Madaxweynihii Sri Lanka oo dalkiisa ka cararay

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa diyaarad militari uga baxsaday dalkiisa, iyadoo ay socdaan bannaan baxyo waaweyn oo looga cabanayo xasaradda dhaqaale ee dalkaasi ka taagan.

Gotabaya, oo 73 jir ah ayaa sida la sheegay gaaray caasimadda Maldives, ee Male, abbaaro 03:00 xilliga dalkaas, sida ay xogta ku heshay warbaahinta.