Midowga Yurub oo heshiis la saxiixday Azerbaijan

Midowga Yurub ayaa dalka Azerbaijan la saxeexday heshiis isfahan hordhac ah oo lagu jibaarayo gaaska dabiiciga ah ee ay kala soo degaan waddankaasi.

Heshiiska ayaa u ogolaan doona in Midowga Yurub uu Azerbaijan Gaaska kasoo iibsado ilaa sannadka 2027-ka, iyada oo Lacagaha ku kacayana ay gaari doonaan balaayiin dollar.

Midowga Yurub ayaa bilihii la soo dhaafay isku dayayay inuu yareeyo ku tiirsanaanta Gaaska Ruushka, si dhaqaalaha looga yareeyo Moscow sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine.

Ciidanka Xoogga dalka oo Gacanta ku soo dhigay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyey degaannada Leego, Yaaq Bariweyne iyo Warta Madax Maroodi oo hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa Gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Nabad diidka Al-shabaab.

Taliyaha ururka 64aad ee Ciidanka xoogga Dalka Cali Cabdulalahi Halac oo howlgalka hoggaminayay ayaa sheegay in Ujeedka uu ahaa sidii Maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab looga saari lahaa degaannadaas, isla markaana loo xaqiijin lahaa Amnigooda.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in howlgalkan lagu soo qabtay Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo mararka qaar weeraro ka geysan jiray degaannada howlgalka laga sameeyay.

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay wakiilka hey’ada UNICEF ee Sooomaaliya

Kismaayo- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Jubbalnad ku qaabilay wakiilka hay’ada UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef iyo wafdi ay hogaaminaysay oo booqasho ku tagtay Jubaland.

Madaxweynaha iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah iyo gurmadka saamaynta ka dhalata sidii si wadajir ah la isaga kaashan lahaa.

    

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee BFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalkeenna marwo Kate Foster.

Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go’an tahay wax ka qabashada Abaaraha iyo in ay si buuxda u taageeri doonto tababarada shaqaalaha baarlamaanka.
Guddoomiyaha ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaalada dowladda Ingriiska ay ku taageerayso baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan loogu qaban lahaa Abaarahan soo noqnoqday.

Gurmad la gaarsiiyay Buurdhuube oo ka tirsan Gobolka Gedo

Wasaradda Gargaarka XFS ayaa maanta gargaar Raashin ah  u dirtay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Gargaarka ayaa isugu jira nuucyada kala duwan ee raashinka, taas oo diyaaradii siday Goordhaw ay ka ambabaxday Garoonka Adan cade ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan XFS.

Gargaarkan ayaa qeyb ka ah dedaalada Gurmadka ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya gaarsiinaysay gobolada Dalka guud ahaan, gaar ahaana deeganada ay aadka u saameyeen Abaaraha daran ee dalka ka jiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa sii laba jibaartay ciiwaanada la gaarsiinayo Shacabka Soomaaliyeed kadib Baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in xoogga la saaro ka hortagga xaalad macluul oo ay sabto Abaartan.

Ukrain: Ruushka oo duqeeyay Donbas iyo Midowga Yurub oo ka hadlay sii adkeynta Cunaqabateynta Moskow

Dowladda Ukraine ayaa ku dhawaaqday in duqeymaha Ruushku uu ka geystay bariga Donbass ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen, iyadoo Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay ka wada hadleen xoojinta cadaadiska dhaqaale ee saaran Moscow.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku nuux-nuuxsaday in dalkiisu aanu isu dhiibi doonin cunaqabataynta saaran.

Hay’adda Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine ayaa sheegtay in 6 qof lagu dilay shalay oo Isniin ahayd  duqeyn uu Ruushku ka geystay magaalada Toritsk ee Donetsk ee gobolka Donbass.

Guddoomiyaha Donetsk ee Ukraine, Pavlo Kirilenko, ayaa sheegay in duqeymaha Ruushka ee gobolka uusan kala joogsi lahayn.

Waxa uu intaa ku daray in 4 weerar uu Ruushku shalay la beegsaday magaalada Kramatorsk, isagoo ugu baaqay dadka deegaanka inay isaga baxaan halkaa.

Dhanka kale, Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in duqeyntii Ruushka ay shalay la beegsatay 7 gobol oo Ukraine ka tirsan, xilli saraakiisha Ukraine ay xaqiijiyeen in duqeymaha Ruushka uu ka geysanayo goobaha ay dadka degan yihiin uu uga gol leeyahay in lagu faafiyo Cabsi gelin dadka ree Ukraine.

Inkasta oo Ruushku uu si buuxda u la wareegay gacan ku heynta gobolka Lugansk, ciidamada Ruushka ayaa doonaya in ay maamulaan gobolka ay deriska yihiin ee Donetsk, sidaas darteedna ay weeraro ku qaadayaan magaalooyinka ku haray gacanta ciidamada Ukraine, sida Sloviansk, Kramatorsk iyo Bakhmut.

