Madaxweynaha Srilanka oo oggolaaday in uu xilka baneeyo maalmaha soo socda

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa aqbalay inuu xilka ka dago , sida uu sheegay sarkaal sare, ka dib markii mudaaharaadayaashu ay xoog ku galeen xarunta madaxtooyada oo ay dab qabadsiiyeen guriga ra’iisul wasaaraha .

Afhayeenka baarlamaanka Mahinda Yapa Abeywardena ayaa hadal laga sii daayay warbaahinta ku sheegay in Rajapaksa uu aqbalay inuu iscasilo 13-ka bishaan Luulyo.

“Go’aanka xilka looga qaadayo madaxweynaha  13-kii Luulyo waxaa loo qaatay si loo xaqiijiyo in si nabad ah xukunka loola wareego,” ayuu yiri afhayeenku,wuxuuna ka codsaday shacabka inay ixtiraamaan sharciga oo ay ilaaliyaan nabadda.”

Warka ku saabsan go’aanka madaxweynaha ee iscasilaadda ayaa dhaliyay dabaal-degyo ka dhacay  qaybo ka mid ah caasimadda,Colombo.

Maalinimadii shalay boqolaal kun ayaa isugu soo baxay caasimadda Colombo, iyaga oo ugu baaqaya Mr Rajapaksa in uu iscasilo kadib mudaaharaadyo bilo ah oo ka dhashay maamul xumo dhaqaale.

Dhanka kale,Mareykanka ayaa ka codsaday madaxda Sri Lanka in ay si degdeg ah wax uga qabtaan xallinta dhibaatada dhaqaale ee ka jirta dalka.