Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ujeedkiisu ahaa Amniga Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ujeedkiisu ahaa Amniga Caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowlada Hoose Xamar.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka qeybta guud, Maamulada degmooyinka iyo Taliyaasha Saldhigyada.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa saraakiisha amniga iyo Maamulada Degmooyinka ee shirkan ka qeyb galay u sheegay inaan la aqbali karin falalka amnirada la xariira ee ka dhaca Caasimadda islamarkaana ay muhiim tahay xoojinta wada shaqeynta iyo in gacan adag lagu qabto cid kaste oo halis ku ah nabadgalyada bulshada.

Shirkan oo ahaa mid islaxisaabtan ah ayaa waxaa aad looga dooday soo gudbinta caqabadaha ka jira dhinaca amniga iyo sida ugu fudud ee loo xalin karo, iyadoo ugu dambeyn la faray Taliyaasha amniga iyo madaxda Degmooyinka in talaaba deg deg ah laga qaado kooxaha burcadka ah iyo Dhallinyarada la magacbaxday ciyaal Weero kuwaas oo halis ku ah horumarka iyo xasiloonida magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo amray hey’adaha Amniga iyo kuwa gargaarku si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda Gobolka Bakool

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaanno ka mid ah ay falal amni darro ah ka geysteen kooxaha argagixisada.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada ay kooxuhu ka geysteen falalka argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah la bixin doonto dhibaatada ay geysteen kooxaha nabad-diidka ah, isla markaana gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBABAXAY DALKA TANSAANIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa madaxda dalalkaas uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan dhanka waxsoosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladda Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.

Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Ciidanka Xoogga ayaa dilay 40 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa qasaarihii ugu badnaa gaarsiiyey Argagixisadda ah ee Al-shabaab ka dib weerar Fashilmay ay kooxda Argagixisadda ah isku dayday in ay kusoo ku qaado degaano hoos taga degmada ceel barde ee gobolka Bakool.

Dagaal Culus ayaa ka dhacay degaanada kala ah yeed,Caato iyo washaaqo oo hoos taga degmada ceel barde.

Gudoomiyaha degmada ceel barde Haadi siraad cumar oo la hadlay idaacada ciidanka ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Maleyshiyaadka Al-shabaab,Gudoomiyaha ayaa xusay in jabkii ugu xoogganaa lagu gaarsiiyey Dagaalka kooxda Al-shabaab.

SOOMAALIYA OO DADAAL UGU JIRTA KU BIIRISTA DALALKA KU MIDEYSAN DALLADDA BULSHADA BARIGA AFRIKA (EAC)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyada oo wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan lagu qiyaaso 312 oo Malyan kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo kulan la qaatay guddiga madax-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka JFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan la qaatay guddiga madax-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka JFS,

Guddigan oo ka mid ah guddiyo dhowr ah oo sharci ahaanshahooda uu weli muran ka taagan yahay maadama aan weli golaha Aqalka sare la horgeeynin, waxayna codsadeen in loo fududeeyo howlaha shaqo ee baarlamaanka kaga xiran.

Kulanka inta uu socday ayaa guddiga waxay guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaageen warbixin ku aaddan shaqa maalmeed kooda ayagoo Gudoomiyaha golaha Shacabka ka codsadey inuu gacan ka siiyo dhameystirka wixii shuruuc ah oo ay baarlamaanka uga baahanyihiin.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadey islamarkaana u ballan qaadey inuu ka ganan sii doono sidii ay u heli lahaayeen wax yaabaha dhanka sharciyadda kaga dhiman, Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku dhiira geliyay guddiga xuduudaha shaqada adag oo ay Qaranka u hayaan wixii dedaal dheeraad ahna lagu bixin doono.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo soo gaarey Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa soo dhaweyn u sameeyay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug sida wasiirka wasaradda mudane yaxye xiish, wasiir kuxigeenka Wasaradda Maxamed nuur diini, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganeey iyo maayerka Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow.

Safarkan wasiirka shaqada iyo arrimaha XFS uu kuyimdi Dhuusamareeb ayaa la xiriira u kuur-galida mashruuca baxnaano ee taakuleynta dadka abaartu saameysay iyo ogaanshaha heerka nolosha ee barakacayaasha ku sugan Gobolka.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay wafdiga wasiirka.

Yaxye xiish wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Galmudug ayaa sheegay in mudada wafdigu joogo ay wada eegi doonaan xogta xaaladaha barakacayaasha iyo Mashaariicda kale ee wasaraddu wado

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa ugu dambeyn ka waramey ujeedada safarkiisan oo daaran dhowr qodob oo muhiim u ah ka jawaabida xaaladaha abaarta ee saameysay bulshada ku dhaqan deegaanada Galmudug

Maxkamdda Ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Askari dilay qof Shacab ah

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Dil-toogasha Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” oo lagu helay Dilka AUN Marxuum Saciid Xasan Shiiqow oo ahaa 40-jir.

