Qaar ka mid ah xildhibaannada kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya oo cambaareeyay damaca Itoobiya

Guddoomiyaha Aqalka sare e BFS, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay weligeed ku taameysay in ay hesho dhul kale oo ay Soomaaliya leedahay, gaar ahaan badaheenna.

Wuxuuna cod dheer ku sheegay in aysan badda Soomaaliya ahayn neef xoolo ah oo uu qof suuqa geysanayo balse baddeennu intaas ay  ka culus tahay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi” Badda Soomaaliya ma ahan neef xoolo ah oo uu qof suuqa geysanayo”.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo isna ka hadlay heshiis ku sheegga dhex maray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa sheegay Muuse dadka reer Soomaaliland uu ku wado haadaan jarna ridayo , isla markaana uu baabi’inayo wixii ay soddonka sano ku tabcayeen.

Wasiirka Maaliyadda XFS Xil, Biixi Iimaan Cige ayaa si weyn u soo dhoweeyay qaraarkii ay soo saartay Xukuummadda iyo xeerka labada gole ee BJFS, kaas oo wax kama jiraan ka dhigay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Muuse Biixi.

Wuxuuna intaa ku daray in aysan Soomaaliya aqbalayn in ciddi ka mid ah dhulkeeda in la qaato, wuxuuna faray bulshada Soomaaliyeed in si weyn looga dhiidhiyo loona midoobo difaaca dalka.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in waxa ka dhacay magaalada Addis Ababa ay xadgudub ku tahay qarananimada iyo midnimada Soomaaliya.

Mudane Maareeye ayaa sheegay in dadka  ku dhaqan gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay weligood ahaayeen kuwo ku suntan waddaninimo, hormuudna ay ka ahaayeen halganka iyo gobannimada dalkeenna, wuxuuna faray shacabka Soomaaliland inuusan Muuse Biixi ka qaadin sharafka iyo karaamada ay leeyihiin.

Ugu dambayn, Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn dadka Soomaaliyeedna aqbali karin in si dhayal ah lagu dhaxal wareejiyo.