Dr Xuseen Abuukar oo loo magacaabay Hogaanka Qaran ee ka jawaabidda xaaladaha Caafimaad ee ka dhashay Cimilada El Niño

 Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ahna Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa u magacawday Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr Xuseen Abuukar Muxudiin Hoggaanka Qaran ee Ka jawaabidda xaaladaha Caafimaad ee Degdegga ah ee ka dhashay Cimilada El Niño.

Dr. Maryama ayaa fartay dhammaan hay’adaha dawladda, kuwa maxalliga ah, hay’adaha qaramada midoobay iyo dhammaan dhincayada ay khusayso in ay si toos ah ula shaqeeyaan hoggaanka la magacaabay.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay hagaajinta nidaamka caafimaadka & in ay dadaal dheer ah ku bixiso bixinta adeeg caafimaad iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha.

Ugu danbayntii, wasiiradda waxay amartay hogaanka la magacaabay in uu wada shaqayn dhab ah la yeesho hay’adaha dowladda ee ku hawlan ka jawaaabista xaaaladaha degdegga ah iyo maaraynta musiibooyinka oo ay ugu horreyso Hay’adda Qaran ee Maaraynta Musiibooyinka (SODMA).