Xerada agoonta Boliiska ayuu ku dilay Galab Ramadankii tegay Marxuumka oo soo doontay Kaalmo loo qaybinaya Bulsho tabaalaysan.

Gaduudow ayaa ahaa Dable ka tirsanaa Ururka 143 ee Guutada 14-ka October.

R/wasaarihii hore ee Srilanka oo madaxweyne loo doortay

Baarlamaanka Sri Lanka ayaa manta oo Arbaca ah madaxweyne u doortay Ra’iisul Wasaaraha ahna ku simaha Madaxweynaha Ranil Wickremesinghe,kadib kolkii dalkaasi 10 cisho ka hor ay ka dhaceen banaanbaxyo sababay in shacabku ay galaan madaxtooyada iyo hoyga r/wasaaraha.

Doorashada Mr. Ranil Wickremesinghe ayaa la filayaa in ay noqoto mid dejisa mudaaharaadyo kale oo ka dhaca waddanka ay qalalaasuhu saameeyeen.

Kadib codeyn qarsoodi ah, Mr.Wickremesinghe waxa uu helay 134 cod halka musharraxa ugu weyn ee Dullas Alahapperuma uu helay 82 cod.

Musharaxa seddexaad, Anura Kumara Dissanayake, ayaa isna xaqiijistay seddexda cod ee xisbigiisa.

Dowladda Jarmalka oo 5 milyan Dollar ugu deeqday Soomaaliya

Dowladda Jarmalka ayaa Soomaaliya ugu deeqday 5 milyan oo doolar si kor loogu qaado awoodda dalka uu u leeyahay in tallaal nafo lagu badbaadinayo la gaarsiiyo bulshooyinka fogfog iyo kuwa ay adagtahay in la gaaro.

lacagtaan ayaa qayb ka ah dadaallada Hay’adda UNICEF ay kula jirto dowladaha caalamka si ay tallaalada u gaarsiiyaan meelaha fog-fog ee miyiga iyo deegaannada ku xeeran iyo dadka ku barakacay abaaraha iyo colaadaha.

“Jarmalku waxa uu arkaa muhiimadda ay leedahay in qof walba iyo meel kasta la gaaro.waxa ay muujisay in tani ay muhiim tahay, abaarta hadda jirtana ay mar kale caddaynayso,” ayuu yiri Martin Stein, Madaxa Gargaarka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ee safaaradda Jarmalka ee Nairobi.

“Waxaan u baahanahay gargaar degdeg ah laakiin uma baahnin inaan dayacno dadaalkayaga ku aaddan dhisidda kaabayaal waara. Covid-19 ma noqon doonto xaalad degdeg ah oo caafimaad oo u dambaysa, nasiib darrose abaarta hadda ayaa noqon doonta tii u dambaysay.

lacagtaan ay bixisay dowladda Jarmalka ayaa ka taageeri doonta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya si ay u balaariso barnaamijkeeda tallaalka COVID-19 iyada oo la abuurayo kaabayaal caafimaad si ay u taageeraan barnaamijyada tallaalka ee kor loo qaaday ee cudurrada kale sida jadeecada iyo oof wareenka. Kor-u-qaadista COVID-19, iyada oo beegsan doonta dadka ku nool kaamamka barakacayaasha gudaha, xaafadaha magaalada, iyo bulshooyinka miyiga ah. Qorshaha waxaa ka mid ah in la geeyo tallaallo wareeg ah oo si gaar ah u bartilmaameedsada dadka reer guuraaga ah iyo bulshooyinka fogfog.

lacagtaan ay bixisay dowladda Jarmalka ayaa ka taageeri doonta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya si ay u balaariso barnaamijkeeda tallaalka COVID-19 iyada oo la abuurayo kaabayaal caafimaad si ay u taageeraan barnaamijyada tallaalka ee kor loo qaaday ee cudurrada kale beegsan doonta dadka ku nool kaamamka barakacayaasha gudaha, xaafadaha magaalada, iyo bulshooyinka miyiga ah. Qorshaha waxaa ka mid ah in la geeyo tallaallo wareeg ah oo si gaar ah u bartilmaameedsada dadka reer guuraaga ah iyo bulshooyinka fogfog.

Tabarucaada dowladda Jarmalka waxa ay ku soo beegantay xilli boqolkiiba 10 ka mid ah dadka ku nool Soomaaliya si buuxda looga tallaalay COVID-19, taas oo aad uga hoosaysa bartilmaameedka WHO ee 70 boqolkiiba bartamaha sanadkan 2022.