Ciidanka Xoogga oo Howgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Howgal qorsheysan fuliyay deegaannada Adeegoow, Garaar, Warta Doolar, iyo Weeley, oo katirsan gobolka Baay.

Taliyaha Ururka 46-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Xds X/le Xasan Aadan Maxamed (Xasan Taar)  ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka ay ku bur-buriyeen xarunta diiwaangelinta khawaarijta iyo goob ay lacago baad ah kaga qaadi jireen Shacabka ku dhaqan gobolka Baay.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa saaxiibada caalamiga ayaa howgallo ballaaran kawada gobollada dalka ee ay khawaarijtu ku dhuumaalsanayaan, Kuwaas oo lagu dilay Khawaarij badan.

Naadiyaasha Kubadda Cagta Dekeddaha iyo Gaadiidka oo u Safray Magaalada Baydhabo

Baydhabo:-Naadiyaasha Kubadda Cagta Dekeddaha iyo Gaadiidka ayaa maanta u safray Magaalada Baydhabo, halkaasi oo taariiqda markii ugu horaysay lagu ciyaarayo koobka Super Cabaha Soomaaliya 2023.

Garoonka Kubadda Cagta ee Dhaqtar Ayuub Stadium ayaa lagu ciyaari doonaa kullanka xiisaha badan ee labada kooxood.

Koobka Super Cabaha Soomaaliya, waxaa ciyaara sanad walba kooxda kusoo guuleysata horyaalka dalka iyo kooxda kusoo guuleysata koobka labaad ee dalka General Daa’uud.

Naadiga Gaadiidka ayaa sanadkii hore kusoo guuleysatay horyaalka Kubadda ee dalka Somali Premier League, halka naadiga Gaadiidka sanadkaan ay ku guuleystay Koobka General Daa’uud.

Saadaali sanadkaan Super Cabaha Soomaaliya yaa ku guuleysan doona?

 

   

Ku dhawaad 10 katirsan khawaarijta oo lagu khaarajiyay degmada Ceeldheer

Ku dhawaad 10 katirsan khawaarijta Alshabaab oo aay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida uu SONNA u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka deegaanka Cabdulle Maxamuud Barre.

Howgalkan ayaa waxaa fuliyay ciidanka deegaanka oo gacan ka helaya ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaas oo ahaa mid qorsheysan laguna beegsaday goob khawaarijta ay ku dhibaateynayeen shacabka ku dhaqan halkaas.

Taliyaha Macawisleyda degmada Ceeldheer Cabdulle Maxamuud Barre ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in Howgalka lagu dilay labo horjooge, iyadoo lagu dhaawacay horjooge Saciid Daa’uud oo khawaarijta u qaabilsan degmadaas.

Horjooge Saciid Daa’uud ayuu sheegay taliye Cabdulle Maxamuud Barre in maalin ka hor uu degmada ka kaxeestay wiil iyo Aabihiis kuwaas kamid ahaa ganacsatada degmada Ceeldheer.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa howgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wado gobollada Galgaduud iyo Hiiraan halkaas oo 24-tii saac ee la soo dhaafay lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka badan 70 dhagarqabeyaal ah.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay Hanaanka tamarta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xumuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qeybgalay kulan duceed gaar ah oo looga hadlayey Hanaanka tamarta Caafimaadka kaasoo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Caafimaadka Adduunka islamarkaana ay kasoo qeybgaleen Wasiiro , Deeq bixiyaal iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Caafimaadka Adduunka.

Wasiir ka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood kala qeybgalay, Wasiiradda Caafimaadka iyo Maaliyadda  ee Wadanka Netherland, Agaasimaha Isbadalka Cimiladda ee Hey’adda u Qaabilsan Mareynka Kaalmadda  (USAID) iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Caafimadka Adduunka Dr. Tedros.

Waxa uu Wasiirka Caafimaadka ka sheegay dooda ahmiyadda ay Soomaaliya u lee dahay xoojinta xarumha Caafimaadka  ee ku shaqeeya  tamarta  cadceeda ( Solar Energency System)  iyadoo  uu sidoo kale carabka ku adkeeyye  xoojinta nidaamka Caafimaadka ee la xriira hanaanka togan ee ay ku yeelatay Isbadalka Cimiladda.

