GANACSADE DHAQAALE DOON AH HADANA AAN AQOON SIDA LOO SAMEEYO

Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho fur furan kuna fiican sida badan dhanka ganacsi waana bulsho aad u jecel sameynta dhaqaalo fara badan, weliba doonaya in ay sameystaan dhaqaalo tiro beel ah isla markaana noqdaan dad qani ah oo nolosha u dhameystiran tahay.

Si dhaqaalo loo sameeyo waxa ay u baahan tahay in aad lahaato waaya aragnimo xooggan oo wax badan u soo joogtay sidoo kale waxaa loo baahan yahay in qofku soo maro guul darooyin badan oo uu ku baranaayo casharro muhiim ah oo noloshiisa soo martay amaba qofkale oo saaxiibkiis ah soo martay.

Haddii aad dooneyso in aad sameyso dhaqaalo hab nolaleedkaaga waxa ka badalo waa in aad sameysaa afartaan qodob ee soo socota waxaana isbadal xoog leh ku imaaneyso dhaqaalahaada iyo hab nololedka.

Waa in aad sameysaa hadaf dhaqaale ama maaliyadeed (gool).

Taa macnaheedu waa in aad lahaataa hadaf (gool) dhaqaale oo sanadle ah, mid labo sano ah, mid Shan sano ah, adigoo adeegsanaya qiyaas tirsamaysa iyo mudo goan.

sanad kadib meeqa ayaad rabtaa in ay hantidaadu gaarto? laba sano kadinna? shan sano kadibna?

Tusaale ahaan waxaan rabaa in aan sanadkan shaqeeyo 5000$ ama waa in aan gataa guri, ama beer, ahdaaftan waa kuwo la qiyaasi karo.

Waa in aad laba jibaartaa dakhligaaga billaha ah.

Waa in aad qorsheyaasa in aad laba jibaarto dhaqaalaha ku soo gala bishii ama dakhligaaga billaha ah sadexdii sanaba mar, oo hadii bishii aay ku soo geli jirtay 200$ sadex sano kadib waa in aad

gaarsiisaa 400$, hadii kale waa tahay nin fashilmay {aan guulaysan}.

Waa in aad laban laabtaa dhaqliga ku soo galo.

Hanta guud eed haysato waa inaad labo laabtaa shantii sanoba mar , manta hantidaadu meeqa ayeey dhan tahay? shan sano kadib waa in ay labo lab noqotaa , tani waa qiyaasta ugu yar ee guusha maaliyadda.

Waa in aad bixisaa sadaqo joogto ah( sadaqadu waxbo manusqaamiso ee waxbeys siyaadisaa).

Bixi sadaqo joogto ah:

waxaa fiican inay leedahay waqti go’an sida sadaqo maalinle bille, ama todobaadle ah,  sadaqo maal ma nusqaamiso  sidaa waxaa yiri xabiibkeena muxamad (scw), sadaqadu waxay damisaa carada rabi, waxa barakaysaa maalka, waxay celisaa balaayadda.

Kadhig sadaqadaada mid joogto ah oo le waqti , xabiibkeenu ( scw ) wuxuu yiri :  camal waxaa ugu khayr badan kan joogtada ah haba yaraadee

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

WAX QABAD LA MAHDIYAY IYO FIKRAD AAD U WANAAGSAN

Markii ugu horreysay waxaa soo muuqday feker aad u wanaagsan oo ay ka muuqato waalidnimo iyo u naxidda carruurta yaryar iyo ardayda taas oo keentay niyad wanaag aad loo soo dhaweeyey.

Bal fiiri agagaarka dugsiga 21 oktoobar ee degmada waaberi iyo xaafadda Buulo Xuubay iyo agagaarka dugsiga Jabuuuti.

Waxaad ku arkaysaa labo buundo oo waa weyn oo loo dhisay badbaadinta carruurta iyo ardayda yaryar ee dhibaatada ku qabay goynta waddooyinka saxmadda badan ee goobahaa ku yaalla.

