Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka oo ka tacsiyeeysay geerida Amb: Nuur Sheikh Hamid

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtey qoyska, qaraabada,bahda wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ambassador Nuur Sheikh Hamid.

Guddoomiye Sacdiyo Yasin Samatar ayaa tilmaamtay in marxuumku Alle ha unaxariistee uu kaalin weyn ka soo qaatey dhismaha dowladnimada, waxaana uu  ka soo shaqeeyey safaarado kala duwan.

Ugu danbeyntii, Guddoomiyaha ayaa Eebe uga barisay in uu janadiisa fardowsa ka waraabiyo, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed samir iyo iimaanna ka siiyo.