateynta hubka, amniga dalka, la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda iyo roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa soo dhaweeyey go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ay cuna-qabataynta hubka ee saarnayd muddo 31 sano ah uga qaadeen dalkeenna. Taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso ammaankeeda, isla markaana la ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno dhowr ah oo ay kamid yihiin saameynta roobabka daadadka wata ay ku yeesheen dalka iyo qiimeynta Qaran ee u diyaarsanaanta iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Lataliyaha sare ee arrimaha Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Soomaaliya.

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ku takhasusay horumarinta dowladnimada iyo nabadda ayaa ka soo mid noqday Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka, isagoo sidoo kale Xoghaye Guud u soo noqday Guddiga Dhameystirka Dib u Eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muujiyey mudnaanta uu siinayo dhammeystirka dastuurka dalkeenna ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee qabyo-tirka dastuurka.

In kabadan 30 Khawaarij ah oo lagu dilay gobalka Mudug

Dhuusamareeb:- In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo Ciidanka deegaanku saaka ka fuliyeen deegaan dhanka Galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Baraag-gurgurrte oo ahaa fadhigii ugu weynaa deegaankaas ee Khawaarijta ayaa waxaa fuliyey ciidanka deegaanka oo uu horkacayay Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf.

Guddoomaayiha oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa u xaqiijiyey in 33 Khawaarij lagu dilay howlgalka isla markaana taliskoodii iyo saanad ciidanku la wareegay, ka dib hawgal guuleystay ay sameeyeen ciidanka deegaanka.

Howlgalka ayaa dhacay salaaddii subax ka dib markii ciidanku ka war heleen abaabul weerar ay Khawaarijtu maleegaysay kaas oo markii dambe ay u suura gashay in ciidanka deegaanka ee loo garan og yahay Macawiisleyda ay ka hortageen.

Howlgalka ayaa hadda ku sii baahay deegaano hor leh, waxaana ku soo biiray ciidamada Gorgor ee xoogga dalka oo dhowr jiho ka jooga koonfurta gobolka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sh. ayaa ku haminaya in sanad gudihiis lagu ciribtiro Al-Shabaab (WARBIXIN)

Soomaaliya ayaa heysata hal sano oo Al-Shabaab laga ciribtiri lahaa dalka, laguna soo afjari lahaa 17 sano oo dagaal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay dhamaadkii bishii November. Kooxda Argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa tan iyo sannadkii 2006-dii ka waday Soomaaliya weeraro, kuwaasi oo sababay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca Malaayiin qof, isagoo la hadlayay dad isugu soo baxay machadka Royal United Services Institute ee magaalada London, ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ay ka shaqeynayaan sidii ay dalka uga ciribtiri lahaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab ee weli ku harsan dalka, balse dadaalkooda uu caqabad ku yahay fatahaadihii dhawaan soo rogmaday.

ATMIS oo ay ku jiraan ciidamo ka kala socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa lagu waday inay billaabaan wejigii labaad ee ka bixitaanka dalka bishii September, iyadoo la dhimay 3,000 oo askari. Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib u dhigay wajigii labaad ee ka bixitaanka saddex bilood horraantii bishii November. “Waxay ku soo beegantay xilli aan xoogaa dib u dhac ah nagu qabtay, waxaanan ku dhibtoonaynay inaan dib u habeynno,” Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka yiri dib u dhigista. “Laakiin hadda diyaar ayaan u nahay.”

Brig. Gen. Peter Gaetano Omola, oo ah taliyaha ciidamada Uganda ee hoos yimaada ATMIS, ayaa bogaadiyay go’aanka golaha ammaanka. “Xaqiiqdii, ammaanka dalkan waa inuu maalin uun ku jiraa gacanta Soomaalida, laakiin waa inaadan ku degdegin sababtoo ah waxay ku xumaan kartaa ilbiriqsigeeda,” ayuu Omola u sheegay wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa Uganda, balse Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku adkeystay mar uu joogay Magaalada London ee Carriga Boqortooyada Ingriiska in dowladdiisu aysan codsan doonin in dib loo dhigo qorshaha bixitaanka ciidamada.