Dadka intiisa badan way ka gadantay fikraddaas oo ah tii ugu horreysay ee dalka a ka hirgasha isla markaana lagu muujiyey sida ay u habboon tahay ka shaqeynta badbaadada ubadka oo saran qof kasta oo soomaali ah.

Dad baa u ku dooday in tani ay keentay duruufta jirta iyo dhibaatooyin djowr ah oo ku dhacay ubad soo aaday dugsiyo ay wax ku bartaan halka kuwo kale ay arrinta ku tilmaameen qarash iyo arrimo kale.

Ka hor tallaabooyinkan waxaa jiray dadka qaar oo isu xilsaaray in ay carruurta iyo ardayda yar yar iskood uga tallaabiyaan waddooyinka ciriiriga ah ee qatarta badan oo uu ku jiro oday ku nool degaanka Buulo Xuubay oo xilli kasta marka la gaaro duhurka .

Ma jirin cid kale oo tallaabo noocaas ah qaadday waxaase lala yaabay tallaabadan uu qaaday gobolka Banaadir ee lagu dhisay buundooyinkan oo inta badan dalalka nala deriska ah ka dhisan.

Haatan waxaa badbaado qaba kumanaan carruur ah oo maalin walba dugsiyada aada oo ay soo raacaan dadka waayeelka ah iyo carruurta .

Dadka qaar ayaan ku fekerinba in fikrad noocan ah dad soomaali ah la imaan karaan sababta oo ah waxay ka soo qaadayaan dalka dal gebi ahaanba burburay oo fekerka dadka iyo dowladuba ku wajahan yahay meelo kale oo aan carruurta aheyn.

Ogow carruurtu waa ubaxa dalka waana keydka keliya berri aan heysano iyo hoggaamiyeyaasha berry ee na bedeli doona waana muhiimadda ugu horreysa ee saaran aadanaha .

Caalamka hay’ado waa weyn ayuu u dhisay daryeelka caalmka iyadoo shaqsiyaadka ugu caansan dunida lagu maamuuso in ay u ololeeyaan caruurta iyo arrimahooda taas oo ka marag kaceysa sida xoogga loo saarayo tarbiyada iyo badbaaadinta carruurta.

WQ: Maxamed Shiil

 

MAS’ÚUL LA JECEL YAHAY AHOW WELIGAA

Uma jeedo in aad ahaato qof madax ah oo mar walba meel haya laakiin ujeedkeygu waa in aad leedahay dabeecad mas’uuliyadeed oo ay kaa muuqato garasho dheer iyo karti aad ku kala garan karto wanaagga iyo xumaanta isla markaana aad ku yeelan karto dabeecad lagaaga dayan karo.

Qofka mas’uulka waa in uu u dulqaadan karaa dabeecadaha qalafsan ee uu kala kulmayo dadka ku hareereysan uun dulqaad u leeyahay waxyaabaha laga yaabo in lagula kici karo ee aan habbooneyn.

Mas’uuliyadda lafteeda ma aha habacsanaan dheeraad ah in aad muujiso laakiin waxay noqoneysaa in aad si habboon uga falceliso waxyaabaha taban ee dadka kaa soo wajahaya waana in aad maskax deggan ku maareysaa arrimha ku soo wajahi kara.

Qofka mas’uuiyadda leh waxaa looga baahan yahay in aanu meel kaga tagin wax dayacan oo uu wax ka qaban karo oo aanu ku halleyn in cid kale wax ka qabato, isku halleyntana ogow in ay koow ka tahay mas’uuliyad xumada.

Adigoo ammaanka wax ka tari karo oo soo sheegi kara mid ammaan darro wada haddii aad aamusto oo aad qariso waxay ka mid noqoneysaa masuuliyad darada taas oo caddeyn u ah haddii qof walba uu qaadan lahaa masuuliyaddas ma dhici laheyn waxyaabaha qaarkood.