Ciidamada Ukraine  ayaa ku dhawaaqay barqonimadii maanta, in gobolka Odessa lagu bartilmaameedsaday 7 gantaalada ridada dheer ee Ruushka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha magaalada Kharkiv, Oleh Sinehopov, ayaa sheegay in kun qof oo rayid ah oo reer Ukraine ah ay shalay ka gudbeen deegaannada Ruushku maamulo ee gobolkaasi, una tallaabeen deegaannada uu Ukraine ay ka taliso.

Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo hadallo ka soo baxay saraakiisha labada dhinac ay muujinayaan in xawliga dagaalku uu sii xoogeysan doono xilliyada soo socda, iyadoo ay muuqato diyaar garowga Ruushka uu ku billaabayo wejiga cusub ee duullaanka oo billowday 24-ka bishan February.

Ciidamada Ukraine ayaa barqanimadii maanta ku dhawaaqay in ay fuliyeen weerarro lagu burburiyay Saddex bakhaar oo rasaasta Ruushka ah oo ku yaalla gobolka Kherson ee koonfurta ee dalka Ukraine.

Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Dalka oo qaabilay Ergayga Finland ee nabadaynta Geeska Afrika

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Maanta, Mudane Suldaan Saciid Axmed oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland, ahna Ergeyga cusub ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay kaalinta Finland ee arrimaha Dhab-u-heshiisiinta iyo nabadda.
Suldaan Saciid ayey Dowladda Finland soo magacawday dhawaan si uu u dardar geliyo xiriirada Filand ay la leedahay waddamada Geeska Afrika.

Pakistaan: Dooni aroos oo qalibantay ayaa sababtay dhimashada 18 Haween ah.

Pakistan ayaa ku dhawaaqay in dooni ay la socdeen 100 qof oo isku qoys ah oo u socday xaflad aroos ay ku degtay wabiga Indus Isniintii, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18 haween ah halka tobanaan qofna wali la la’yahay.

Maamulka ayaa sheegay in doonida ay degtay xilli ay dad qoys ah oo aroos ka soo qaaday Mashka kuna socotay deegaanka Kharoor oo ka tirsan degmada Sadiqabad ee gobolka Punjab.

Rana Kashif Maxmuud oo ah afayeenka maamulka degmada Sadiiqabad ayaa sheegay in shilkan uu sababay dhimashada 18-haween ah, kuwaasi oo la xaqiijiyey inay dhinteen, halka inta u dhaxaysa 25 ilaa 30 qof ay ka badbaadeen kadib markii Dadka degan hareeraha webiga ay soo badbaadiyeen, halka qaar ay u suurtagashay in ay dhulka ku gaaraan dabaal. Afayeenka ayaa intaa ku daray in kooxaha gurmadka ay wadaan baadigoobka dadka maqan.

Dhanka kale sarkaal u hadlay Booliiska oo lagu magacaabo Mohamed Hammad ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in “inta badan dadka qariqmay ay yihiin haween,” sababtoo ah “ragga intooda badan waxay ku fiican naayeem dabaasha.” Ayuu yiri.

Dadka reer miyiga ah ee Pakistan ayaa inta badan isticmaala doomaha, maadaama ay aad u adag tahay isticmaalka gaadiidka wadooyinka oo go’an ama raf ah awgood.

In Haweenku baran waayaan Dabaasha ayaa loo sababaynayaa dhaqamada soo jireenka ah ee Shacabka Pakistaan, kaa oo aanan soo dhawayn in Haweenku ay dabaashaan ama galaan Biyaha si ay u dabaal bartaan.

Hantidhowrka Qaranka oo ka digay in Hay’adaha Dowladdu heshiis galaan inta Xukuumad cusub laga dhisayo

War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa faray Hay’adaha Dowladda in aanay gali karin wax heshiis ah inta laga soo dhisayo Xukuumad cusub oo baddasha Xukuumadda Xil-gaarsiinta.

Halkan ka Aqriso Qoraalka Hantidhowrka.

 

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab

Nairobi- Ciidanka la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsan nabad-diidka oo ku dhuumaaleysanayay degaanka Milimani ee gobolka Lamu.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa lagu soo qabtay qori RPG ama Baasuuke ah, rasaastiisa iyo agab kale xilli uu kasoo kabanayay dhaawac kasoo gaaray lugta bidix.

War qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in eedeysanahaasi uu ka mid ahaa Koox dabley ah oo dhowaan weerar ku qaadday saldhig ay Ciidamada Booliska ku leeyihiin Gobolkaasi, halkaas oo uu dhaawac kasoo gaaray.

“Mid ka mid ah guulihii ugu dambeeyay ee aan ka gaarnay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa lagu soo qabtay malleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, waxayna ka soo heleen keyd hub ah gudaha degaanka Milimani, ee gobolka Lamu,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliska.

Saraakiisha Ciidanka la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya ee GSU ayaa sheegay inay ku raadjoogaan koox la rumeysan yahay inay la socdeen eedeysanaha la qabtay, iyagoo howlgallo lagu baadi goobayo xubnahaasi ka wada keymaha Boni ee ku dhow xudduudda kala qaybisa Soomaaliya iyo Kenya.