“2024-ka, iyadoo si tartiib-tartiib ah u dhimitaanku uu socdo, waxaan sidoo kale soo saari doonnaa ciidamo, waxaanan dhisi doonnaa wax badan,” Xasan Sh. Maxamuud ayaa yiri. “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la wareegno mas’uuliyadda amniga dalkeenna.”, Weerarada dhawaan ka dhacay Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa billowday Agoosto 2022-kii, iyadoo milaterigu ay ka dambeeyaan maleeshiyo beeleedyo ku sugan gobollada dhexe ee dalka. Wadashaqeyntaasi waxay gaartay guulihii ugu muhiimsanaa ee dhuleed ee ka dhanka ah al-Shabaab tan iyo bartamihii 2010-kii. Si kastaba ha ahaatee, weerarada Al-Shabaab ayaa kor u kacay intii lagu guda jiray Wejigii koowaad ee dhimista ciidamada, kaasoo lagu soo gabagabeeyay 2,000 oo askari oo ka baxay dhamaadkii bishii June.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Wejiga xiga ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay noqon doonaan deegaannada Koonfur Galbeed ee dalka iyo deegaanada maamulka Jubbaland oo ah goob taariikhi ah oo Al-Shabaab ay ku sugan yihiin. “Xaaladda dagaalka lagula jiro al-Shabaab waa mid dhiirri-gelin leh,” ayuu yiri isagoo ku sugan London. “Waxaan aaminsanahay inaan ka adkaan doono al-Shabaab… dhawaan.”

Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in al-Shabaab ay wadahadal la yeelan doonaan dowladda Soomaaliya, laakiin Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in taasi ay tahay doorashada uu doorbidayo. “Ugu dambayntii waxa laga yaabaa in ay ku dhamaato wada hadal, halkii ay dil iyo dhaawac u geysan laheyd oo la cayrsan lahaa,” ayuu yiri. warbixintaasi oo ay qortay Waaxda Difaaca Afrika ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka.

“Mar walba oo aan guul gaarno waxa ay ku tusinaysaa in aysan si bilaash ah ku iman ee ay ku timid darbi weyn oo Soomaali kali ah jabin weyday, balse lagu jabiyey dadaalkeenna iyo iskaashiga aan la leenahay saaxiibbada caalamka”, sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaarah XFS mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay Munaasabadda guusha taariikhiga ee qaadista Cuna-qabataynta hubka Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey cid walba oo kaalin ka qaadatay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka Qaramada midoobay ay Cuna-qabataynta hubka uga qaadeen dalkeenna, taasi oo saarnayd muddo ka badan 32 sano, wuxuuna uga mahad celiyay dhammaan dowladihii taageeray go’aankan, garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa dul istaagay halgankii dheeraa ee loo soo galay gaaridda guushan dhaxal galka ah, ahmiyadda go’aankani u leeyahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah argagixiso iyo qorshaha dowladda ee ilaalinta Hubka, wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay madaxdii iyo hay’adaha dowladda FS ee ka qeyb qaatay gaaridda natiijadan muhiimka ah ,isaga oo xusay in dowladdu ay si dhammeystiran u qaadanayso mas’uuliyadda ilaalinta hubka iyo in aan loo adeegsan wax ka baxsan xoreynta dalka iyo difaaca Qaranka.

qaadista cunaqabateynta waxay Soomaaliya ka faa’ideysaa 5 waxyaabood:-1- La-dagaalanka argagixisada iyo sugida amaanka; 2- Difaaca Qaranka; 3- Dadaalka Nabadda & Xasilinta; 4- Dhaqangelinta sharciga & xakameynta Xuduudaha; 5- Dowlad-dhisidda & Dowladnimada.

“Waa maalin Qaran oo weyn; Waxaa tirmay mid ka mid ah astaamihi ugu waaweynaa ee qaranjabki soo gaaray Soomaaliya 1991-kii; Waxaan la soo laabannay waax weyn oo ka maqneyd gobannimada Soomaaliyeed tan iyo 1992-kii marki Golaha Ammaanka Jamciyadda Quuruumaha ka Dhaxeysa uu saaray Soomaaliya cunaqabteynta hubka”, sidaasi waxaa yiri, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

“Wuxuu ciilku daynayaa saraakiisha iyo iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo si degdeg ah u heli doona hubka iyo saanadda ciidan ee ay u baahan yihiin si ay u maquuniyaan Cadawga Argagixisada Caalamiga ah ee sii dabargo’aya. Waxaan fursad u heli doonnaa in aan si dhib yar u soo iibsanno hubka noocyadiisa kala duwan, si ikhtiyaarkeenna ah, iyada oo aan cidna ku dhegganeyn gacanteenna”, ayuu sii raaciyay Wasiirka.

By, C/lahi Ruush

Dood cilmiyeed looga hadlayay fikirka xagjirnimada oo Muqdisho lagu qabtay

Dood cilmiyeed looga hadlayay fikirka xagjirnimada rabshadaha wata, sababaha keena iyo sidii xal loogu heli lahaa ayaa lagu qabtay magaalada Muqdsho,kaasi oo ay ka qeyb galeen wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS, culimaa’udiin,aqoonyahano.