Dalkan haddii qof walba qaadan lahaa mas’uuliayddiisa oo uu dalka dhanka kaga aaddan ka baritaari lahaa dalkan kuma timaado dhibaato.

Qof walba haddii uu dhowri lahaa ma’suuliyadda ka saaran dhowrista hantida dadka u dhaxeysa laguma jiri laheyn baryada shisheeyaha iyo in dalku ku tiirsanaado kaalmo shisheeye.

Haddii wadada aad mareyso ad ka dhowri weydo nadaafad darada oo aad qashinka u quurto aadna ku tuurto taasi waxay qeyb ka tahay mas’uuliyad xumada waana Meesha keliya ee ugu hooseysa ee laga arki karo dhibaatada mas’uuliyad darada.

Marka waxyabahaas yar yar laga tago mas’uuliyad dal iyo dad kaa saaran bal iyada ka waran ..runtii waa mid culeykeeda leh oo laguula xisaabtamayo adduun iyo aakhirana waxaana ku jira in dadka aad si caadil ah ugu xaq soorto.

Haddii ay dhacdo in aad la timaado falal caddaalad xumo ah oo dadku ku sinnaan waayaan tani waa mas’uuliya darro aakhiritaankana sabab u noqn kara kala daadashada nidaamkaaga.

Ma jiro qof dhammeystiran runtii laakiin waxaa la is dheer yahay waa dadaalka iyo sida aad ugu dheggan tahay mas’uuliyaddaada waana mid asaasi ah..

Waxay mas’uuliyaddu ka bilaabantaa gurigaada oo sida aad u maamusho ka soo dhex muuqan karo aragtida uu yeesho qoyskaaga oo qoyska aabbe iyo hooyo mas’uuliyiin ahi gacanta ku hayaan lama mid noqon karaan kan kale ee ay leeyihiin labo aan mas’uul aheyn.

Qaado mas’uuliyaddaada kuna mintid inta aad kari karto in aad ka miro dhaliso oo aad gudato oo haddii ay taahay shaqo lagugu aaminay waa in aad waqtigeeda iyo sideeda u fuliso oo aadan dayacin.

Noqo qof mas’uuliyad leh oo mar walba mas’uuliyaddiisa guta oo aan marna lagu canaanan mas’uuliyda xumo.

WQ: Maxamed Shiil

 

Maamulka Degmada Hodan oo u dabaaldegay xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Maamulka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa qabtay shalay munaasabad lagu soo dhaweynayay laguna taageerayay go’aankii golaha ammaanka ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Cali Axmed Faarax, Xildhibaan Ilyaas Sheekh, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta Mudane Muxamed Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Hodan oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda guushan ay u leedahay ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale ka hadlay dhinacya kale oo xiriir la leh ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa yiri, “Waxaan u mahadcelineynaa madaxdii dadaalka weyn galisay si loo gaaro guushan, oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud”.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan u codeeyay qaraar lagu qaadayo cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992-kii.

CXD oo gurmad u sameeyey dadka ku dhaqan magaalada Buurdhuubo

Ururka 48aad guutada 10-aad Qaybta 43-aad Ciidanka Xoogga dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Buurdhuubo ayaa howlo samata-bixin ah u sameeyay shacabka ay saameeyeen  fatahaaduhu.

Ciidankaan ayaa shacabka u sameeyey gurmad, iyaga oo dadka ka soo daabulayey goobaha ay ku go’doosan yihiin ee ka tirsan magaalada  Buurdhuubo ee gobolka Gado ee dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Magaalada Buurdhuube waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay saameenta ku reebeen fatahaadaha ka dhashay Roobabkii ka da’ay guud ahaan gobollada dalka, xilli go’day Buundadii magaalada oo ay ahayd marin ay isticmaalaan dadka ku dhaqan magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo bishii hore booqasho ku tagay gobolka Gado ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhiseyso Buundooyinka ku burburay fatahaadada.

