Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal oo xilalkii u kala wareejiyay taliyihii hore ee saldhiga iyo midka cusub ee saldhigaas

Garowe- Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/le Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) ayaa xilalkii u kala wareejiyay taliyihii hore ee saldhiga bartamaha Garowe iyo taliyaha cusub ee saldhiga Dhame Mahad Axmed Maxamuud

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa taliyaha cusub ee Saldhiga bartamaha Garowe faray inuu si wanagsan oo hufnaan ku dheehan bulshada ugu shaqeyo

Taliyaha qaybta Nugaal G/sare Xussen Cali ayaa sido kale taliyihii hore ee Saldhiga bartamaha G/le Fardafuul ku amaanay shaqadii adkayd uu soo qabtay iyo siduu bulshada ula shaqeyay.