Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle

JOWHAR- Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta dul istaagay hadal qoraalkii ka soo baxay shirkii hore ee golaha, waxaana uu faray Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka in si deg deg ah uu ku soo diyaariyo dukumentari cadeynayo baaxada abaarta jirta ee saameysay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha ayaa warbixinta guud ee howlaha amniga ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, waxaana uu faray diyaarinta dugsiga tababarada ciidanka si loo dardargaliyo tababarada ciidamada booliiska iyo daraawiishta Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqooyinka adag ee ay hayaan Golaha Xukuumada Hirshabeelle.