Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Mohamed-Rashid Ibrahim Yuusuf, ayaa kala hadlay adkaynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xiliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, isla markaana ay xukuumaddiisu sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka labada dal, isagoo uga mahadceliyey taageeradooda walaaltinimo

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal oo xilalkii u kala wareejiyay taliyihii hore ee saldhiga iyo midka cusub ee saldhigaas

Garowe- Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/le Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) ayaa xilalkii u kala wareejiyay taliyihii hore ee saldhiga bartamaha Garowe iyo taliyaha cusub ee saldhiga Dhame Mahad Axmed Maxamuud

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa taliyaha cusub ee Saldhiga bartamaha Garowe faray inuu si wanagsan oo hufnaan ku dheehan bulshada ugu shaqeyo

Taliyaha qaybta Nugaal G/sare Xussen Cali ayaa sido kale taliyihii hore ee Saldhiga bartamaha G/le Fardafuul ku amaanay shaqadii adkayd uu soo qabtay iyo siduu bulshada ula shaqeyay.

Ciidamada Xoogga Dalka oo gobolka Jubbada hoose ku dilay Horjogayaal katirsan Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab XDS Gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab ayaa Hawlgal Qorshaysan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ka sameeyey degaanka labakuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Degaankan ayey Aragagixisadu ku lahayeen bar kontarool oo ay lacag baad ah uga qaadan jireen shacabka & gadiidka mara degankan waxana sidoo kale goobta ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeedhan sakawad oo dhaca xooloha shacabka Somaliyeed.

Hawlgalkan ayaa intii u socday waxa lagu dilay 5 dhagar qabe oo uu ka mid yahay Horjoogihii Argagixisada u qaabilsana sanaa dhinaca maaliyada ee degaankan oo magaciisa lagu soo koobay ismaciil halka lagu soo qabtay mid ka mida Argagixisada isla markaana waxa laga soo qaatay hubkii ay isticmaalayeen oo kala ah 4 qori oo nooca Ak47 iyo Hal qori oo BKM ah, Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida U Xaqiijiyey Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab.

Ciidamada Xoogga Dalka oo gobolka Jubbada hoose ku dilay Horjogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab XDS Gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab ayaa Hawlgal Qorshaysan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ka sameeyey degaanka labakuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Degaankan ayey Aragagixisadu ku lahayeen bar kontarool oo ay lacag baad ah uga qaadan jireen shacabka & gadiidka mara degankan waxana sidoo kale goobta ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeedhan sakawad oo dhaca xooloha shacabka Somaliyeed.

Hawlgalkan ayaa intii u socday waxa lagu dilay 5 dhagar qabe oo uu ka mid yahay Horjoogihii Argagixisada u qaabilsana sanaa dhinaca maaliyada ee degaankan oo magaciisa lagu soo koobay ismaciil halka lagu soo qabtay mid ka mida Argagixisada isla markaana waxa laga soo qaatay hubkii ay isticmaalayeen oo kala ah 4 qori oo nooca Ak47 iyo Hal qori oo BKM ah, Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida U Xaqiijiyey Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab.

 

    

Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga ee Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay shirka Golaha Amniga ee Dowladda Galmudug, kaas oo ka qabsoomay Aqalka madaxtooyada Galmudug.

Shirkan oo lagu lafa gurayay amniga deegaanada Galmudug ayaa daba socda safar dhawaan uu madaxweynaha Galmudug ku tagay deegaanada furimaha ah iyo goobihii lagula dagaalamay argagixisada, kuwaas oo uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye kula soo kulmay shacabka iyo maamulka deegaanadaas.
Shirkan looga hadlayay amniga ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru Dowlada amniga ahna kusimaha wasiirka amniga, labada gudoomiye ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, saraakiisha ciidamada ATMIS, saraakiisha ciidamada Qalabka Sida ee deegaanada Galmudug iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.
Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dar dar galin lahaa sarana loogu qaadi lahaa amniga deegaanada iyo degmooyinka Galmudug, iyadoo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu warbixino iyo xogo amni ka dhageestay saraakiisha kala duwan ee ka soo qeyb galay shirka.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka, sida geesinimada leh ee ay uga hortagaan falalka kadhanka ah aminiga, sidoo kalana waxuu ku booriyay ciidamada xoojinta baacsiga har iyo habeen ay ku hayaan argagixisada.
       

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya magaalada Muqdisho, Mudane Alberto Vecchi, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay taageerada dowladda Talyaaniga, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal.
Danjiraha ayaa dhankiisa balan-qaaday sii xoojinta xiriirka labada waddan, gaar ahaan mashaariicda ay ku taageeraan Soomaaliya.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday Xubin argagixiso ah

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Cabdullaahi Xaanshi Axmed oo caan kaga ahaa Daacish Qaasim 15-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Al-shabaab iyo Daacish ayuu isku maray xilligaan ilaa 2008, sidoo kale Bari Puntaland ayuu tababar ku soo qaatay.

Waxaa laga soo qabtay May 21-keedii Sanadkan Suuqa-xoolaha isaga oo ku howlan Miino U Aasid Ciidamada Gaarka ah ee Haramcad ee ilaalada ka hayo Dhismaha Waddada Xiriirisa Shabeellada Dhexe iyo Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id ayaa si qotodheer uga hadlay ahmiyadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne oo yeeshay kulan ay ku lafagureen adkaynta danaha ay wadaagan labada dowladood iyo xal u helidda caqabadaha ka jira gobolka ayaa xusay in ay iska kaashan doonaan xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.
“Maanta caalamka lama kala maarmo, sidaas awgeed Soomaaliya iyo jabuuti waxa ay ku wada yaallaan Geeska Afrika oo fursado badan, duruufo iyo caqabado isku sidkan ay ka jiraan. Maaddaama gobolku uu istaraatiji iyo muhiim u yahay adduunka kale, waa in aan si wadajir ah uga tashannaa sidii aan wax ula wadaagi lahayn dalalka kale ee dariska nala ah, annagoo ka faa’iideysanayna khayraadka iyo dadkeenna firfircoon ee ka tilmaaman caalamka.”
Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay wadaagan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga gobolku u leeyahay labada shacab.
“Waxa ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba. Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.”
Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen dalka Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalka Madaxweynuhu uu bud-dhig u yahay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal.

Ciidamada Danab oo howlgal qorsheyn ku dilay xubno ka tirsan argagixisada

Ciidmada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanada Dooxada Jubba ka fuliyay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab .

Howlgalkaan oo ku soo dhammaaday si guul leh waxaa lagu dilay labo ka mid ah argagixisada, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa had iyo jeer u taagan sidii ay shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen dhibaatooyinka ay ka midka yihiin baadda ee ay kooxaha argagixisada ku hayaan bulshada.

Nabad-diidka Al-Shabaab oo laga ciribtirayo deegaanada ku xeeran Buula-burde

Ku-simaha Taliyaha qeybta 27-aad gaashaanle sare Isaaq Cusmaan Idiris ayaa maanta kormeeray furumaha ay ciidamada xoogga dalka kaga sugan yihin dagmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa cidanka ka wareystay xaaladooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin la dagaalanka argagaxisada Al-shabaab, wuxuuna cidamada faray iney u diyaar-garooban dagaal ka dhan ah nabad-diidka lagana sifeeyo deegaanada hoos yimaado dagmada Buulo-burte.