Mudadii uu socday kulanka waxaa si aad ah looga hadlayay dhibaatooyinka la xiriira fikirka guracan ee xagjirnimada oo khawaarijtu ay shacabka Soomaaliyeed ku hayeen muddo 15 sano, waxaana lagu soo bandhigay afkaaro ku aadan sababaha keenay iyo sidii looga hortagi lahaa,iyadoo loo maraya in la balaariyo barnaamijyada wacyigelineed ee dowladda.

Si gaar ah waxaa diiradda loo saaray goobaha laga xoreeyey kooxaha khawaarijta, qaar kamid ah culimadii ka qeybgashey dood cilmiyeedkaasi ayaa dowladda Soomaaliya u soo jeediyay in Idacado FM ah laga hirgeliyo deegaanada laga xoreeyey khawaarijta si bulshada kunool looga saaro fikirka xagjirka ah oo in muddo ah ku hoos dhibanaayeen.

“Gobolo ayaa laga xoreeyey khawaarijta, muddo 15 sano raadiyeyaal ayay dadka ugu faafinayeen afkaartooda, sidaasi darted wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Idaacado FM ah haka hirgeliso goobaha laga xoreeyey khawaarijta, waayo fariimaha hadda aan sheegeyno ma gaarayaan dadka baadiyaha kunool, oo telfoonka Niclaha ah haysta, wasaaraduhu midkasta dowrkeeda kaka qaadato”. Sheikh Cali Xoogse ayaa sidaasi yiri”.

Dhamaan culimadii dood wadaagaasi ka qeybgalay waxaa ay xuseen in Xagjirnimada oo u kala qeybsan mid rabshado wadata iyo mid aan rabshad wadanba ay Qatar ku yihiin nolosha bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha,ammaanka, waxbarashada iyo adeegyada kale oo lamidka ah.

“.Sheekh Maxamed Xasan Caadle ayaa sheegay in khawaarijtu ay soo ifbaxaan marka bulshadu kala tagooda uu bato islamarkaana aan la ilaalin midnimada, walaalnimada,sidaasi darteedi waa in loo midoobaa xaqa, dadkuna la siiyo wacyigelin ku saabsan fasirka saxda ah ee manhajka Islaamka,iyo nabadda, si fikirka xagjirnimada rabshadaha wata looga hortago.

Khawaarijta ayaa laga xoreeyey deegaanno badan oo in muddo ah ay dadka shacabka ah ku dhibaataynayeen, iyadoo hay,adaha dwoladda ay xooga saarayaan sidii loo hirgelin lahaa adeegyadii aas aasiga ahaa ee nolosha,maadaama ay cunaha ka qabteen khawaarijta oo gabalkoodi sii dhacayo.

Khawaarijta oo faarujiyay xarummo ay ku lahaayeen koonfurta gobolka Mudug

Wararka imaanaya koonfurta Gobolka mudug ayaa sheegaya inay khawaarijta ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen agga deegaannada Dumaaye iyo Dabaglo ee koonfurta gobolka Mudug.

Magaalada Bajeela ee Koonfurta Gobolka mudug ayaa xalay lagu soo Bandhigay 6 ka mid ahaa Maxaabiistii Khawaarijta ka carareen, kuwaas oo ka mid ahaa 11 Qof shacab ahaa oo khawaarijta la sheegay in 2021 ka Afduubteen Miyiga degmada Wisil.

Khawaarijta ayaa Fasaxday kana cararay qaar ka tirsan Maxaabiis Badan oo ay haysteen ka dib Culays kaga yimid Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka, waxaana ka socda gobolkaas dhaqdhaqaaqyo ciidan oo dhan ah khawaarijta.

Khawaarijta arxanka daran ee AS ayaa waxaa soo wajahay Walaac iyo walal xooggan taasina waxay sababtay inay ka cararaan Saldhigyadoodii

Madaxweyne Xasan oo soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Puntland ee doorashooyinka maamulkaas

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey miro-dhalka dadaallada odeyaasha dhaqanka Puntland ee ku aaddanaa qabsoomidda doorasho ay heshiis ku yihiin dhinacyada siyaasadda iyo go’aanka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo lagaga gudbayo hubinti la’aantii muddadan ka jirtay arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in go’aanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kaalinta waxgaradka iyo isimada Puntland ay yihiin tallaabooyin xoojinaya xasiloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.

