SAFARADA TURKIGA EE MUQDISHO AYAA LAGU XUSAYAA AFGAMBIGII DHICISOWBAY EE KA DHACAY DALKA TURKEY.

Safaaradda turkigu ku leeyahay Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga xusayaa maalintii uu dhicisoobay Afganbigii lala damacsanaa dowladda wadanka Turkiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Rajib Dayib Erdogaan ee dhacay 15 Julay 2016.

Safaaradda oo ay ka socoto xuska maalin taas ayaa waxaa Goobjoog ah Masuuliyiin ka tirsan dowladda Fadraalka ah ee Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan  Xildhibaano, Senotrs, Wasiiro iyo Diblomaasiyiin Soomaali ah iyo Sidookale Safiiradda Wadamadda caalamka u fadhiya Soomaaliya qaar ka mid ah oo ay Safaaradu ku Casuuntay.

Duqa Muqdisho oo kormeeray goobo ay ka socdaan howlo dayactir ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah Waddooyinka Caasimadda oo ay ka socdaan howla dib loogu abuuraya gooba Biya-mareeno ah oo loogu talagalay in ay si toos ah ugu shubaan Badda.

Waddooyinka uu guddoomiyaha kormeeray waxaa ka mid ah Waddada Buundooyinka, Wadada hormarta Xarunta taliska qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidan boliiska Soomaaliyeed , Warta KM-4  iyo waddada Buula Xuubeey oo ay dhammaantood ka socdaan howlo dayactir ah iyo howlo qaarkood biyaha looga qaadayo.

Tallaabadan ayaa ayaa looga goleeyahay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ay biyaha roobka u geystaan isku socodka caadimadda iyo Bilicda.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka oo ka tacsiyeeysay geerida Amb: Nuur Sheikh Hamid

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtey qoyska, qaraabada,bahda wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ambassador Nuur Sheikh Hamid.

Guddoomiye Sacdiyo Yasin Samatar ayaa tilmaamtay in marxuumku Alle ha unaxariistee uu kaalin weyn ka soo qaatey dhismaha dowladnimada, waxaana uu  ka soo shaqeeyey safaarado kala duwan.

Ugu danbeyntii, Guddoomiyaha ayaa Eebe uga barisay in uu janadiisa fardowsa ka waraabiyo, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed samir iyo iimaanna ka siiyo.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho rasmi ah uu ku tagay dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay dalka aan dariska nahay ee Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo dhiggiisa Kenya oo yeeshay wadahadallo guul ku soo dhammaaday ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diirradda saaraya xoojinta  xiriirka iyo iskaashiga uu dalkeennu la leeyahay dalalka Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda iyo danaha isku dhafan ay wadaagan waddamada Gobolka, gaar ahaan  dhinacyada adkeynta xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha abaaraha oo kulan muhiim ah uga qeyb galay Garowe

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan arrimaha bini-aadanimada iyo gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada Garowe uga qeyb galay kulan looga hadlayay sida xal waara loogu heli karo biyo yarida, abaaraha iyo fatahaadaha ka jira dalka, kaas oo lagu qabtay Jaamacadda Puntland State University ( PSU).

Caqabadahaan biyo yarida, abaaraha iyo fatahaadaha ayaa kor u qaadaya mushkiladaha ka dhasha is-baddelka Cimilada, waana in muhiimad gaar ah la siiyo waxyaabaha noloshu ay ku xiran tahay ee biyaha, xoolaha, beeraha, kalluumeysiga iyo tamarta.

“Xasillooni la’aanta siyaasadeed iyo amni xumada jirta ayaa naga mashquulisay wax ka qabashada biyo yarida, hormarinta beeraha, kor u qaadidda kalluumeysiga iyo waxa cuntada la xiriira ee dadkeenna muhiimka u ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kulanka hadal kooban ka jeediyay.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay mudnaanta ay leedahay in loo guntado sidii mudnaan gaar ahna la siin lahaa wax-ka-qabashada baadka iyo biyaha oo aas-aasiyaad aan laga maarmi Karin u ah nolosha xilligaana aad loogu baahan yahay.

Galmudug oo qaaday tallaabo looga hortagayo xaalufinta dhirta

Wasaradda deegaanka, isbadalka Cimilada iyo horumarinta reer miyiga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku baaqday in la joojiyo dabar-goynta aan kala joogsiga laheyn ee laga wado deegaanadii hore qaniga ugu ahaa keymaha, kuwaas oo dhirta laga guro loo badalo dhuxul ganacsi ahaan loogu qaado meelo ka baxsan deegaanka.

