Guddoomiye Sheekh Aadan oo shir gudoomiyey Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 3-aad ee Labada Gole ee BJFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadn Maxamed Nuur (Madoobe) oo wehlinayo ku-xigeennada Aqalka Sare ee Baarlamanka JFS ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 3-aad ee Labada Gole ee BJFS.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 1-aad ee warbixinta iyo Xisaab xirka sanad-maaliyadeedka ku dhamaaday December 31-ka 2022, iyo akhrinta 1-aad ee Xeerka Qoondaha Miisaaniyadda 2024-ka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo mid mid uga jawaabay su’aalaha Xildhibaannaada ayaa faafahin ka bixiyay xisaab xirka miisaaniyadii sanadkii tagey ee 2022-ka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka soo gabagabeeyay kulanka maanta ee Labada Aqal, ayaa sheegay in Xildhibaanno ka kooban 152 Mudane Golaha Shacabka ah iyo 13 Mudane oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ay Guddoonka u soo gudbiyen mooshin wax ka bedelka Miisaaniyada 2024-ka. Waxaana lagu wareejiyay Guddiga Odoroska Maaliyadda ee Labada Aqal.

Dr Xuseen Abuukar oo loo magacaabay Hogaanka Qaran ee ka jawaabidda xaaladaha Caafimaad ee ka dhashay Cimilada El Niño

 Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ahna Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa u magacawday Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr Xuseen Abuukar Muxudiin Hoggaanka Qaran ee Ka jawaabidda xaaladaha Caafimaad ee Degdegga ah ee ka dhashay Cimilada El Niño.

Dr. Maryama ayaa fartay dhammaan hay’adaha dawladda, kuwa maxalliga ah, hay’adaha qaramada midoobay iyo dhammaan dhincayada ay khusayso in ay si toos ah ula shaqeeyaan hoggaanka la magacaabay.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay hagaajinta nidaamka caafimaadka & in ay dadaal dheer ah ku bixiso bixinta adeeg caafimaad iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha.

Ugu danbayntii, wasiiradda waxay amartay hogaanka la magacaabay in uu wada shaqayn dhab ah la yeesho hay’adaha dowladda ee ku hawlan ka jawaaabista xaaaladaha degdegga ah iyo maaraynta musiibooyinka oo ay ugu horreyso Hay’adda Qaran ee Maaraynta Musiibooyinka (SODMA).

Soomaaliya oo ku biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed oo u taagan wax ka qabashada caqabadaha maaliyadeed ee cimilada adduunka.

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay munaasabad ka dhacday magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ay ka qeyb gashay Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Makhzoumi.

Wasiir Khadiija Mohamed Al-Makhzumi ayaa munaasabada kaga hadashay caqabadaha xiligaan ka jira Soomaaliya ee ku aadan helida dhaqaalaha ku filan cimilada.

Hawl-wadeennada Maaliyadda Cimilada, ayaa isku diyaarinaya inay qaadaan tallaabooyin wadajir ah si ay u dejiyaan qorshayaal wax looga qabanayo caqabadaha cimilada ee soo wajahaya dalalka adduunka.

Wasiir Daa’uud ِAweys oo ka warbixiyay Qaadista Cunaqabateynta Hubka

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay go’aanka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya laga qaaday.

Wasiir Daa’uud ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay dadaallada aan daalka lahayn ee ay dowladda Soomaaliya u gashay sidii loo xaqiijin lahaa yoolkan.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay cunaqabateynta hubka inay caqabad ku ahayd xaqiijinta amniga & xasiloonida dalka. Wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si dhab ah uga shaqeysay tan iyo sanadkii hore sidii looga gudbi lahaa caqabadaas.

Wasiirka ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ay faa’iidooyin badan u leedahay:

1- La-dagaalanka argagixisada iyo sugida amaanka;
2- Difaaca Qaranka;
3- Dadaalka Nabadda & Xasilinta;
4- Dhaqangelinta sharciga & xakameynta Xuduudaha;
5- Dowlad-dhisidda & Dowladnimada;

Wasiirka oo ku hadlaya magaca dowladda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixinta go’aankii cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale ballan-qaaday in dowladdu ay gudan doonto waajibaadka ka saaran maareynta iyo la-socodka hubka, taasoo looga gol-leeyahay inaysan gacma qaldan  gelin.

