Soomaaliya oo ku guulaysattay Billadda Dhaqanka, Suugaanta iyo Farshaxanka dalalka Geeska Afrika

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa billadda ODA AWARD guddoonsiiyay ku xigeenka maareeyaha Wakaaladda Murtida iyo Madadaalada Qaranka Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo safar shaqo ku tagay dalka Ethiopia, isagoo uu weheliyay madaxa qaybta far-shaxanka ee waaxda dhaqanka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Munaasabad weyn oo ka dhacday Addis Ababa ayaa si rasmi ah loogaga dhawaaqay natiijada soo baxday oo noqotay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay sanadkan 2023 si rasmi ah ugu guulaysatay billadda ADO AWARD ayna heerkan kusoo gaartay dedaalka dawladnimada xambaarsan iyo dib u dhiska ay ku samaysay hay’adaheeda Dhaqanka, Suugaanta iyo Far-shaxanka.

Danjire Warfaa oo kaashanaya xafiiska Uqaybsanaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Safaaradda JFS ee Ethiopia ayaa dedaal badan ku bixiyay sidii ay Jamhuuriyadda Soomaaliya uga dhex muuqan lahayd xayn-daabyada caalamiga ah ee looga arrinsado ama loogu tartamo guulaha waaweyn ee heer Qaran oo noocan oo kale ah.

Billadda ODA AWARD ayaa ah abaal-marin la siiyo dalalka Geeska Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarka muuqada ka sameeyey arrimaha Dhaqanka, Farshaxanka iyo Suugaanta, waxaana hanashada abaal-marintan baratan adag u galay dalal Afrikaan.