Guddoomiyah SODMA oo dalka Imaaraadka ugu qeyb galay shirka Axdiga ka hortagga musiibooyinka

Dubai:- Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka  Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka qayb galay shirka Axdiga ka hortagga musiibooyinka kaas oo daba socday Shirka Isbedelka Cimillada ee ka socda dalka Isutagga Imaaradka Carabta.

Shirkaan inta uu socday waxaa lagu yaboohay dhaqaale badan oo loogu talagalay wax ka qabashada inta aysan dhicin aafooyinka sababi kara khasaaraha madaama ay Soomaaliya ka mid tahay dalalka ay sida aadka ah u saameeyaan is badalada cimilada ee dunida ka dhaca

Waxaan ka soo qayb galay shirkaan madax ka soctay dalalka taageera ama saaxiibka la ah Soomaaliya sida UK, France, Norway, EU, USA iyo wadamo kale oo danaynayey shirkaan.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka  Maxamuud Macallim Cabdulle waxa uu ka mid yahay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Imaaraadka u jooga ka qeyb galka shirka isbadalka cimillada adduunka ee CUP28

Amiirka Qatar oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya

Dooxa:- Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani  ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar u magacaabay Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo ahaa Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya.

Fadhi ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya November 23, 2023-ka ayaa sagootin waxa ay u sameeyeen Wasiir Doodisho oo xilligaas qeyb ka noqday shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada.

Ciidanka Xoogga oo Howlgal sifeyn ah maalintii Labaad ka wada deegaano Ka tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa Howlgal sifeyn ah maalintii Labaad ka wada deegaano Ka tirsan Gobolka Hiiraan iyadoo Meydad ay qaadan waayeen Khawaarijta ay yaalaan Waddooyinka.

Deegaannadii shalay jabka iyo duqeynta loogu geystay Khawaarijta ayaa saaka loogu tagay meydad cadowgu ka cararay waxayna ciidanka sii baacsanayaan haraadiga cadowga.

Howlgalka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilow Bacaad oo 8 KM u jira Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta.

Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil xoogga dalka ka tirsan ayaa tagay goobihii cadowga lagu jabiyey waxaana ay ku bogaadiyeen geesiyaasha qaranka beegsiga Khawaarijta.

 

    

‘Waxaad ku hamineysiyo waxa aan ka hadleyno walle waa kala haab’ (WARBIXIN)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay fadhi ay yeesheen ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika. Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo ay qaadeen 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taas oo ka dhigan in 31 sano ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka, waxayna albaabada u furi doonta in dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo iibsato hub culus oo casri ah oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo xilligaan maraya heer gabogabo ah, isagoo Goluhu ku sii adkeeyay Cuneqabateynta hubka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shahaab.

” Wadamo badan oo asxaab aan nahay ayaa jira oo diyaar u ah in ay hub siiyaan Dowladda dhexe ee Soomaaliya, wadamo kale oo waxaa jira ka ganacsada hub iyo sidii loo soo iibsan karo ama lagu soo iibsan karo sameeyno, taas waxay sahleysaa wada-hadalka aad galeysid ama soo gadaneysid ama aad ku soo heleysid mucaawino maaddaama cunaqabateyn aan ku saarneyn,” ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle.

Sidoo kale, Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in qaadista cunaqabateynta hubka ay Soomaaliya kaga dhigan tahay maalin weyn,islamarkaana dalal badan ay ku dhiirigelineyso in ay hub nooc walba ah siiyaan Soomaaliya. ”Cunaqabateynta waxay cunaqabateyn u ahayd qof walba oo rabo xitaa inuu ku siiyo kuma siin karin oo waxa uu ka baqaayay in golaha ammaanka uu dhib uga yimaado, hadda waxay noo fududeyneysaa wadamo badan oo asxaabo nahay allaala noocii aan rabno, noona tababaraan dadkii isticmaali lahaa hubkiina noo keenaan,”.

