Galmudug oo heshiisiisay beelo ku dagaalamay Galgaduud
Soomaaliya ayaa soo bandhigtay axdiga Qaran ee dhimista wasaqowga hawada
Dubai: Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay axdiga Qaran ee dhimista wasaqowga hawada (NDC). Waa qorshaheedii ugu horeeyay ee looga jawaabayo dhibaatooyinka isbedelka cimiladda.
Tallaabadan muhiimka ah ee horay loo qaaday ayaa timid ka dib markii si guul leh loo cusbooneysiiyay NDC-ga Soomaaliya iyo horumarinta qorshe hawleedkeedii ugu horreeyay ee hirgelinta NDC ay u dhammaystiran yihiin barnaamij mashruuc oo la maalgelin karo.
Xafladda daahfurka rasmiga ah ayaa lagu qabtay magaalada shirweynaha COP28 oo ka soda maalinkii 5 magaalada Dubai, iyadoo uu hormuud ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa daah-furay qorshe wax ku ool ah oo ku aaddan yareynta iyo la qabsiga saameynta isbedelka cimiladda kaas oo calaamad taariikhi ah u noqonaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay u adkeysiga cimilada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xafladda daahfurka barnaamijka NDC ayaa ku sheegay sida hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ay ugu heelan tahay la tacaalida isbedelka cimilada. Xeeladaha lagu qeexay Qorshaha Hirgelinta NDC-ga ayaa muujinaya dadaalka firfircoon ee Soomaaliya ee wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xafladda daahfurka barnaamijka NDC ayaa ku sheegay sida hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ay ugu heelan tahay la tacaalida isbedelka cimilada. Xeeladaha lagu qeexay Qorshaha Hirgelinta NDC-ga ayaa muujinaya dadaalka firfircoon ee Soomaaliya ee wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Khadiija M. Al-Makhzoumi, ayaa khudbadeeda ku soo bandhigtay Dariiqa Soomaaliya ee Qorshaha Hirgelinta ee NDC lagu guuleysto. Erayadeedu waxay hoosta ka xariiqeen tillaabooyinka istaraatiijiga ah ee hagaya shaqada cimilada Soomaaliya. Khudbadda Wasiir Khadiija waxay ku nuuxnuuxsatay doorka muhiimka ah ee Qorshaha Hirgelinta NDC iyo baahida loo qabo wada-shaqeyn joogto ah.
Daah-furkaani waxa uu astaan u yahay isbeddelka Soomaaliya, oo ka tarjumaysa hab dhammaystiran oo wax looga qabanayo isbedelka cimilada. Soomaaliya waxa ay rajaynaysaa in ay ka qayb-qaataan dadaallo iskaashi oo lala yeesho bulshada caalamka si loo dhiso mustaqbal waara oo adkaysi leh.
Wasiir Beenebeene: Biyihii daadku waxay burburiyeen 4 ka mid ah shanta ceel biyood ee magaalada Buulaburde
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo khudbad ka jeediyay shir qaran ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta ayaa uga hadlay dhibaatada Fatahaadaha.
Wasiir Beenebeene ayaa ka hadlay baahiyaha aasaasiga ah ee dadka ku barakacay fatahaadda, iyo caqabadaha soo wajaha, sida go’doominta biyaha daadadka & Biyo/Cunto yarida.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in shantii ceel biyood ee magaalada Buulaburde 4 ka mid ah ay dumiyeen daadad ka dhashay fatahaadda wabiga Shabeelle.
“Dowladdu waxay doonaysaa inay mudnaan siiso mashaariicda horumarineed, laakiin masiibooyinka dabiiciga ahi waxay nagu khasbaan inaan dib u dhigno qorshahaas si aan wax uag qabanno xaaladda bani’aadamnimo ee taagan.” ayuu yiri wasiirka.
Shirka qaran oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta oo kaashaneysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona muddo 3 maalmood ah.
