Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ka sameeyay degaanno hoostaga Gobolka Gedo

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa howlgallo ka dhan ah Argagixsada AL-Shabaab ka sameeyay degaano hoostaga degmooyinka Dooloow iyo luuq ee Gobolkaasi Gedo

Howlgalka waxaa hoggaaminayay sarakiisha Ciidamada dowlada oo ay kamid ahayeenTaliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Gedo Gashaanle sare Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadan,Abaanduulaha guutada10-Aad qeybta 43-aad ee ciidmada xoogga Gashaanle dhexe Cismaan Cabdi Qorax iyo taliska Booliiska Gobolka Gedo ayaa waxa ay ciidmada sigaar ah howlgalka uga fuliyay inta u dhaxeysa degaanka Gedweyne iyo degmada Luuq gaar ahaan degaanka Shaataloow, halkaas oo dhowr jeer ay Argagixisada Al-Shabaab weeraro ka fuliyeen

Sarakiisha howlagalka hoggaamineysay waxa ay shegeen in inta uu howlgalka socday ay kula waregeen degaanno dhowr ah oo Maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dhibateen jireen Dadka Shacabka ah.