Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay degmada Wisil ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay soo gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa waxaa munaasabad ballaaran oo soo dhawayn ah loogu sameeyay degmada Wisil.

Madaxweynaha oo lahadlay shacabka degmada Wisil ayaa ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada Wisil oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Galmudug, sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen kooxaha argagixisada, sidoo kalana uga difaaceen deegaanada dariska la ah Galmudug.

Madaxweynaha ayaa xusay in goor dhow golaha deegaanka ee degmada Wisil iyo degmooyinka kale ee Galmudug la dhisi doono, isagoona ugu baaqay hay’adaha deeq bixiyayaasha iyo ganacsatada Galmudug in ay caawimaad deg deg ah lasoo gaaraan guud ahaan deegaanada Galmudug ee abaartu saameesay.