Gaza : Israa’iil oo duqeymo xiriir ah ku fulisay goobaha rayidka
Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymo xiriir ah xalay ka fuliyay marinka Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta, waxaana duqeymahaasi ay sababeen khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray dadka reer Falastiin .
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa ku warantay in Israa’iil ay duqaysay dhisme ay degan yihiin qoysas oo ku yaalla xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gaza, waxaana halkaasi ka dhacay khasaare aan la cayimin oo ay ku jiraan haween iyo carruur.
Weerar kale oo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen guri ku yaalla xerada Khan Younis ee koonfurta Marinka Gaza ,kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Dhakhaatiirta iyo dadka barokacay ee ku sugan cisbitaalka Dar Essalam ee Khan Younis ayaa diray baaqyo murugo leh si loo joojiyo duqeymaha culus ee Israel ay ku hayso isbitaalka, Wafa ayaa intaa ku ku daray.
Maamulka caafimaadka ee Qaza ayaan wali cadeyn tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloobay duqeymaha habeenkii xalay ay Israel ka geysatay marinka Qaza.
Israa’iil ayaa dib u billowday duullaanka milatari ee ay ku hayso marinka Qaza Jimcihii ka dib markii ay dhammaatay muddo toddobaad ah oo ay hakad ku jirtay bini’aadantinimo oo ay kula jirtay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.
Ugu yaraan 15,899 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay in ka badan 42,000 oo kalena waa lagu dhaawacay weerarro cir iyo dhul ah oo aan joogsi lahayn oo lagu qaaday deegaankaas tan iyo 7-dii Oktoobar ka dib weerar xudduuddeed oo ay qaadeen Xamaas.
Dhimashada Israa’iil ee weerarka Xamaas ayaa gaartay 1,200, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah.
Cali Jeyte Cismaan oo ugu baaqay shacabka Hiiraan inay u midoobaan dagaalka Khawaarijta
Beled weyn:- Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa khudbad guubaabo ah ka hor jeediyay boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada deegaanka (Macawisleyda) ee ku sugan ah ee ku sugan deegaanka Helgen ee gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte ayaa la dardaarmay Ciidamada Macawisleyda, isaga oo ku dhiirigeliyay inay u diyaar garoobaan howlgalka sifeynta cadowga, isla markaana ugu baaqay shacabka Hiiraan inay u midoobaan sidii gobolkaas xor uga noqon lahaa Khawaarijta.
Ciidamada deegaanka ayaa dhankooda muujiyay in ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan Khawaarijta ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka Hiiraan.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhawaan howgal ka sameeyay duleedka deegaanka Halgan iyaga oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, waxaana howgalkaas lagu dilay in ka badan 60 Khawaarij ah.
Dowladda iyo Saaxiibadeeda Caalamka oo ka go’an dhameystirka Khawaarijta (WARBIXIN)
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa saaxiibada caalamiga ayaa howgallo ballaaran ka wada gobollada dalka ee ay khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan, kuwaasi oo lagu dilay Khawaarij badan, iyadoo kuwii ugu dambeeyay ay dhaceen Deegaanno ka tirsan Gobolada Bay, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, waxaana ka xusi karnaa kii qorsheysan oo ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaanka Daynuunaaye ee gobolka Baay, kaasi oo lagu burburiyo goobo lacago baad ah Khawaarijta ay ugu qaadi jireen dadka shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalkaan waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 47-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhageey) ayaa sheegay in maleshiyadda Khawaarijta looga burburiyay goobo ay lacago Baad ah ay ka qaadayeen Shacabka oo u dhaxeysa degaannada Moodo – Moodo iyo Daynuunay ee Gobalka Baay.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal kale oo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Adeegoow, Garaar, Warta Doolar, iyo Weeley, oo ka tirsan gobolka Baay, waxaana sidaasi Warbaahinta la wadaagay Taliyaha Ururka 46-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed X/le Xasan Aadan Maxamed (Xasan Taar), isagoo intaasi raaciyay in howlgalka ay ku bur-buriyeen xarunta diiwaangelinta khawaarijta iyo goob ay lacago baad ah kaga qaadi jireen Shacabka ku dhaqan gobolka Baay.