Olol oo ah deegaan Dhuusamareeb ujira dhowr iyo konton KM ayaa ka mid ah dhulka ku tilmaaman dhirta harka leh ee qarniyo badan jirsatey, waxaana ku socda xaalufin oo ay wadaan rag dhaqaale raadis ah, waxayna odayaasha deegaanka kala shireen sidii loo arrintaan loo joojin lahaa.

Daahir Cusmaan Nuur, agaasimaha waaxda qorsheynta ee Wasaradda Deegaanka Galmudug oo muujiyey dareenka wasaraddoodu qabto, ayaa sheegay in juhdi kasta ay ku bixinayaan sidii loo badbaadin lahaa dhirta iyo duur-joogta haatan badqabta, iyadoo lala kaashanayo bulshada oo iminka wacyigelintoodu socoto.

Baraaruga dadka reer miyiga ah oo ku kala baaxad weyn xaddiga ilaalinta deegaanka ayaa meelaha qaar ka dhigey kuwo ka bad-qaba nabaad guurinta oo ay ka sameysteen xeerar ay fulintooda la kaashadaan laamaha ammaanka.

Ciidamada Israa’iil oo duqeeyay marinka Gaza

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeymo ka geeystay subaxnimadii hore ee saakay qeybo kamid ah maga marinka Qaza, kadib markii ay shegeen inay ogaadeen in goobaha ay duqeyeen laga soo tuuray labo Gantaal.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen goob ku yaallo Qaza, oo ay ku sugnaayeen dhaq dhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas.

Goob joogayaal ku sugan Qaza ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo waaweyn oo ka dhacay qeybo kamid ah magaalada, kuwaasi oo aan la la sheegin waxyeelada ay geysteen.

Geesta kale, afhayeen u hadlay dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta Xamaas ayaa sheegay in duqaynta ciidanka Yahuudda ay ka geeysteen marinka Gaza uu ka mid yahay dambiyada argagixisanimo ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Soomaaliya oo xoojineysa xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika iyo caalamka intiisa kale

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ahna Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia uga qeyb galay shirka 41-aad ee caadiga ah oo ay bartamaha sanad kasta isugu yimaadaan golaha fulinta Midowga Africa.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan ayaa shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo taabanaysa, isagoo sheegay in Soomaaliya ay horumaro badan ka samaysay dhinacyada dawladnimada, amniga iyo dhaqaalaha isla markaana ay sii xoojisay xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Sidoo kale, wasiirka ayaa dalalka Afrika ee shirka ka soo qeyb galay la wadaagay halka ay mareyso xaalada kala guurka ee ciidama ATMIS iyo meel marinta qorshaha socda ee qeexaya in ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay la wareegaan amniga guud ee Soomaaliya.

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan  ayaa golaha fulinta ee Midowga Afrika ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka taas oo caqabad ku noqoneysa meel marinta la wareegista amniga ee ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Shirka oo soo idlaaday ayaa waxaa sidoo kale, ka qayb galay danjiraha Dawladda Soomaaliya u jooga dalka Zambia Amb. Xaawo Xasan Maxamed, Uqaybsanaha Safaaraadda JFS Addis Ababa Ethiopia ee Midowga Africa mudane Shaafici Nuur Calas Faarax iyo la taliyaha koowaad ee Safaaradda JFS ee Zambia mudane Yaasiin Cabdi Seed.

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalalka Zambia iyo Gambia

Sii hayaha Wasiirka, ahna Wasiir Dawlaha Wasaaradda Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Balal Mohamed Cusman iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Is-dhexgalka Gobolka ee u qaabilsan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Jamhuuriyada Ghana, Mudane Kwaku Ampratwum-Sarpong ayaa kulan ku yeeshey magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada wadan.

Dhinaca kale, wasiir Balal ayaa la kulmay dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jamhuuriyadda Gambia Dr. Mamadou Tangram,  kulankaan ayaa isna ka dhacay magaalada Lusaka ee dalkaas Zambia.

Kulankaa labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii uu soo idlaaday shirka 41-aad ee caadiga ah oo ay bartamaha sanad kasta isku arkaan golaha fulinta Midowga Africa, kaasi oo sanadkan ka furmay caasimadda Lusaka ee dalka Zambia, waxaana Soomaaliya uga qayb galay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBA-BAXAY DALKA KENYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaas iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa saaka u amba-baxay Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya ka dib casuumaad uu ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, adkeynaysana xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.