Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday Xubin argagixiso ah

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Cabdullaahi Xaanshi Axmed oo caan kaga ahaa Daacish Qaasim 15-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Al-shabaab iyo Daacish ayuu isku maray xilligaan ilaa 2008, sidoo kale Bari Puntaland ayuu tababar ku soo qaatay.

Waxaa laga soo qabtay May 21-keedii Sanadkan Suuqa-xoolaha isaga oo ku howlan Miino U Aasid Ciidamada Gaarka ah ee Haramcad ee ilaalada ka hayo Dhismaha Waddada Xiriirisa Shabeellada Dhexe iyo Muqdisho.