Ciidamada Dowladda oo burburiyay fariisimo ay khawaarijtu ku laheyd deegaanno hoos taga degmada Xuddur

Xuddur-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaar ahaan Guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS ayaa howgal bur burin ah ka sameeyay Deegaano dhowr ah oo kala ah gomori, Banjinaay, Sheekh Xasey, Aboorey iyo Dhanfaruur, oo hoostaga Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool.

Howlgalkaan oo uu hoggaaminaayay Abaandulaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS Gaashanle Yoonis Aadan Xasan ayaa waxay ciidanku ku bur buriyeen fariisimihii kooxda khawaarijta ku lahaayeen Deegaanada Howlgalka Laga Sameeyay .

Sidoo kale Ciidanka ayaa  inta ay howlgalka wadeen waxaa ay ku guuleysteen inay heshiis dhex dhigaan dadka walaalo isku heystey dhul daaqsimaad ah deegaannadaas ku yaal.