Guddiga Doorashoyinka Puntland oo hor tagay Baarlamaanka Puntland

Garoowe- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad goboleedka  Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shir guddoomiyey fadhiga 19-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor yimid Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ( TPEC) Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga, iyo Xoghayaha Guud ee TPEC Marwo Ubax Cabdullaahi Abshir.

Guddoomiyaha KMG ee TPEC ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha KMG ah TPEC wax ka weydiiyey arrimaha Doorashooyinka Puntland halka ay mareyso, hanaanka Dimuqraadiyada Puntland iyo hirgalinta Doorashooyinka Golayaasha deegaan ee 47 dagmo oo ka tirsan Puntland.