Deegaano ka tirsan gobolka Baay iyo guud ahaan dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed waxaa ka socdo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka.
Dhanka kale Ciidanka Xoogga dalka iyo Xoogagga Deegaanka ayaa howlgal sifeyn ah maalintii Labaad ka wada Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo Meydad ay qaadan waayeen Khawaarijta ay yaalaan Waddooyinka, iyadoo Deegaannadii jabka iyo duqeynta loogu geystay Khawaarijta ay shalay loogu tegay meydad cadowgu ka cararay, waxayna Ciidanka sii baacsanayaan haraadiga cadowga.
Howlgalka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilow Bacaad oo 8 KM u jira Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta. Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil xoogga dalka ka tirsan ayaa tegay goobihii cadowga lagu jabiyay, waxaana ay ku bogaadiyeen geesiyaasha Qaranka beegsiga Khawaarijta.
“In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo sideed kilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan” ayuu lagu yiri qoraalka ka soo Wasaaradda, sidaasina waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo faah-faahin dheeri ah looga bixiyay howgalkii ka dhacay gobolka Hiiraan ee lagu dilay Khawaarijta badan.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in howlgalkaan lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay Tuuladaan, islamarkaana isku diyaarinayay inay u gudbaan qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya. “Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale burburiyay Saanado Ciidan iyo Gaari Dameero ay ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxa”. Ayuu lagu daray qoraalka wasaaradda Warfaafinta.
Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa hadda wada howlgal ay ku baadi goobayaan Khawaarij baxsad ah, kuwaasi oo ka bad-baaday howlgalka duqeyn ahaa oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad. Taliyaha ururka 183aad Guutada 18aad Gorgor Mohamed Ali Helowle ayaa Howlgal nadiifin ah ka wada Deeganka Beeri yabaal Ilaa iyo Buuraha Jiciboow, waxaana howlkalgaasi lagu dilay Dhagar qabayaal ka tirsan Khawaarijta .
Dhinaca Galguduudna wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ka tirsan khawaarijta Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal lagu dilay Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida uu SONNA u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka deegaanka Cabdulle Maxamuud Cabdi, waxaana howlgalkan fuliyay ciidanka deegaanka oo gacan ka helaya ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaasi oo ahaa mid qorsheysan laguna beegsaday goob khawaarijta ay ku dhibaateynayeen shacabka ku dhaqan halkaasi.
Taliyaha Macawisleyda Degmada Ceeldheer Cabdulle Maxamuud Cabdi ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in howlgalka lagu dilay labo horjooge, iyadoo lagu dhaawacay horjooge Saciid Daa’uud oo khawaarijta u qaabilsan degmadaasi iyo Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana ay ka furteen Kooxdii meesha loogu tegay Hub iyo Rasaas badan. Horjooge Saciid Daa’uud ayuu sheegay taliye Cabdulle Maxamuud Cabdi in maalmo ka hor uu Degmada ka kaxeestay wiil iyo Aabihiis, kuwaas ka mid ahaa ganacsatada degmada Ceeldheer.
Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa Degmada Ceeldheer ka Afduubtay Wiil iyo Aabihiis oo lagu kala magacaabo Cumar Maxamed (Duceysane) oo ah Wiilka iyo Maxamed Cagod oo isna ah Aabaha Wiilka ayaa waxaa la sheegayaa in uu afduubka ka dambeeyay Horjooge Siciid Daa’uud oo ah Nin ay dhibaato badan ku qabaan dadka deegaanka Degmada Ceeldheer
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wado gobollada Galgaduud iyo Hiiraan halkaas oo 24-tii saac ee la soo dhaafay lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka badan 70 dhagarqabeyaal ah.
