Madaxweynaha Dalka oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Eretaria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaadda ciidda ku oogay Masaajidka Cali Jimcaale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

“Masjidkan oo dhulka laga hirgaliyayay ay dowladdu bixisay; waxaan rabaa in aan u mahadceliyo dadkii soomaaliyeed ee dhaqaalahooda galiyay, sida tabarucaadda ahna u dhisay, tanina waa astaan wanaagsan oo muujineysa sida dowlad iyo shacabba aan mas’uuliyadda isaga saareyno diinteenna suubban. Waan ilaalinaynaa, waan dhowreynaa; wixii horumarinaayo diinta ayaan sameyneynaa”.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo, gaar ahaan farxadda ciidda oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna suubban.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka, waxa uuna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada ka soo horjeedda dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isagoo kula dardaarmay in ay gacmaha is-qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.

                   

Madaxweynaha Galmudug oo salaadda Ciidda la tukaday Shacabka Baxdo

Magaalada Baxdo ayaa maantay si weyn looga ciiday maalinta Koowad ee ciiddul Adxa,waxaana maantay salaadda Ciidd shacabka reer Baxdo kula tukaday Masaajidka weyn madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi-kaariye ‘Qoorqoor” oo shalay safar ku tagay Baxdo.

Salaadda Ciidda kadib ayuu madaxweynuhu la hadlay dadka Baxdo, wuxuuna ku baraarujiyay in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shabaab ka maamul ahaanna uu garab taagan yahay.

Shacabka Baxdo ayaa farxad ku ciidaya, iyadoo ku dhawaad bil ay ka soo wareegatay dagaalk ku gumaadeen Kooxda Shabaab oo xiligaas weerar ku soo qaaday Baxdo.

   

Ra’iisal wasaare Xamse oo boqolaal Dadweyne kala qeyb galay Salaadda Ciidul Adxa

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kala qeyb galay boqolaal dadweyne ah Salaadda Ciidul Adxaa oo lagu oogay Masjidka Cali Jimcaale oo dhowaan uu dhisay Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Ra’iisal wasaare Xamse ayaa munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeey guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda gudanaaya waajibaadka xajka.

        

Dunida Islaamka oo maanta si weyn looga Ciidayo

Guud ahaan Ummadda Islaamka ee ku kala sugan daafaha caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Maanta oo ah maalinka Tobonaad ee Bisha Carafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay gudanayaan mid kamid ah munaasabada Islaamka.

Dad badan oo muslimiin ah ayaa subaxa hore ee maanta isugu yimid Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, si ay u tukadaan Salaada Ciidul Adxaa.

xigasho SONNA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey munaasabadda Ciida Carafo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyey maalmaha barakaysan ee ciidda Carafo oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka xajka in uu ka aqbalo acmaasha suubban, isagoo ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan maalmahan barakaysan, ducada iyo Alle bariga ku aaddan horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida uu uga muragaysan yahay xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaanka qoys, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalkeenna, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay farxadda ciidda la qeybsadaan dadkooda dhibaateysan.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan kan xiga ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isaga oo kula dardaarmay in ay gacmaha isqabsadaan, qalbiyadana isu furaan.

R/wasaare Xamza oo hambalyada Ciidul Adxaa u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shacabka soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul-adxaa, isaggoo si gaar ah Hambalyo ugu diray geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna iyo la dagaalanka argagixisada dadka iyo dalka dhibaatada ku haya.

“Waxaan munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeeynayaa guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda gudanaaya waajibaadka xajka.

Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna iyo la dagaalanka argagixisada dadka iyo dalka dhibaatada ku haya.

Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Qurba-joogta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay caawiyaan danyarta una gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag” ayuu yiri RW Xamza

Tababar aqoon kororsi ah oo loo soo gabagabeeyay 40 ruux

In kabadan 40 ruux oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa ka faaiiidaystay tabar aqoon kororsi ah oo lagu baranaayay arrimo ku saabsan hogaaminta wanaagsan iyo ka qeybgalka siyaasadda dalka.

Tababarkaan oo ay soo qabanqaabiyeen urur samofal oo ka dhisan dalka Sweden,waxaa fuliyay maaulka urrurka Soomaali Woman Voice.

Tababarkaan oo ah kii labaad oo la qabto muddo 2 sano ah,waxaa lagu bartay casharo la xiriiray dhiirigalinta haweenka ee dhanka ka qeybgalka siyaasadda iyo hogaaminta wanaagsan.

Deeqo Cali Cumar oo ah guddoomiyaha urrurka Soomaali Woman Voice ayaa soo gabagabeysay munaasabaddii xiritaanka tababarkaasi.

Walaac ku aadan abaaraha ka jira dalka oo sii kordhaya

Dalka ku yaalla Geeska Afrika,gaar ahaan Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah, sida ay sheegeen dowladda iyo Qaramada Midoobay.

Inta badan Soomaalidu waa xoolo dhaqato, waxayna ku tiirsan yihiin xoolahooda, balse sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ilaa saddex milyan oo xoolo ah ayaa ku dhintay abaarta ka jirta dalka.

in ka badan 805,000 oo qof ayaa ku barokacay abaaraha,halka, ​​rubac milyan qof ay soo food saartay macluul.

7.1 milyan oo Soomaali ah, ku dhawaad ​​kala bar dadka dalka, ayaa wajahaya heerar cunto yari ba’an.

Qaar ka mid ah qoysas ka soo barakacay deegaanka Buulo-Warbo, oo 140-km koonfur-bari kaga beegan caasimadda Muqdisho,isla markaana soo gaaray kaamam ku yaalla degmada Daayniile,ayaa sheegay in afar xilli aysan heli roobab wanaagsan,sidaa daraadeedna ay soo foodsaartay baahi iyo macluul ku qasabtay in ay lug ku soo galaan Muqdisho.

 

Safaaradda JFS ee Itoobiya oo qabatay shir jaraa’id oo khuseeyay arrimaha dalka

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay dalka Itoobiya ayaa Faah-Faahin ka Bixiyay halka ay marayaan qorshaha ku saabsan in amniga dalka lagu wareejiyo ciidamada xooga  dalka iyo wafuud ka tirsan midowga Afrika oo ku soo fool leh magaalada Muqdisho.

Kusimaha Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya danjire Shaafici Nuur Calas Faarax,ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan wafdi baallaaran oo ka socda midowga Afrika,gaar ahaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ,kuwaas oo gacanta ku haya qorshaha la wareegista ciidanka Xoogga dalka ee arrimaha ammaanka Soomaaliya .

Wafdigaan oo dalka ku soo began 19 ilaa 22-ka bishaan iyo 27 ilaa 30 ka bishaan waxaa lagu wado in ay la kulmaan wakiilo kala duwan oo ka socda Dawladda Fedaraalka Soomaaliya, wakiilada beesha caalamka iyo taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ku qanacsay awoodda Ciidanka Xoogga Dalka waxaana qorshahaan la hor geeyay Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa, iyadoo si gaar ah loogu xil saaray inay arrintaan ka wada shaqeeyaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Africa iyo Dawladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaysa Safaaradda JFS ee Ethiopia.

Safaaradda JFS ee Addis Ababa ayaa u qaabilsan Dawladda Soomaaliyeed daba galka, socodsiinta iyo fulinta qaraaradii laga gaaray arrintan, kuwaas oo intooda badan laga yeeshay is afgarad salka ku haya in laga dhabeeyo sidii ay Ciidanka Xoogga JFS ula wareegi lahaayeen ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.