Ciidanka Xoogga ayaa dilay 40 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa qasaarihii ugu badnaa gaarsiiyey Argagixisadda ah ee Al-shabaab ka dib weerar Fashilmay ay kooxda Argagixisadda ah isku dayday in ay kusoo ku qaado degaano hoos taga degmada ceel barde ee gobolka Bakool.

Dagaal Culus ayaa ka dhacay degaanada kala ah yeed,Caato iyo washaaqo oo hoos taga degmada ceel barde.

Gudoomiyaha degmada ceel barde Haadi siraad cumar oo la hadlay idaacada ciidanka ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Maleyshiyaadka Al-shabaab,Gudoomiyaha ayaa xusay in jabkii ugu xoogganaa lagu gaarsiiyey Dagaalka kooxda Al-shabaab.