Ciidanka xoogga oo gacanta kusoo dhigay xubno katirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Deegaanka ayaa saakay gacanta ku dhigay 2-xubnood oo ka tirsan khawaarijta.

Howgalka lagu soo qabtay labadaan nin ee katirsanaa khawaarijta ayaa ka dhacay aagga Deegaanka Gabdhaale oo Bari ka xiga Caad waxayna xiliga la qabanayay ay aasayeen miinooyin sida warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha Maamulka Degmada Xarardheere Maslax Macalin Cilmi

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Degaanka ayaa howlgallo koonfurta gobolka MudugĀ  looga sifeeynayo khawaarijta kawada ,iyadoo ay isa soo tarayaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyad katirsan khawaarijta ee isku soo dhiibayo ciidanka xoogga Dalka.