Roobab sababay dhimasho badan oo ka da’ay Tanzania

Ugu yaraan 65 qof ayaa ku dhintay dhul go’ iyo daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waqooyiga Tanzania, sida ay ka dhawaajiyeen madaxda dalkaasi oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Kassim Majaliwa.

Roobabkan mahiigaanka ah ayaa qaaday gawaari waxayna dumiyeen dhismayaal ku yaal buurta Magaalada Katesh, oo 300-km waqooyi ka xigta caasimada.

Sawirro laga sii daayay taleefishinada ayaa muujinayay burburka guryaha oo ay ku jiraan agabka guryaha, oo daadsan waddooyinka, iyadoo waddooyinka muhiimka ah, xadhkaha korontada iyo isgaarsiintu ay go’an yihiin.

Ilaa 5,600 oo qof ayaa ku barakacay dhul go’a, ayuu yiri Mobhare Matinyi, oo ah afhayeenka dowladda.

Wasiirka Arimaha Gudaha oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Jaamacadda Naayif Alcarabiyah ee Cilmiga Amniga

.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa booqday Jaamacadda Naayif Alcarabiyah ee cilmiga Amniga.

Wasiirka ayaa la kulmay Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Abdul Majiid Al-Benyan, waxaana kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta jaamacadda iyo hay’adaha amniga Soomaaliya ee dhinacyada tacliinta, tababarada iyo cilmi baarista.

Mudane  Fiqi ayaa sidoo kale warbixin laga siiyey waxqabadka jaamacaddan oo ay aasaaseen wasiirradii arrimaha gudaha ee dalalka Carabta sanadkii 1978-kii.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyey maamulka jaamacadda sida wanaagsan ee ay isaga iyo wafdigii la socday u soo dhaweeyeen.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku baaqay in gargaar la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen fatahaaduhu

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay fatahaadda wabiga Jubba iyo khasaaraha ka dhashay xilli uu khudbad ka jeedinayay Kalfadhiga Shanaad ee Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland ay tahay dowlad goboleedka uu saameynta ugu badan ku yeeshay fatahaadaha Wabiga iyo sidoo kale roobabkii ka da’ay dalka.

Madaxweynaha oo ka warbixiyay khasaaraha baaxadda leh ay fatahaaduhu u geysteen dalagyada beeraha iyo Barakaca ka dhashay ayaa yiri:

“Waxaan baaq guud u jeedinayaa cid kasta oo awood u leh in ay gargaar u fidiso dadka ay dhibaatadu saamaysay.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in fatahaadda ay saameyn ku yeelatay 1,157,000 oo qof, ayna sababeen barakaca 400,000 oo qof, halka ay ku dhinteen 63 qof, kuna go’doomeen tiro intaas ka badan.

Soomaaliya ayaa wajaheysa fataahaddo ay sameyeen wabiga Shabeelle & Jubba kuwaas oo ku dhuftay gobollo dalka ka mid ah, iyada oo ay jiraan baaqyo in gargaar loo fidiyo dadka ay dhibaaatadu soo gaartay.

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib shirkii caalamiga ahaa ee isbeddelka cimilada (COP28) oo uu kaga qeyb-galay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Madaxda iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay shirkaas, kuwaas oo uu kala hadlay saameynta xooggan ee isbeddelka cimilada oo dalkeennu uu safka hore kaga jiro dalalka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-neno, isagoo soo bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaadday dowladdu.