Wasiirka Wasaaradda iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo gunaanaday doodiisa in ay muhiim u tahay Soomaaliya helitaanka maalgelinta dhameystiran oo la xiriirta arrimaha isbadalka saameynta uu ku yeeshay Caafimaadka.

 

   

Wasiirka Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyey Shir duceed la qaatay Madaxda Wasiirada Caafimadka Urur Goboleedka Afrika

Wasiirka Wasarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa khudbad ka jeediyey Shir duceed lagu casuumay Wasiirada Wasaaradaha Caafimadka Urur Goboleedka Afrika iyo Bariga Mediterrean-ka ee Hey’adda Caafimaadka Adduunka oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay islamarkaana daba socdo Shirar isdaba jooga ah oo la xiira Shirka COP28 ee ka socda Magaalada DUBAI.

Khudbadda Wasiirka ayaa diiradda lagu saaray sida ay Soomaliya ugu go’an tahay xal u helidda xaaladaha ka dhashay Isbadalka Cilimadda iyo saameynta uu ku yeeshay Caafimaadka.

Si gaar ah ayuu Wasiirka ugu nuux nuuxsaday saameynta ay ku yeelatay Soomaaliya oo ay ka mid tahay Abaarihii u dambeeyey ee dalka ku dhuftay sidoo kale hada oo ay dadka Soomaaliyeed Wajahayaan EL Nino ( Fatahaad aad u baaxad weyn) taasoo gaysatey qasaarooyin isugu jira barakac, nafaqadaro iyo cuduradda faafa.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa ku ayaa tilmaamey muhiimadda ay lee dahay xoojinta nidaamka Caafimaadka dalka oo lagu daray joogtaynta ka hor tagga isbadalka cimiladda iyadoo loo maraayo isku xirka xogta isbadalka cimiladda iyo midda Caafimaadka, iyo sidoo kale xoojinta Caafimaadka bulshadda ayaa u ah aas aas arrimaha hormartinta iyo ka hortagga qataraha ka dhasha isbadalka cimilada.

 

  

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo warbixin ka dhageystay wafdigii ka qeyb galay shirkii CEN-SAD ee lagu qabtay Dalka Liibiya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan oo hogaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa wasiirka warbixin ka siiyay ujeedka kulanka iyo waxyaabihii looga hadlay.

Wasiir Yuusuf ayaa yiri “Shirka wuxuu ahaa mid balaaran oo ay kasoo qeyb galeen Wadamada ku bahoobay (CEN iyo SAD) ee Saaxil iyo Saxaraha ee Wasaaradahooda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya
Waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay sida looga hortagi karo tahriibka sharci darada ah ee ay wadaan dadka ku nool qaarada Africa, shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta qaarada Afrika & sidii shaqo loogu abuuri lahaa wadamada xubnaha ka ah (CEN iyo SAD) ee Sahel iyo Saxaaraha oo ay Soomaaliya Xubinta ka tahay.

Soomaaliya ayaa soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan sidii shaqooyin cusub loo abuuri lahaa Shaqo doonka, isla markaana looga hortagi lahaa Socdaalka sharci darada ah iyo kuwa ka ganacsada Tahriibinta Dadka

Sidoo kale, Wasiir Yuusuf Maxamed Aadan inta uu ku sugnaa dalka Liibiya wuxuu kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Shaqada ee dalka Liibiya Ali Al-Abed, waxayna ka wadahadleen sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dowladood iyo iskaashiga labada wasaaradood ee Liibiya iyo Soomaaliya ee dhanka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa bogaadiyay wafdigii Soomaaliyeed ee ka soo qeyb galay shirka oo soo bandhigay aragtidooda wax ku ool ah iyo ka qeyb galka shirkaasi ee CEN-SAD.

  

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaadh

Riyaadh- -Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaadh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Fiqi ayaa la filayaa inuu kulammo labo geesood ah la qaato dhiggiisa Sacuudi Carabiya Amiir Cabdicasis Bin Sacuud Bin Naayif Bin Cabdicasis Aala Sacuud.

