Galmudug oo qaaday tallaabo looga hortagayo xaalufinta dhirta

Wasaradda deegaanka, isbadalka Cimilada iyo horumarinta reer miyiga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku baaqday in la joojiyo dabar-goynta aan kala joogsiga laheyn ee laga wado deegaanadii hore qaniga ugu ahaa keymaha, kuwaas oo dhirta laga guro loo badalo dhuxul ganacsi ahaan loogu qaado meelo ka baxsan deegaanka.

Olol oo ah deegaan Dhuusamareeb ujira dhowr iyo konton KM ayaa ka mid ah dhulka ku tilmaaman dhirta harka leh ee qarniyo badan jirsatey, waxaana ku socda xaalufin oo ay wadaan rag dhaqaale raadis ah, waxayna odayaasha deegaanka kala shireen sidii loo arrintaan loo joojin lahaa.

Daahir Cusmaan Nuur, agaasimaha waaxda qorsheynta ee Wasaradda Deegaanka Galmudug oo muujiyey dareenka wasaraddoodu qabto, ayaa sheegay in juhdi kasta ay ku bixinayaan sidii loo badbaadin lahaa dhirta iyo duur-joogta haatan badqabta, iyadoo lala kaashanayo bulshada oo iminka wacyigelintoodu socoto.

Baraaruga dadka reer miyiga ah oo ku kala baaxad weyn xaddiga ilaalinta deegaanka ayaa meelaha qaar ka dhigey kuwo ka bad-qaba nabaad guurinta oo ay ka sameysteen xeerar ay fulintooda la kaashadaan laamaha ammaanka.