Maxkamdda Ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Askari dilay qof Shacab ah

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Dil-toogasha Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” oo lagu helay Dilka AUN Marxuum Saciid Xasan Shiiqow oo ahaa 40-jir.

Xerada agoonta Boliiska ayuu ku dilay Galab Ramadankii tegay Marxuumka oo soo doontay Kaalmo loo qaybinaya Bulsho tabaalaysan.

Gaduudow ayaa ahaa Dable ka tirsanaa Ururka 143 ee Guutada 14-ka October.