MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN XOG-WARRAN AH LA QAATAY GUDDIGA WAALIDKA CIIDAMADA ERETERIYA TABABBARKA UGU MAQAN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Ereteriya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ugu tegay booqasho uu xaaladdooda ugu kuurgelayo.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababbarrada ay dalkaas u joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu mar kale waalidka u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibka qaran ee ay sida geesinnimada, dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh u qaadeen.

“Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda.  Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan.”

Dhinaca kale, waalidka ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.

                  

Guddiga Doorashoyinka Puntland oo hor tagay Baarlamaanka Puntland

Garoowe- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad goboleedka  Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shir guddoomiyey fadhiga 19-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor yimid Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ( TPEC) Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga, iyo Xoghayaha Guud ee TPEC Marwo Ubax Cabdullaahi Abshir.

Guddoomiyaha KMG ee TPEC ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha KMG ah TPEC wax ka weydiiyey arrimaha Doorashooyinka Puntland halka ay mareyso, hanaanka Dimuqraadiyada Puntland iyo hirgalinta Doorashooyinka Golayaasha deegaan ee 47 dagmo oo ka tirsan Puntland.

         

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan is xogwareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Agaasimayaasha Guud ku xog-wareeystay howlaha shaqo ay bulshada u ahyaan,isagoona faray dardar gelinta howlaha Qaranka.

  

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan is xogwareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Agaasimayaasha Guud ku xog-wareeystay howlaha shaqo ay bulshada u ahyaan,isagoona faray dardar gelinta howlaha Qaranka.

Madaxweynihii Sri Lanka oo dalkiisa ka cararay

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa diyaarad militari uga baxsaday dalkiisa, iyadoo ay socdaan bannaan baxyo waaweyn oo looga cabanayo xasaradda dhaqaale ee dalkaasi ka taagan.

Gotabaya, oo 73 jir ah ayaa sida la sheegay gaaray caasimadda Maldives, ee Male, abbaaro 03:00 xilliga dalkaas, sida ay xogta ku heshay warbaahinta.

Ergeyga Madaxweynaha JFS ee arrimaha gurmadka abaaraha oo kulan la qaatay Danjiraha Hindiya u fadhiya dalalka soomaaliya iyo Kenya

Ergeyga DFS u qaabilsan gurmadka abaaraha iyo arrimaha bini’aadminimoda Cabdiraxman Cabdishakur warsame yaa kulan la qaatay Danjiraha HIndia u fadhiya dalalka soomaaliya iyo Kenya Dr Virander Paul.

Ergayga iyo Danjiraha ayaa qaatay wadahadal qoto dheer oo ku aadan xiriirka soo jireenka ah ee dowladaha Soomaliya iyo India iyo sidii mar labaad ay Hindiya xiriir maalgashi ula sameyn lahayd Somalia. Ergayga oo si gaar ah diiradda u saaraayay arrimaha abaaraha ayaa xusay kaalinta cunna yarida adduunka ka jjirta iyo sicir bararku ku leeyihiin abaaraha, isaga oo arrinkaas ka duulayana waxa uu kala hadley Danjiraha in dowladda Hindiya ku gacan siiso Soomaaliya dhimista qiimaha raashinka Soomaaliya kasoo dhoofsato Hindiya, gaar ahaan bariiska iyo sokorta.

Wuxuu kaloo Ergeygu kala hadlay Safiirka in Hindiya codkeeda ugu qareento Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan G20, sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen. Safiirka ayaa soo dhoweeyay kana balanqaaday Ergayga in India ay mar walba garab istaagi doonto Somalia ayna ku dedaali doonaan garab istaaga Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha.

 

Ergeyga Madaxweynaha ee arrimaha gurmadka abaaraha oo kulan la yeeshay ergeyga Bini’aadanimada ee UK

Nairobi- Xubno ka socda dowladda Ingiriiska  oo uu hoggaaminaayay Nick Dyer oo ah Ergeyga gaarka ah ee boqortooyada Uk u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada iyo macluusha ayaa kala hadley ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Cabdiraxman Cabdishakur Warsame howlaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Ergeyga Madaxweynaha DFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha iyo bini’aadannimoda ayaa Dowladda UK iyo Xafiiskooda Arrimaha bini’aadannimoda uga mahadceliyay garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo dadkeenna tabaaleysan.

Waxaa intaas kadib labada dhinac iska wareysteen howlaha socda, ballamadii hore waxa ka qabsoomay iyo waxyaalaha hadda la iska kaashan karo.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha gurmadka ben’ iaadanimada Cabdiraxmaan oo bogaadinaya garab istaagga boqortooyada Uk ayaa ugu dambeyntii tilmaamay wax ku oolnimoda u qareemidda arrimaha abaaraha Soomaaliya oo ay boqortooyada UK iyo hayadaheedu iska xilqaameen iyo sida mudnaan u leedahay in lasii joogteeyo.

        

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle

JOWHAR- Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta dul istaagay hadal qoraalkii ka soo baxay shirkii hore ee golaha, waxaana uu faray Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka in si deg deg ah uu ku soo diyaariyo dukumentari cadeynayo baaxada abaarta jirta ee saameysay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha ayaa warbixinta guud ee howlaha amniga ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, waxaana uu faray diyaarinta dugsiga tababarada ciidanka si loo dardargaliyo tababarada ciidamada booliiska iyo daraawiishta Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqooyinka adag ee ay hayaan Golaha Xukuumada Hirshabeelle.

         

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya

Kismaayo- Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland  Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku timid Jubaland.

Kulanka looga hadlay taageerada  Dowlada Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, nabadgalyada iyo sidii Dowlada Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic horumarineed iyo taageero dhinacayada kala duwan ah oo ay ka fulin doonto Jubaland.

  

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH IYO DHIGGIISA DALKA ERETERIYA OO HESHIIS IS-AFGARAD KALA SAXIIXDAY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo qaadatay afar maalmood ku joogay waddanka Ereteriya ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Booqashada Madaxweynaha ayaa salka ku haysay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo u kuur-galidda xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Labada Madaxweyne ayaa gunaanadkii booqashada kala saxiixday heshiis is af-garad oo taabanaya dhinacyo kala duwan. Qodobbada heshiiska is af-garad ee ay labada dowladood kala saxiixdeen ayaa ka kooban qodobbada hoos ku xusan:

1- Adkaynta xiriirka labada shacab oo ay ku jiraan qurbajoogta labada dal.

2- Xoojinta wada-shaqaynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo, loona horumariyo danaha labada qaran.

3-Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

4- Sare u qaadidda iskaashiga dhinaca dhaqanka, suugaanta, ciyaaraha iyo sayniska.

5- Adkaynta wada-shaqaynta ilaalinta iyo horumarinta deegaanka iyo wax ka qababashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.

6- Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.

7- In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta iskaashi, isdhexgal dhaqaale iyo xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan dalalka Geeska Afrika.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa intii uu joogay dalka Ereteriya waxa uu booqday xeryaha ay tababbarrada ku qaataan ciidamada kala duwan ee dalkaas jooga, isaga oo ugu dambayntiina booqday magaalada Massawa oo ay tababbar u joogaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada ku bogaadiyey tababbarrada adag ee ay qaateen isaga oo sidoo kalena uga warbixiyay ahmiyadda iyo mudnaanta ay dowladdu siinayso xorreynta dhulalka ay argagaxisadu haystaan iyo doorka la filayo in ciidamadani ka qaataan sugidda amniga guud ee dalka.