“Puntland waxa ay xuddun u tahay Nidaamka Federaalka dalka, waa tusaalaha nabadda iyo wadajirka, sidaas awgeed waxaan adkeynaynaa dadaallada odeyaasha dhaqanka iyo waxagaradka. Waxaan Alle ka baryeyaa in doorashadaasi ay ku idlaato is-fahan iyo jawi nabadeed oo ka tarjumaya sooyaalka deegaannada Puntland.”

Madaxweynaha oo garowsan doorka Puntland ay ku leedahay hannaanka Federaalka iyo dowladnimada dalka ayaa ku dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada qeybta ka ah hannaanka doorashada Puntland inay sii wadaan wadatashiyada, waxa uuna muujiyey sida uu u garab taagan yahay dhammeystirka doorashada iyo in lagaga gudbo marxaladdan wadatashi, isu-tanaasul iyo ilaalinta nabadda ay ku tilmaaman yihiin reer Puntland,

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo gaaray magaalada Addis Ababa

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa caawa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.

Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dalka Ethiopia, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Ethiopia.

Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxda katirsan dowladda Ethiopia iyo safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka uga qaadey Soomaaliya.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ku soo laabtey kadib markii uu dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga soo qeybgaley shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28).

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka isbeddelka cimilada ee COP28 ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada, gaar ahaan fatahaadaha iyo roobabka El Nino.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan guusha qaadista cunaqabataynta hubka, waxaana uu sheegay in wax badani ka tari doonto ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga dalka.

5- Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, iyo madax kale ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dalka looga qaaday cunaqabteynta hubka

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay culimada Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo, ayaa kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin la dagaallanka iyo fikirka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad wanaagga.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda binni’aadamnimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Af Madow ee gobolka Jubbada Hoose.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo ka dhacdey magaalada Kismaayo ayaa ka hadley waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda Dan Qaran iyo halka la hiigsanayo.
9- Shacabka magaalada Muqdisho ayaa sameeyay banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo guusha qaranka ee qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cali Maxamed Cumar Balcad ayaa la kulmay guddiga gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta Qaramadda Midoobey (C34) oo Muqdisho u yimid si ay ula kulmaan Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo ATMIS.

11- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo hay’addu ka nadiifisay Khawaarijta dilalka iyo dhaca ku heysay ganacsatada Soomaaliyeed.

12- Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa dalka Sacuudiga wadahadal kula yeeshay mas’uuliyiinta dalkaasi.

14- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada dhoofisa kalluunka.

15- Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegsita iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga la Socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ka yeeshay dardar galinya hawlaha dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Khawaarij tiradooda gaareysa 60 ku dilay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

17- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa laba doonyood waxa ay kala wareegtay Hey’adda Zamzam Foundation iyo Bankiga IBS ee Soomaaliya.

18- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka oo deeq raashin ah kala wareegtay Hay’adda Bisha Cas Turkiga.

19- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa deeq gargaar ah gaarsiiyay qoysas ku sugan Lafoole oo ay soo barakiciyeen daadadka ka jira dalka.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka qayb galay shirka Axdiga ka hortagga musiibooyinka kaas oo daba socday Shirka Isbedelka Cimillada ee ka socda dalka Isutagga Imaaradka Carabta.

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

22- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka ayaa hawlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa burburiyay xarunta diiwaan gelinta Khawaarijta iyo goob ay lacago baad ah uga qaadi jireen oo ku yaallay gobolka Bay.

24- Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Buurdhuubo ayaa howlo samata-bixin ah u sameeyay shacabka ay saameeyeen fatahaaduhu.

25- Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaano ka tirsan gobolka Baay ka sameeyey howgallo ka dhan ah Khawaarijta.

26- Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidanka deegaanka ayaa hawgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ka fuliyay bariga Galgaduud.

=====DHAMMAAD========

Dowladda Soomaaliya oo masuuliyad wayn iska saaraysa ilaalinta hubka, ka dib markii cunaqabataynta laga qaaday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka Qaramada midoobay ay Cuna-qabataynta hubka uga qaadeen dalkeenna, taasi oo saarnayd muddo ka badan 32 sano.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uga mahad celiyay dhammaan dowladihii taageeray go’aankan, garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa dul istaagay halgankii dheeraa ee loosoo galay gaaridda guushan dhaxal galka ah, ahmiyadda go’aankani u leeyahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah argagixiso iyo qorshaha dowladda ee ilaalinta Hubka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku bogaadiyay madaxdii iyo hay’adaha dowladda FS ee ka qayb qaatay gaaridda natiijadan muhiimka ah isaga oo xusay in dowladdu ay si dhammeystiran u qaadanayso mas’uuliyadda ilaalinta hubka iyo in aan loo adeegsan wax ka baxsan xoreynta dalka iyo difaaca Qaranka.