Agaasimaha guud ee warfaafinta oo u tacsiyeeyay qoyskii ay ka geeriyootay marxuumad Hodan Aw-Daahir Af-qarashe

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tacsi u diray guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha aqalka sare senator Cabdulaahi Cali Xirsi timacadde oo hooyadii Hodan Aw-Daahir Af-qarashe ay ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Agaasimaha guud ,waxa uu Marxuumadda ilaah uga baryay in uu janadii fardowsa ka waraabiyo, eheladii ay ka tagtayna ,waxa uu faray samir iyo iimaan .

Sidoo kale,agaasimaha guud,waxa uu tacsi u diray qoyska  Reer Daahir Afqarshe ee ay ka dhimatay Hodan Aw-Daahir Af-qarashe .

Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo ka qeyb shir loogu qareemayo dadka Abaartu saameysay ee Ku nool Puntland

Garoowe- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha ayaa ka caawa magaalada Garoowe uga qaybgalaya Shirweynaha Gurmadka Abaaraha, oo ah shir loogu qareemayo dadka abaartu ay halakeysay ee ku sugan deeganada Puntland.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalaya Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdillaahi Deni, Madaxweynaha Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash), Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland, Wasiirro, Xildhibaanno, Hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgala Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
 

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo safar shaqo ku tagey Puntland

Ergeyga Madaxweynaha JFS Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo barqadii saakay kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Garowe ayaa waxaa halkaa kusoo dhoweeyay xubno isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno.
Wafdiga Ergeyga ayaa ku horreeyay aqalka Madaxtooyada Puntland halkaas oo ay fadhi kooban oo salaan iyo soo dhoweyn ah kula yeesheen Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyada oo intaas kadibna kulan horudhac ah la qaatey guddiga gurmadka Abaaraha ee Puntland.
Ergeyga ayaa ka qaybgelaya shir wayne loogu qareemayo gurmadka abaaraha ee Puntland. Wuxuu kaloo dhaqdhaqaaqyo isugu jira kulamo xog isweydaarsi ah iyo kormeer ah ku kala tegi doona meelo kala duwan oo Puntalnd ah.
     

Axmed Madoobe oo shir Guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay shirka golaha Wasiirada maamulkaas oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horay Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay natiijada iyo habka loo maray imtaxaanka agaasimayaasha guud ee qaar kamid ah wasaaradaha Dowlad Goboleedka ee dhawaan la qaaday isagoo tilmaamay in sababta shirkad ajinabi ah loogu doortay qaadista imtaxaanka tahay sidii looga fogaan lahaa eex iyo nin jeclaysi isla markana hogaaminta Cusub ee wasaaradahu ay u noqon lahayeen kuwo aqoon ahaan iyo karti ahaanba kasoo bixi kara waajibaadka saaran.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shaqo abuurka dhalinyarada isagoo xusay in la joogtayn doono isla markana ahmiyad gaar ah la siin doono shaqo abuurka dhalinyarada si ayna ugu dhicin falal danbiyeedyo loogana faa’iidaysanin waxyaabo naftooda khatar ku ah sida tahriibka.

Dhinaca kale Wasaaradda amniga ayaa laga dhagaystay warbixinta amniga Jubbaland ee todobaadkii tagay iyadoo Wasaaraddu ay ka warbixisay shaqooyinka u danbeeyay ee Wasaaradda iyo hay’adaha amniga ay qabteen.

Sidoo kale Wasaarada maaliyada ayaa ka warbixisay qorshaha Wasaarada ee sanadka 2022/2023 ee hormarinta dakhliga guud ee Jubaland iyadoo la raacayo tijaabooyinkii u danbeeyay iyo khibradaha laga dhaxlay.

  

Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska R/Wasaaraha oo Xillka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdii Barre ayaa Farxaan Jimcaale 3 dii bishaan u magacaabay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, ee xafiiskiisa.

Madasha xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW Mudane Maxamed Abuukar Subeer iyo Howl Wadeennada Xafiiska Warbaahinta.

  

Duqa Muqdisho oo booqday qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda ee uu roobku biyo dhigay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday qaar kamid Wadooyinka Caasimadda oo uu biyaha dhigay Roobkii da’ay 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa goobihii uu booqday waxaa ka socotay shaqa balaaran oo ay howl wadeenada Dowlada Hoose Ee Xamar biyaha uga saarayeen Wadooyinka Muqdisho si Shacabka loogu fududeeyo  isku socodka gaadiidka iyo bulshada.

Goobaha uu kormeeray Gudoomiyaha waxaa kamid ahaa.

1- Wadada hormarta dugsiga tababarka Ciidanka boliiska Soomaaliyeed ee School Police.

