Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre oo cambaareeyay qarax argagixisada ay ka geysteen Jowhar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka magaalada Jowhar, gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa maanta ka dhacay magaalada.

Ra’iisul Wasaare, Xamse ayaa telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo xog ka siiyay xaaladda iyo goobta qaraxu ka dhacay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballanqaaday in uu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka gobolka, gacanna ay ku siin doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Ra’iisal wasaaraha JFS oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre oo ay ka wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta,isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka.

Faah faahino laga helayo qarax ka dhacay magaalada Jowhar

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahiyay Khasaaraha ka dhashay Weerar fuleynimo ah oo ay kooxda Argagixisada ah ee Al shabaab ku qaadeen Hotel ku yaalla Magaaladda Jowhar.

Afhayeenka ayaa sheegay in qaraxa uu sababay dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo deganaa hotelka la weeraray, sidoo kale, waxaa bur buray xeydaabka dhismaha Hotelka, wuxuuna meesha ka saaray in ay jiraan khasaaro dhimasho oo qaraxa ka dhashay.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa lagula tacaalayaa cisbitaalka magaalada Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo guddoomay Billad Sharafta ugu sarreysa ee ay Dowladda Jabuuti bixiso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa xalay ka qeybgalay casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Jabuuti oo uu ku maamuusay Madaxweynaha dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intii ay socotay casho sharafta waxaa uu billad sharafta ugu sarreysa ee ay bixiso Dowladda Jabuuti guddoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku mutaystay kaalintiisa xoojinta xiriirka facawayn ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxwaynaha iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti billad sharafta la guddoonsiiyay iyo martiqaadka heerka sare ah ee loo fidiyay, waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay billow wanaagsan u tahay sidii loo hormarin lahaa xiriirka qotodadheer ee labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhexeeya labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo guddoomay Billad Sharafta ugu sarreysa ee ay Dowladda Jabuuti bixiso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa xalay ka qeybgalay casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Jabuuti oo uu ku maamuusay Madaxweynaha dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intii ay socotay casho sharafta waxaa uu billad sharafta ugu sarreysa ee ay bixiso Dowladda Jabuuti guddoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku mutaystay kaalintiisa xoojinta xiriirka facawayn ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxwaynaha iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti billad sharafta la guddoonsiiyay iyo martiqaadka heerka sare ah ee loo fidiyay, waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay billow wanaagsan u tahay sidii loo hormarin lahaa xiriirka qotodadheer ee labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhexeeya labada shacab.

                

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay waddanka Türkiye 15-kii July 2016 — taasi oo ku suntanayd maalinta ilaalinta midnimada iyo dimoqraadiyadda Turkiga.

Tn iyo markii uu Afgenbigaa dhicisoobay, dowladda Turkiga ayaa maalinkaa u asteysay maalinta midnimada Shacabka Turkiga, waxa ayna qabataa dabaaldegyo lagu xusayo sidii Geesinimada lahayd ee ay Shacabka dalkaasi uga hortageen laalidda Dimuquraaddiyadda wadankooda.

        

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaas iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli International Airport ee magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay bilow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Jabuuti waxa uu kulan la qaadan doonaa walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo hadal ka jeedin doona Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, si uu uga xog warramo xaaladda dalkeenna iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.
            

Ra’iisul wasaaraha Dalka oo qaabilay safiirada UK iyo Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya, Kate Foster oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday dardar-galinta barnaamijyadda horumarineed ee dowladda Britain ka tageerto Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan sida gargaarka iyo amniga.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre oo qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya, Fei Shengchoa ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.
 

Guddoomiyaha Gollaha Shacabka oo kullan la qaatay dhigiisa Jaamacadda Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Adan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta mudane Abdel bin Abdulrahman Al-Assumi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la wadaagay dalalka Carabta iyo hay’adaha deeqaha bixiya ee caalamiga ah inay Soomaaliya ku garab istaagaan sidii ay uga bixi lahayd dhibaatada abaareed ee ka jirta dalka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta mudane Adel bin Abdulrahman Al-Assumi, oo asagana dhankiisa ka codsaday dalalka Carabta in ay gacan ka geystaan ​​sidii Shacabka Soomaaliyeed looga taageeri lahaa abaaraha ka jira degaanada Soomaaliyeed oo sanadkii saddexaad xiriir ah abaaro daba dheeraadey jiraan.
Guddoomiyaha Barlaamanka Carabta ayaa soo hadal qaaday mowqifkooda adag ee Baarlamaanka Carabta ee ku aaddan in Soomaaliya ay si buuxda u garab istaagaan marxaladaha xasaasiga ah ee ay ku jirto ka hortagga abaaraha, dadaallada dib lagu yagleelayo amniga iyo xasiloonida iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka, si uu uga gudbo caqabadaha dhan walba leh.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Fiona Lortan iyo saraakiil ka tirsan hawlgalka ATMIS.

Masuuliyiinta Midowga Afrika ayaa xog ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlgalka ciidamada ATMIS iyo wakhtiga kala guurka oo loo dejiyay in ay ciidanka Soomaaliyeed guud ahaan la wareegaan amniga dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddiisu ka shaqeyn doonto xasilooni siyaasadeed iyo mid amniba, isla markaana ay ahmiyadda koowaad, labaad iyo saddexaadba ay siineyso amniga iyo sidii waddanka nabad looga dhigi lahaa.