Munaasabad lagu soo Bandhigayay wax-Qabadka Gobolka Banaadir oo xalay lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose

Waxaa xalay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir lagu qabtay Munaasabad lagu soo Bandhigayay Wax-Qabadka Maamulka Gobolka Banaadir ee sanadkii 2023-ka,oo ay ka qeeybgaleen Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirro, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaanno, Saraakiisha Ciidanka, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqanka, Culumada, Haweenka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisa ee Bulshada.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay guulahii ugu waa weynaa oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ku talaabsaday sanadkii 2023, sida horumarinta Kaabayaasha oo ay ugu horeeyaan dhismaha Waddooyinka oo gaaraya illaa iyo 15-wado oo Laami ah, Wax ka qabashada Amniga Caasimadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Samafalka iyo Balaarinta Adeegyada Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir doorka dib-u-dhis ee kaabayaasha isku socodka, daadajinta Adeegyada Bulshada, asigoona ku booriyay Maamulka Gobolka Banaadir in lasii dar-dargeliyo qorshahaasha Horumarineed ee Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulkiisa sanadka 2024 ay ugu horeeyaan wax ka qabashada Bulaacadaha iyo in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo doorashada Golayaasha Deegaanka, si shacabka ay u doortaan cida maamuli laheyd.