2-wadada 21-October

3-Warta KM-4 ee degmada Waabari

4- Waddada Buula Xubeey ee degmada Wadajir

Gudoomiye Cumar Filish ayaa maamullada degmooyinka gobolka Banaadir  faray in olola xooggan oo nadaafadda iyo bilicda lagu soo celinayo laga qabto Wadooyinka Caasimadda, waxa uu sidoo kale ugu baaqay bulshada in ay garab istaagaan howl wadeenada Dowlada hoose Xamar.

      

Madaxweyne Rajapaksa oo ka dhoofay Maldives kuna wajahan Singapore

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa ka dhoofay Maldives isagoo raacay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Sacuudiga oo ku sii jeeday Singapore.

Madaxweynaha ayaa u qaxay Maldives maalin ka hor xilli ay dalka Srilanka ay ka dhaceen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dhibaatada dhaqaale ee Sri Lanka.

Ma cadda in Mr Rajapaksa uu sii joogi doono Singapore iyo in uu u isticmaali doono meel ka baxsan.

Waxa uu hore u ballan qaaday in uu xilka iska casili doono maalinimadii Arbacada ee la soo dhaafay. balse waxa uu ku guul daraystay in uu si rasmi ah u gudbiyo iscasilaadiisa ilaa hadda.

Tallaabadani,ayaa ku soo beegantay iyadoo ku-simaha madaxweynaha Ranil Wickremesinghe uu soo rogay bandow maalintii labaad ,laakiin go’aanka ayaa dhaliyay mudaaharaadyo kale oo lagu dalbanayo inuu iscasilo.

Dhinaca kale,hal qof ayaa ku dhintay 84 kalena waa ay ku dhaawacmeen dibad-baxyadii Arbacadii, kuwaasoo ka dhacay goobo muhiim ah oo ku yaalla agagaarka caasimadda Colombo, oo uu ku jiro xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka XFS oo maanta gargaar ah raashin ah gaarsiisay magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka XFS ayaa maanta gargaar ah raashin ah u dirtay magaaladda Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Diyaarad sida gargaarkaan ayaa saakay ka duushay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayada oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee deegaan doorashoodu tahay gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay, wasiirkii hore ee amniga xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir iyo xildhibaan Cabdinaasir Shirwac.

Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarkaan loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolka hiiraan

Ciidanka Xoogga oo xalay jab Xooggan gaarsiiyey kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab

Ururka 83-aad, guutada 14October ee Xoogga dalka ayaa deegaanka Janaale Xalay jab xooggan ku gaarsiiyay kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab oo isku dayday in ay soo weerarto deegaanka.

Meydka dhagarqabe qeyb ka ah kuwa badan oo Caawa ku jabay Janaale ayay saraakiisha Xoogga ee deegaankaas soo bandhigeen, waxaa weli meelaha howdka ah ka socda baaritaano la xiriira hadii ay jiraan meydad iyo dhaawacyo Argagixisada ah maadaama Cadawga uu la kulmay khasaare xooggan.

Xogta Argagixisada oo la sii ogaa ayaa suuragalisay inay Geesiyaasha Xoogga ka hortagaan damaca Nabad-diidka oo sidoo kale Meydad iyo dhaawacyo badan oo Janaale ku jabay Caawa geeyay deegaanka Mushaani sida uu SNA RADIO u xaqiijiyay taliyaha ururka 83-aad ee October Gaashaanle Nuuradiin Xuseen.

Dalka Sri lanka oo lagu soo rogay Bandow

COLOMBO, SRI LANKA - JULY 13: Protestors wave flags and chant slogans after taking control of the Prime Ministers office compound during a protest seeking the ouster of Sri Lanka's Prime Minister Ranil Wickremesinghe amidst the ongoing economic crisis on July 13, 2022 in Colombo, Sri Lanka. President Gotabaya Rajapaksa has fled the country to Male while the Prime Minister Ranil Wickremesinghe has been appointed acting president, according to the parliament's speaker. (Photo by Abhishek Chinnappa/Getty Images)

Sri Lanka ayaa soo rogtay bandow dalka oo dhan ah iyadoo ay socdaan mudaaharaadyo

Shacabka Dalka sri lanka ayaa lagu soo rogay bandoo ka dib markii iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada ammaanka iyo dad gadoodsan oo ku sugnaa agagaarka baarlamaanka, iyadoo dhowr qof ay ku dhaawacmeen labada dhinac, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha.

Dadweyne Gadoodsan ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii dalkaas isagoo u baxsaday Jaziradda Maldives,Iyadoo ay weli sii socdaan mudaaharaadyo ballaaran oo ka dhashay dhibaato dhaqaale oo sii xumaaneysa.