R/wasaare Xamza oo hambalyada Ciidul Adxaa u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shacabka soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul-adxaa, isaggoo si gaar ah Hambalyo ugu diray geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna iyo la dagaalanka argagixisada dadka iyo dalka dhibaatada ku haya.

“Waxaan munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeeynayaa guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda gudanaaya waajibaadka xajka.

Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna iyo la dagaalanka argagixisada dadka iyo dalka dhibaatada ku haya.

Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Qurba-joogta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay caawiyaan danyarta una gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag” ayuu yiri RW Xamza