Madaxweynaha dalka oo Khudbad u jeedinaya Baarlamaanka Labadiisa Aqal oo Shir deg-deg ah la isugu yeeray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed mudane, Xasan Sheekh Maxauud ayaa lagu wadaa in maanta uu Khudbad u jeedinaya Baarlamaanka Labadiisa Aqal, kuwaas oo Shir deg-deg ah la isugu yeeray.

Xoghayaha joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya , Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulankani deg-degga ah uu daarran yahay xaaladda guud ee dalka.