Adkeynta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo arrimo kale ayaa ka qeyb ka ah ajendaha wadahadallada ay yeelanayaan wasiirka arriamaha gudaha Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Sacuudi Carabiya

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee XFS oo kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa kalluunka

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xassan Aadan ayaa kulan mihiim ah la yeeshay qaar ka mid ah ganacsaada dhoofisa Kalluunka.

Wasiirka ayaa ganacsatada kala hadlay sidii loo Horumarin lahaa nidaamka suuq gaynta kalluunka Soomaaliya, Caqabadaha haysta ganacsatada iyo sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ganacsatada iyo Kalluumeysatada Soomaliyeed.

Wasiir Axmed ayaa sheegay in wasaaradda dhiirigelineyso barmaamijyada bulshada ee wax soo saarka kalluumaysiga, isla markaana ay ganacsatada ka taageerayaan sidii ay u heli lahaayeen sharciyada dhoofinta Kalluunka, iyo Suuqyo casri ah.

        

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalaya shirka Cop28 ayaa sheegay inay ka go’an tahay helintaan Caafimaad dhamaystiran

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka qeybgalaya shirka Cop28 ee isbedalka Cimilada Adduunka oo maalintiisa saddexaad lagu lafa-guray caafimaadka iyo isbedalka cimilada,.

Ajandaha maalinta saddexaad ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax badan oo ka socday wadamada caalamka, Wasiirada Caafimaad aduunka, Agaasimaha guud ee hey’adda Caafimaad adduunka Dr. Tedros, Bill gate oo ah maalqabeen taakuleeya Caafimaadka, Jorn Kerry Ergayga gaarka ah ee cimilada ee Madaxwahnaha maraykanka, Wasiiro arrimo dibadeed oo ka socdey dalalka Caalamka, iyo madax ka kala socoto Hey’ado caalami ah ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgakeysa Ajandaha Caafimaadka iyo isbadalka cimilada

Shirka ayaa maalinta saddexaad diiradda lagu saarayaa saamaynta Isbadalka Cimilada uu ku leeyahay caafimaadka, iyada oo si qoto dheer looga hadlayo saamaynta togan iyo midda taban ee uu isbadalka cimiladu ku leeyahay Caafimaadka bulshada, iyo sida wax looga qaban karo aduunkuna isaga kaashan karo, iyo sidii lagu hirgalin lahaa nidaaam Caafimaad oo haqab tiran adkaysi leh, kana jawaabi karo cudur dillaacyada iyo musiibooyinka ka dhasha is badalka cimilada.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an islamarkaana diradda u saaran helintaan Caafimaad dhamaystiran iyo sidii bulshadeena Soomaaliyeed ula jaan qaadi la haayeen isbedelada cimilada iyadoo laga sii taxadarayo xanuunasa ka dhallan kara taasoo qeyb ka ah diyaarinta bulsho dhankasta ka diyaarsan oo heysata Caafimaad tayeysan.

Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiga la socodka Dastuurka BJFS kulan ku yeeshay Muqdisho

-Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegsita iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddiga la socodka iyo hirgelinta Dastuurka ee BJFS ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka.

Kulankaan oo ay goob joog ahaayeen Guddoonka labada guddi ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa soo bandhigida warbixinta soo jeedinta wax-kabeddelka cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ay soo diyaariyeen xubnaha guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Burhaan Aadan Cumar oo ugu horreyn ka hadlay munaasbada ayaa u soo bandhigay xubnaha Guddiga La-socodka Dastuurka BJFS soojeedinta warbixinta cutubyadda 1-aad ilaa 4-aad ee dastuurka.

Xubnaha GMDHD ayaa Guddiga lasocodka Dasuurka ee BJFS ka dhageeystay talooyinka, tilmaansiinta iyo fikradaha ku aaddan cutubyada koowaad illaa afaraad ee dastuurka KMG ah si guddiga uu ugu soo lifaaqo, isla-markaana loogu gudbiyo labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay uga gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.