Midowga Yurub oo taageeray go’aanka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya

Ururka Midowga Yurub oo ka hadlay Xadgudubka dowladda Itoobiya ayaa  garab istaag u muujiyay Dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay  Midowga Yurub ayaa lagu yiri “Waxaa lagu war galinayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurka u yaalla Soomaaliya, Axdiga Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay, Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.”