Wasiir Fiqi oo la kulmay madaxda xarunta boqor Cabdicasiis ee boqortooyada Sucuudiga

Riyaad: Wasiirka arrrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi sare uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho rasmi ah kujooga caasimadda Sacuudi Carabiya ee Riyaad ayaa maanta kulammo gaar ah la qaatay madaxda xarunta boqor Cabdicasis ee xiriirka dhaqanka (King Abdulaziz center for cultural communication).
Xaruntan ay Wasiir Fiqi iyo wafdigiisu booqdeen ayaa ah xarun ka shaqaysa wadahadalka bulshada, dhaqanka, nabadda iyo wadanoolashaha bulshada Sucuudiga qeybahooda kala duwan.
Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo goobta ka hadlay sharaxaad kooban ka bixiyey hanaanka dibuheshiisiinta qaranka oo saldhig looga dhigey talada dadka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliya.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Xarunta ayaa ka wadahadley wadashaqaynta dhexmarta gaar ahaan arrimaha wadahadalka bulshada, dibuheshiisiinta iyo wadaagga waaya-aragnimada kala duwan ee la xiriirta mowdaacaan.

Ambiyo Cali Maxamuud “Ninkaygii ayay dileen,2-wiil oo aan dhalayna waa ay iga afduubteen Khawaarijta”

Ambiyo Cali Maxamuud, waxay dhibane u tahay Khawaarijtu gabalkooda dhacay ee Al-shabaab,waxay ka mid ahayd dadka ku nool deegaanka Shabeellow ee koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha dalka, maleeshiyada arxanka-daran ayaa waxay ka afduubteen labo wiil oo ay dhashay Ambiyo, kuwaas oo qoyskooda ciidan iyo garab-ba u ahaa, hayeeshee ilaa iyo hadda lama haayo jaan iyo cirib meesha ay dhigeen wiilashii ay afduubteen Khawaarijta, taasina waxay qeyb ka tahay dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ambiyo Cali Maxamuud ayaa warbaahinta qaranka uga warantay dhibaatada ay u geysteen Khawaarijtu, taas oo ah in ay xoog ku kaxeysteen labo wiil oo ay dhashay, sidoo kalena ay afduubteen mid ka mid ah qaraabadeeda.

Dhinaca kale, waxay Ambiyo sheegeysaa in Khawaarijta gabalkooda dhacay ee Al-shabaab, dagaallo lagula galay koonfurta gobolka Mudug uu ku dhintay Aabihii qoyska, taas oo sii kordhisay gabood-fallada ay u geysteen qoyska Ambiyo Cali Maxamuud oo hadda wali dhibane u ah argagixisada.

” Aniga waxaan ahay gabadha dhibanaha oo hooyo dhibaateysan ah, wiilasheydii la qaatay in muddo labo sanno ah iga maqan yahiin, waa labo wiil oo yar yar mid waa siddeed (8) jir, midna waa 13-sanno jir, marka Allaah baa mahadda iska leh ka dib, Aabahood baa la dilay ilmo agoon ah ayaa heystaa, hanti aan meeshan la imid ma jirin, aniga iyo ilmaheyga kaliya ayaa ahayn, kaamkan ayaa isaga soo qaxnay,”, ayay tiri Hooyo Ambiyo.

Wiilasha laga afduubtay ayay magacyadooda ku kala sheegtay Cali iyo Cabdiraxiin, waxayna xilligii la afduubayay ay deganaayeen meel Baadiyo ah oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo ay arxan-laawayaashu ku dhibaateeyeen, waxayna sheegtay in aysan garaneyn waxay ku sugan yihiin wiilasheeda nolol iyo geeri, iyadoo gargaar ka dalbatay dadka muslimiinta ah.

” Wax hanti ah oo odayga nooga dhintay maba jiraan, Ari shan iyo toban neef ah ayuu nooga dhintay wax kale oo hadda uu nooga dhintay ma jiraan,guryo, dhul iyo xoolo kale ayuu san nooga dhiman, muslimka ayaa na gacan qabtay meeshan kaamka ah ayaa iska degay,”.

Ugu dambeyn. Hooyo Ambiyo Cali Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay meel uga soo wada jeestaan Khawaarijta arxanka-daran ee carruur,ciroole iyo haween aan kala saareyn, iskana dhiciyaan, iyadoo dhinaca kale, bogaadisay howlgalladda dalka looga ciribtirayo Khawaarijta oo meelo badan oo dalka ka mid ah laga xoreeyay.