Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigaya wax-qabadka Gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay wax-Qabadka maamulka gobolka Banaadir oo lagu qabtay xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS ayaa ku amaanay maamulka gobolka Banaadir doorka dib-u-dhis ee kaabayaasha isku socodka, daadajinta Adeegyada Bulshada, asigoona ku booriyay Maamulka Gobolka Banaadir in lasii dar-dargeliyo qorshayaasha Horumarineed ee Caasimadda.

” Sanadkaan waxa uu ku suntanyahay sanad waxqabad, waxaana gaarnay guulo waa wayn oo dalkeena muhiim u ah.”ayuu yiri Ra’iisul wasaara kuxigeenka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulkiisa sanadka 2024 ay ugu horeeyaan wax ka qabashada Bulaacadaha iyo in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo doorashada Golayaasha Deegaanka, si shacabka ay u doortaan ciddii maamuli laheyd.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay guulahii ugu waa weynaa oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ku talaabsaday sanadka 2023, sida horumarinta Kaabayaasha oo ay ugu horeeyaan dhismaha Waddooyinka oo gaaraya illaa iyo 15-wado oo Laami ah, Wax ka qabashada Amniga Caasimadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Samafalka iyo Balaarinta Adeegyada Bulshada.

waxaa sidoo kale ka qeybgalay Munaasabadda Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidanka, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqanka, Culumada, Haweenka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisa ee Bulshada.