Dhanka Mudugna, Abaanduulaha Guutada 18aad Kumaandooska Gor-gor G/Le Suul Nuuge iyo Saraakiil kalee ayaa waxay la hadleen islamarkaana waan waan ay dhex dhigeen Beelo wada dhashay oo walaalo iyo derisba ah, kuwaasi oo isku qabsaday baraak ay dhisteen, iyadoo dagaalka labadaasi beelood waxaa sabab u ah ayaa la leeyahay Khawaarijta Al-Shabaab, iyagoo markaasi doonaya dagaalka lagula jiro uu ka yaraado ama ay dhinac kale u weeciyaan. Khawarijta waxaa ku sii foorara dagaal culus oo dhan walba kaga socda, waxayna isku dayaan inay iska weeciyaan, laakiin taasi waxaa ka hor taga mar waliba Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidanka deegaanka oo is kaashanaya, taasina waxay muujinaysaa guul ay mar walba gaarayaan.
Wasiir Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga Cabdicasis Aala Sacuud ayaa bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Boqortooyada Sucuudiga ay dadaal ugu jirto sidii loo xasillin lahaa Soomaaliya , Wasiirku waxa uu warkaasi sheegay kadib markii uu kula kulmay Magaalada Riyaad dhiggisa Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo booqasho ku jooga Dalkaasi.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa ka go’an dhamaystirka howlgalka Ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo hadda laga gaaray Guulo badan, inta dhimanna lagu wado in la soo afjaro dhawaan.
SONNA Editorial
Sacuudi Carabiya oo bogaadisay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaalanka argagixisada
Riyaadh:- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ٍSoomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan laba geesood ah la qaatay dhiggiisa Sacuudi Carabiya Amiir Cabdicasis Aala Sacuud.
Kulanka oo ka dhacay Caasimadda Sucuudiga ee Riyaadh ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga labada wasaaradood ee ku aaddan howlaha muhiimka ah, tayeynta amniga, la dagaallanka argagixisada, xasilinta goobaha laga xoreeyay Khawaarijta, dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.
Wasiir Cabdicasis Aala Sacuud ayaa bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Boqortooyada Sucuudiga ay dadaal ugu jirto sidii loo xasillin lahaa Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Riyaadh.
Wasiirka Qorsheynta XFS oo Muqdisho kula kulmay Maamulaha Bangiga Addduunka
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Christina Svensson.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta Wasaaradda Qorshaynta iyo Bangiga Adduunka ee ku aaddan hirgelinta mashaariicda horumarineed ee uu Bangiga ka fulinayo dalka.
Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo la sheegay in uu gabagabo marayo lana filayo dhawaan inuu ka soo baxo warar farxad geliya ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka sheegay fadhi ay yeesheen labada gole e
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kala hadlay hanaanka deyn cafinta
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Uqeybsamaha Isku-duwidda Howlaha Bani’aadannimo Mudane George Conway.
Kulanka oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta ayaa diiradda lagu saaray hannaanka Deyn Cafinta iyo sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha oo sanadkaan saameyn xoogan ku yeesha bulshada ku dhaqan gobolada qaar ee dalka.
Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhow inay gaarto guullo muhiim ah oo ku aadan Hanaanka Deyn Cafinta, waxaana la filayaa in la xaqiijiyo hormar la taaban karo gudaha sanadkan.
Ciidanka Xoogga Dalka oo horjooge ka tirsanaa Khawaarijta ku khaarijiyay howlgal ka dhacay Gobolka Baay
Baydhabo:- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanada Mooda-moode & Daynuunaay ee gobolka Baay, waxaana howlgalka lagu dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta una qaablisanaa baada shacabka gobalada Baay, Bakool iyo Gedo.
Howlgalka lagu dilay horjoogaha ayaa waxaa fuliyay Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhageey).
Taliye Axmed Dhageey oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in horjoogaha lagu dilay howlgalka uu yahay “Xuseen Caddoow Jilib-gaab” oo maleeshiyada argagixisada ah u qaabilsanaa baada laga qaado dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolada Baay, Bakool, iyo Gedo.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa deegaanada dalka ka wada weerarada ay ku qaadayaan Khawaarijta si loo ilaaliyo hantida Shacabka dibna loo sugo amaanka deegaanadaasi.