Haddaba maxaa laga yiri:- “Dadka yaan la jahawareerin. Cunaqabateynta hubka waxaa laga qaaday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Oggolaashaheeda la’aantiis ma jirto hey’ad, koox, gobol ama shakhsi si sharci ah hub kula soo degi karta”, sidaasi waxaa yiri Wasiir hore Yuusuf Garaad Cumar, kadib markii uu maqlay dad wax ka badan isla dhexmaraya. “Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Q. M. ee New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ra’iisal Wasaaraha, Madaxweynaha, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaan ugu hambalyeynayaa in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka”.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Bulshada waxa uu marka hore “Waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo ka qeyb qaadatay. Waxay markhaati cad u tahay in Dowladnimada Soomaaliya ay maalinba maalinta ka dambeysa  midba mar ay ka gudbeyso caqabadaha hor taagan nabadeynta, dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya. Guushan Soomaaliyeed ee xagga diblomaasiyadda ah, waxaa la socda mas’uuliyado dhowr ah, si ay u noqoto libin waarta. Waxaan qabaa in la xoojiyo iskaashiga iyo kala warqabka hey’adaha amniga ee Dowladaha aan soohdin-wadaagga nahay bad iyo dhulba iyo kuwa ku xeeran Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waa in aan xaqiijinno in hubka ciidanka Dowladda gacantiisa ku jira iyo kan soo geli doonaa aanuu u gudbin shakhsiyaad ama kooxo dhibaato ka geysta Soomaaliya gudaheeda ama dal kale”.

“Waxaa taas qeyb weyn ka cayaari karta dib u heshiinta oo la joogteeyo, Dastuurka oo lagu dhaqmo, siyaasad furfuran oo madaxdu ay mar kasta si maangal ah u fasirto hindisayaasheeda, uga jawaabto su’aalaha, ka dhowrsato wixii tuhun dhalin kara, una nuglaato cabashada shacabka. Mudanayaasha Baarlamaanka oo mid mid iyo wadajirba ka dhabeeya mataalaadda shacabka iyo la xisaabtanka Dowladda iyo doorashada qof iyo cod ee heerarka Dowladeed ee dalka oo la hirgeliyo. Taxaddar gooni ah waxaa u baahan in labada guulood ee isku soo beegmay – cunaqabateynta hubka ee la qaaday iyo deyn cafintu aanay iyagu is-tirtirin ama is-burin”, ayuu sii raaciyay Yuusuf Garaad. Wuxuuna uigu dambeyntii u mahadceliyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Q. M. ee New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ra’iisal Wasaaraha, Madaxweynaha, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka.

“Haddii wax laga weydiin lahaa Ragga qaar Cunaqabateynta in la qaado iyo in kale waxaa laga yaabaa in ay dhihi lahaayeen “ yaan dalka laga qaadin cunaqabateynta sababtuna waa in Shabaab loo adeegsanayo hubkaas”. Golaha Ammaanka (UNSC) ayaa gartay in la aqbalo codsiga Dawladda Soomaaliya ee ah in cunaqabateynta hubka Soomaaliya laga qaado, si ciidamadeena awoodooda loo xoojiyo waana ku mahadsan yihiin, laakin qaar siyaasiyiinteena ka mid ah waxay garan la’yihiin baahida dalku u qabo in dastuurka la dhammaystiro. Soomaaliya meesheedii hore laguma sii hayn karo”, sidaasi waxaa isna qaba Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi.

