Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta oo sheegtay in 950,000 oo isugu jira Haween Uur leh iyo Carruur anay haysan wax daryeel Caafimaad ah

Wasaaradda caafimaadka Qaza ayaa sheegtay in 50,000 oo Haween Uur leh iyo 900,000 oo Carruur ah  anay haysan daryeelkii Caafimaad ee lagama maarmaanka u ahaa xarumaha daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka ee Marinka Qaza.

Ashraf Al-Qudra, oo ah Afhayeenka wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in xaalad Caafimaad xuma tii ugu darneyd ay ka taagantahay Marinka Qaza, waxuuna intaa ku daray in dad ka badan 1.9 milyan oo barakacayaal ah ay haysataan xaalado kala duwan.

Afhayeenka waxuu sheegay in 50,000 oo ah Haween Uur leh ay la ildaran yihiin nafaqo darro iyo dhibaatooyin Caafimaad xumo, taasoo ay u sii dheertahay  Biyo iyo cunna la’aan.

Sidokale, in ka badan 900,000 oo Carruur ah ayaa si joogta ah ula kulma qabow daran, fuuq-bax, nafaqo-darro, cudurro ka dhashay suntan duqeymaha oo ay ka mid yahiin kuwa ku dhaca Neef-mareenka iyo cudurrada maqaarka,  sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda.