Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Degmooyinka Hilwaa iyo Kaxda

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay degmooyinka Hilwaa iyo Kaxda, hawlgaladan ayaa lahaa bartilmaameedyo cayiman oo indhaha lagu hayay.

Saraakiisha iyo Ciidamada fulinayey howlgalkan ayaa ku guulaystay in hawlgalka laga fuliyo goobihii bartilmaameedku ahaa oo ay in mudaba ah ba dabagal ku hayeen Ciidanka Sirdoonka.

Ciidamo hubeysay oo ka tirsan Ha’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa fuliyay qorshaha hawlgalka ka dib markii ay heleen xog sugan oo sheegaya in ay jirto halis amni oo ku wajahan shacabka, taasoo u baahan in laga hortago,hawlgaladan ayaa ka dhacay degmooyinka Hiliwaa iyo Kaxda iyadoo ciidanku gacanta kusoo dhigeen walxo la rabay in lagu khal khal geliyo Amniga Caasimadda.

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA BADDA EE TABABBARKA U JOOGA DALKA ERETERIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Kormeerkan ayuu madaxweynuhu ugu kuur galay xaaladda ciidanka badda ee tababbarka ku qaadanaya dalka Ereteriya kuwaas oo uu u rajeeyey in ay kaalin muuqata ka qaataan howgalada amni ee ka socda dalka.

Ciidankan ayaa sameeyey dhoolatus ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha JFS waxa uuna madaxweynuhu uu ka qaatay salaan sharaf isaga oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la hadlay ciidamadan ayaa ku bogaadiyey dulqaadka ay ku wajaheen tababbarka iyo sida ay uga go’an tahay in ay difaacaan qarankooda, isaga oo uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey ahmiyadda qaran ee dib u dhiska ciidanka Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda tayadooda, si loo xaqiijyo xoreynta dalka, loogana dulqaado dadka iyo mandiqaddaba qatarta argagixisada ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka.

 

Ra’iisul wasaaraha Isra’iil oo ka hadlay socdaalka uu isra’iil ku imaanayo Madaxweynaha Mareekanka

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu farriin nabadeed iyo rajo ah ka sido Israa’iil, taasi oo ku wajahan Sacuudiga inta uu ku guda jiro booqashadiisa la filayo inuu ku tago Bariga Dhexe.

Waxaa la qorsheeyay in Biden uu booqdo Sucuudiga, Israel iyo Daanta Galbeed ee ay haysato Israa’iil inta u dhaxaysa 13 ilaa 16 Luulyo sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka.

Hadalka Lapid ayaa yimid saacado kaddib markii Biden uu difaacay inuu beddelo mowqifkiisa Sacuudiga oo uu doonayo in uu marmarsiiyo u helo booqashadiisa, oo muran ka dhalisay Mareykanka.

Lapid, ayaa hadallo uu jeediyay intii lagu guda jiray shirkii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada Israa’iil, wuxuu u jeediyay waddamada kale ee Carabta inay xiriir la sameystaan Israa’iil.

Warbaahinta Israa’iil ayaa la-yaab ku tilmaamtay in mas’uul ka tirsan Israa’iil uu madaxweyne Biden u raaci doono safarka uu ku tagayo Sucuudiga, halkaas oo uu madaxweynuhu kula kulmi doono madaxda Carabta

Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay degmada Wisil ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay soo gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa waxaa munaasabad ballaaran oo soo dhawayn ah loogu sameeyay degmada Wisil.

Madaxweynaha oo lahadlay shacabka degmada Wisil ayaa ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada Wisil oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Galmudug, sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen kooxaha argagixisada, sidoo kalana uga difaaceen deegaanada dariska la ah Galmudug.

Madaxweynaha ayaa xusay in goor dhow golaha deegaanka ee degmada Wisil iyo degmooyinka kale ee Galmudug la dhisi doono, isagoona ugu baaqay hay’adaha deeq bixiyayaasha iyo ganacsatada Galmudug in ay caawimaad deg deg ah lasoo gaaraan guud ahaan deegaanada Galmudug ee abaartu saameesay.

Guuddiga Abaaraha Degmada Xuddur oo deeq gargaar ah u qeybiyey Qoysaska ay Abaartu sameeysay

Xaaji Cabdinuur Daruuro oo ka mid ah ganacsatada koonfur galbeed soomaaliya ayaa ku deeqey gargaarkaan raashiinka ah oo guddiga abaaraha gobolka bakool gaarsiiyeen  shan boqol oo qoys oo ay ka soo xuleen kaamamka barakacayaasha magaalada xuddur.

Deeqda oo ka kooban Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid ayaa la gaarsiiyay qoysaska danta yare e ku jira kaamamka barakacayaasha degmada Xudur,iyadoon qoysaska la gaarsiiyay deeqda rashiinka ah ay u mahadceliyen ganacsadaha soomaaliyeed ee gar’gaarka soo gaarsiiyay iyo waliba guddiga abaaraha ee Gobolka Gedo

Guddoomiyaha degmada xuddur Maxamed Macalin Axmed iyo guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in dhibaata xooggan dhanka abaaraha ah ay ka jirto degaanka,isagoona Ha’adaha iyo cid walabo wax heysato ay gurmad la soo gaarto qoysaska ay abaartu sameeysay.

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ka sameeyay degaanno hoostaga Gobolka Gedo

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa howlgallo ka dhan ah Argagixsada AL-Shabaab ka sameeyay degaano hoostaga degmooyinka Dooloow iyo luuq ee Gobolkaasi Gedo

Howlgalka waxaa hoggaaminayay sarakiisha Ciidamada dowlada oo ay kamid ahayeenTaliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Gedo Gashaanle sare Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadan,Abaanduulaha guutada10-Aad qeybta 43-aad ee ciidmada xoogga Gashaanle dhexe Cismaan Cabdi Qorax iyo taliska Booliiska Gobolka Gedo ayaa waxa ay ciidmada sigaar ah howlgalka uga fuliyay inta u dhaxeysa degaanka Gedweyne iyo degmada Luuq gaar ahaan degaanka Shaataloow, halkaas oo dhowr jeer ay Argagixisada Al-Shabaab weeraro ka fuliyeen

Sarakiisha howlagalka hoggaamineysay waxa ay shegeen in inta uu howlgalka socday ay kula waregeen degaanno dhowr ah oo Maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dhibateen jireen Dadka Shacabka ah.

MADAXWEYNAHA JFS OO U KUUR-GALAY XAALADDA CIIDANKA SOOMAALIYEED EE TABABBARKA U JOOGA DALKA ERETERIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyadan oo si gaar ah loo tababbaray, waxa uuna u kuur-galay xaaladdooda nololeed, isagoona warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la hadlay ciidamada ayaa uga warbixiyey qorshaha dowladda ee sugidda amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo cadow ku ah horumarka iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soocelinta ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Ereteriya, isaga oo xusay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu farxayaan muuqooda halka ay cadawga argagaxisaduna ka naxayaan cududdooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa booqday goobo ku yaalla dalkaas oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kulan la qaadatay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka Ah ee Qaramada Midoobe

Ku-simaha Madaxweynaha Jamuuriyada Fadaraalka Soomaaliyed Ahna Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye ku Xigeenka 1aad Ee golaha Shacabka Marwo Sadia Yasin Samatar Ayaa kulan la qaadatay Kuxigeenka Wakiilka Gaarka Ah ee Qaramada Midoobe Marwo Kiki Gbeho.

Kulanka waxaa qeeyb ka Ahaa Xoghayaha Guud Ee golaha shacabka Abdikarim Buux iyo Habdhawraha golaha shacabka xil.Mohamed Abdulahi Hassan Nuux, waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo dardar gilin lahaa Arimaha hortabinta u leh golaha shacabka Gaar Ahaan Arimaha Haweenka Arimaha Xuquuqul insaanka iyo taakulaynta Shacabka Soomaaliyed ee Abaaruhu sameeyeen.

   

Madaxweynaha Srilanka oo oggolaaday in uu xilka baneeyo maalmaha soo socda

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa aqbalay inuu xilka ka dago , sida uu sheegay sarkaal sare, ka dib markii mudaaharaadayaashu ay xoog ku galeen xarunta madaxtooyada oo ay dab qabadsiiyeen guriga ra’iisul wasaaraha .

Afhayeenka baarlamaanka Mahinda Yapa Abeywardena ayaa hadal laga sii daayay warbaahinta ku sheegay in Rajapaksa uu aqbalay inuu iscasilo 13-ka bishaan Luulyo.

“Go’aanka xilka looga qaadayo madaxweynaha  13-kii Luulyo waxaa loo qaatay si loo xaqiijiyo in si nabad ah xukunka loola wareego,” ayuu yiri afhayeenku,wuxuuna ka codsaday shacabka inay ixtiraamaan sharciga oo ay ilaaliyaan nabadda.”

Warka ku saabsan go’aanka madaxweynaha ee iscasilaadda ayaa dhaliyay dabaal-degyo ka dhacay  qaybo ka mid ah caasimadda,Colombo.

Maalinimadii shalay boqolaal kun ayaa isugu soo baxay caasimadda Colombo, iyaga oo ugu baaqaya Mr Rajapaksa in uu iscasilo kadib mudaaharaadyo bilo ah oo ka dhashay maamul xumo dhaqaale.

Dhanka kale,Mareykanka ayaa ka codsaday madaxda Sri Lanka in ay si degdeg ah wax uga qabtaan xallinta dhibaatada dhaqaale ee ka jirta dalka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY MAGAALADA ASMARA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Garoonka Caalamiga ah ee Asmara waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo afar maalmood qaadanaysa ku tegay dalka Ereteriya, isaga oo wada-hadallo labo-geesood ah oo ku aaddan xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeellan doona dhiggiisa dalkaas.