“Haddii wax laga weydiin lahaa ragga qaar Cunaqabateynta in la qaado iyo in kale waxaa laga yaabaa in ay dhihi lahaayeen “ yaan dalka laga qaadin cunaqabateynta, sababtuna waa in Shabaab loo adeegsanayo hubkaasi. Golaha Ammaanka ee Qaramada Middobay (UNSC) ayaa gartay in la aqbalo codsiga Dawladda Soomaaliya ee ah in cunaqabateynta hubka Soomaaliya laga qaado, si ciidamadeena awoodooda loo xoojiyo waana ku mahadsan yihiin. laakin qaar siyaasiyiinteena ka mid ah waxay garan la’yihiin baahida dalku u qabo in dastuurka la dhammaystiro. Soomaaliya meesheedii hore laguma sii hayn karo”.

Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaallada ee National Theaterka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan oo ay muddo kooban socod ku sheekeystay ayuu ku yiri “Madaxweyne maad nasatid Aduunyo orod laguma gaaree” ayaa iigu jawaabay “Guuroow waxaan nasanayaa Insha allaah Soomaaliya oo nabada Oo aan Khawaariij joogin, Dadkeedu xor yahay, Siyaasaddeedu xasiloon tahay, Anna Oday Xurmo leh oo Magaalada iska xashaashi kara aan ahay, Madaxda iga danbeydana Dal iyo Dad deggan hoggaamiyaan”.

“Wallee hamiga Xassan Shiikh iyo hanka Dadaan arkay waa kala haab”, sidaasi waxaa yiri:- Maareeyaha Theaterka Qaranka Cusmaan Cabdulle Guure, waxaa kaloo uu sii raaciyay  WAXAAD KU HAMINEYSIYO WAXA AAN KA HADLEYNO WALLEE KALA HAAB.

“32-sano kadib Maanta ayaan noqonay Dowlad rasmi ah, ’Barlamaankana waa in ay Fadhiidnimada ka saaraan Dastuurka oo ay isbedal ku sameeyaan”, sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Guddiga Wacyigalinta iyo Abaabulka ee Xooggag Wadaniyiinta Yuusuf Diiriye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa balan qaadday in hubka ay soo iibsato uusan geli doonin gacanta cadowga, iyadoo Bulshada qeybaheeda kala duwan ay soo dhoweeyeen tallaabada cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

By C/laahi Ruush

Danjire Abuukar Baalle” Waxaa jira dalal badan oo diyaar u ah in ay hub nuuc walba ah siiyaan dowladda”.

Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in ay jiraan dalal badan oo diyaar u ah in ay Dowladda Soomaaliya siiyaan hub nooc walba leh iyo dad u tababaran hubkaas sida loo isticmaalo.
Wuxuu tilmaamay in ka qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya 30-kii sanno ee la soo dhaafay ay sahleyso in Soomaaliya soo iibsato ama ay ka hesho saaxiibadeeda caalamka hub casri ah.

” Wadamo badan oo asxaab aan nahay ayaa jira oo diyaar u ah in ay hub siiyaan Dowladda dhexe ee Soomaaliya, wadamo kale oo waxaa jira ka ganacsada hub iyo sidii loo soo iibsan karo ama lagu soo iibsan karo sameeyno, taas waxay sahleysaa wada-hadalka aad galeysid ama soo gadaneysid ama aad ku soo heleysid mucaawino maaddaama cunaqabateyn aan ku saarneyn,” ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle.

Sidoo kale, Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in qaadista cunaqabateynta hubka ay Soomaaliya kaga dhigan tahay maalin weyn,islamarkaana dalal badan ay ku dhiirigelineyso in ay hub nooc walba ah siiyaan Soomaaliya.

”Cunaqabateynta waxay cunaqabateyn u ahayd qof walba oo rabo xitaa inuu ku siiyo kuma siin karin oo waxa uu ka baqaayay in golaha ammaanka uu dhib uga yimaado, hadda waxay noo fududeyneysaa wadamo badan oo asxaabo nahay allaala noocii aan rabno, noona tababaraan dadkii isticmaali lahaa hubkiina noo keenaan,”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa balan qaadday in hubka au soo iibsato uusan geli doonin gacanta cadowga, Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa soo dhoweeyay tallaabada cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.