Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha abaaraha oo kulan muhiim ah uga qeyb galay Garowe

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan arrimaha bini-aadanimada iyo gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada Garowe uga qeyb galay kulan looga hadlayay sida xal waara loogu heli karo biyo yarida, abaaraha iyo fatahaadaha ka jira dalka, kaas oo lagu qabtay Jaamacadda Puntland State University ( PSU).

Caqabadahaan biyo yarida, abaaraha iyo fatahaadaha ayaa kor u qaadaya mushkiladaha ka dhasha is-baddelka Cimilada, waana in muhiimad gaar ah la siiyo waxyaabaha noloshu ay ku xiran tahay ee biyaha, xoolaha, beeraha, kalluumeysiga iyo tamarta.

“Xasillooni la’aanta siyaasadeed iyo amni xumada jirta ayaa naga mashquulisay wax ka qabashada biyo yarida, hormarinta beeraha, kor u qaadidda kalluumeysiga iyo waxa cuntada la xiriira ee dadkeenna muhiimka u ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kulanka hadal kooban ka jeediyay.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay mudnaanta ay leedahay in loo guntado sidii mudnaan gaar ahna la siin lahaa wax-ka-qabashada baadka iyo biyaha oo aas-aasiyaad aan laga maarmi Karin u ah nolosha xilligaana aad loogu baahan yahay.