Ciidamada Xoogga Dalka oo gobolka Jubbada hoose ku dilay Horjogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab XDS Gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab ayaa Hawlgal Qorshaysan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ka sameeyey degaanka labakuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Degaankan ayey Aragagixisadu ku lahayeen bar kontarool oo ay lacag baad ah uga qaadan jireen shacabka & gadiidka mara degankan waxana sidoo kale goobta ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeedhan sakawad oo dhaca xooloha shacabka Somaliyeed.

Hawlgalkan ayaa intii u socday waxa lagu dilay 5 dhagar qabe oo uu ka mid yahay Horjoogihii Argagixisada u qaabilsana sanaa dhinaca maaliyada ee degaankan oo magaciisa lagu soo koobay ismaciil halka lagu soo qabtay mid ka mida Argagixisada isla markaana waxa laga soo qaatay hubkii ay isticmaalayeen oo kala ah 4 qori oo nooca Ak47 iyo Hal qori oo BKM ah, Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida U Xaqiijiyey Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab.