Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo uu ku tagay dalka Tansaaniya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Arusha ee Tansaaniya waxa ay soo bandhigeen fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Soomaaliya iyo doorka xooggan ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan horumarka Dalladdan iyo guud ahaan saamaynta togan ee ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qayb-gashay Shir-Madaxeedka, taas oo uu ku xoojinayey ololahiisa ku aaddan ansixinta codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kamid-noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, isagoo adkeeyey ahmiyadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada ku bahoobay Dalladdan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal buuxa ku bixineysa hirgelinta codsigii ay u gudbisay Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2016-ka, iyada oo War-murtiyeedkii ka soo baxay dhammaadkii Shirka lagu faray Golaha Wasiirrada Dalladda inay si degdeg ah uga hawlgalaan sidii loo dardargelin lahaa hannaanka ay Soomaaliya kaga mid noqonayso Bulshada Bariga Afrika.

Russia iyo Ukraine oo saxiixay heshiis la xiriira dhoofinta miraha beeraha

Saraakiil ka socda dalalka  Ruushka iyo Ukraine ayaa kala saxiixday heshiis lagu ogolaanayo in dekedaha badda madow ee Ukraine laga dhoofiyo miraha beeraha ee dalagga qamadiga.

Heshiiskaan oo ay taageereen Qaramada Midooobay,waxaa ka hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ,kuwaas oo sheegay in heshiiskan uu gacan ka geysan doono yareynta dhibaatada cunnada ee adduunka.

Wasiirka difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu iyo wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha ee Ukraine, Oleksandr Kubrakov, ayaa si gooni gooni ah u saxeexay heshiiska, iyaga oo si taxadar leh uga fogaanaya in ay hal miis wada fadhiistaan ​​kana fogaadaan in la gacan qaado.

Xafladda saxiixa ayaa ka dhacday qasriga caanka ah ee Istanbul (Dolmabahce Palace) iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Erdogan iyo Guterres.

Heshiiska ayaa la macno ah ku dhawaad ​​$10-bn oo Haruur ah in la iibin doono iyada oo ku dhawaad ​​20 milyan oo tan oo dalagga soo go’ay sannadkii hore hadda la dhoofin karo, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa yidhi.

Dhinacyada dagaalamaya iyo waddamada deriska ah ayaa ka mid ah kuwa ugu badan ee dunida u dhoofiya cuntada, gaar ahaan miraha qamadiga.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay xiritaanka shirweynaha dalalka Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-gelay xiritaanka shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, iyadoo Madaxda dalalkani ay maanta ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kamid noqoshada dalladan.

Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qeyb galay shirkan ayaa xoojiyey ololaha ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (Eac), fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ku mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya soo dhaweynta iyo marti-gelinta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyneyaasha, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan, Uganda Mudane Yoweri Musseveni, Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, kala qeyb galay furitaanka jid halboowle ah oo lagu magacaabo Bariga Afrika, kaas oo ka mid ah kaabeyaasha dhaqaalaha ee isku xira dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Argagixisada oo jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaalo ka dhacay gobolka Bakool

Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdisalaan Duwane Cumar ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey dagaaladii ka dhacay ka dhacay deegaano dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya gaar aaan deegaanada Yeed,Aato,iyo Washaaqo.

Dulaankan oo Argagixisada soo abaabulen ayaa waxaa si weyn uga hortagay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee deganadaas ku sugan, balse argagixisada ayaa inta uu dagaalka socday shacabka degaanadaas ku nool oo la ildarnaa kolkii hore Abaaro halkaas ka jira ay madaafiic ku  garaaceen taas oo sababtay Khasaaro Badan.

“ Dagaalka saameyn badan ayuu geystay,Yeed gudaheeda waxaa ku dhintay labo askari oo ciidankeenna ah,dad shacab ah oo dhowr iyo toban ahna waa ay ku dhaawacmeen, dhankoodana khasaaro culus baa gaaray,” ayuu yiri Guddoomiye Duwane.

Guddoomiayaha ayaa sheegay in inta dagaalka socday argagixisadii soo weerartay ay qaar kale oo badan ay u gudbeen dhanka itoobiya,taas soo sababtay dagaalo culus  in ay dhexmaraan ciidamada Liyuu Boolis iyo argagixisadii halkaas gaartay.

Maamulka Jubbaland oo tallaabo adag ka qaadaya dadka xaalufiya dhirta

Maamul goboleedka jubbaland ayaa mamnuucay jarista iyo xaalufinta dhirta iyo shidida dhuxusha, kaas oo deegaanka khatar weyn ku ah.

Guddoomiyaha magaalada Kismaayo oo gaaray deegaano dhaca duleedka magaaladas ayaa lamaha amniga faray in dadka dhuxusha shida geedahana jara ay ka qadaan tallaaabo adag oo dhanka sharciga  ah.

Hadalkaan ayuu guddoomiyaha ka sheegay markii isaga iyo wasiiro katirsan jubbland iyo Taliyaha Booliska maamulkaas ay gareen deegaano badan oo dhaca duleedka kismayo kaas oo maalmihi danbe si weyn uu uga socday xaalufinta dhirta.

Xaalufinta deegaanka ayaa horseeda abaaro, daadad iyo in dad iyo duunyaba ay ku naf waayeen saameynta ka dhalatay, sidoo kale, waxay muhiim u tahay joojinta jarista dhirta in laga hortago khasaaraha deegaanka, dhaqaalaha iyo dadkaba soo gaaraya.

Ruushka iyo Ukraine oo maanta saxiixaya heshiis ku saabsan dhoofinta Qamadiga

Ruushka iyo Ukraine ayaa maanta saxiixi doonaan heshiis dib lagu furayo dekedaha badda madow ee kulaala Ukraine, si looga dhoofiyo badeecadaha miraha haruurka , taasoo sare u qaadaysa rajada laga qabo in la yareeyo cunno yarida caalamiga ah ee ka dhalatay duulaanka Ruushka.

Heshiiska ayaa lagu wadaa in la saxiixo maanta oo Jimco ah,sida ay ka dhawaajiyeen maamulka  xafiiska madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sheegay.

Dhanka kale, Ciidamada Ruushka ayaa u muuqda inay ku sii dhowaanayaan warshadda labaad ee ugu weyn Ukraine ee waqooyi bari ee Donetsk, sirdoonka Ingiriiska ayaa sidaas sheegay.

Wasaradda haweenka Galmudug oo Dhuusamareeb ku qabtay tababar aqoon kororsi ah

Maamulka Wasaradda haweenka iyo xuquuqul aadanaha ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qabtay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan sidii haweenku qeyb uga qaadan lahaayeen nabadda iyo  xasiloonida gobolkaasi.

Tababarkaan oo ay ka qeybgaleen qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka, haweenka iyo culuma’udiinka degmadaasi,waxaa casharo ka bixiyay aqoonyahano katirsan wasaradda,kuwaas  oo si qoto-dheer u lafaguray muhiimada haweenku u leeyihiin nabada iyo xasiloonida guud.

Wasiirka haweenka Galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe oo tababarkan si rasmi ah u furtay ayaa haweenka ku boorisey in ay faham fiican u yeeshaan doorkooda nabada iyo xasiloonida Deegaanka.

Qaar kamid ah dadka tababarkan ka faa’iideystay oo gabagabadii hadalay  ayaa wasaradda haweenka kaga mahad celiyey soo qaban qaabinta tababarkaan.

Maamulka Dhuusamareeb iyo dadweyne kale oo ka qeyb galay dayactirka waddooyin muhiim ah

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka qayb galey olole bulshadu hormuud ka tahay oo jaay lagu saarayo mid kamid ah wadooyinka hal-bowlaha u ah isku socodka xaafada Dayax ee Dhuusamareeb, gaar ahaan jidka loo yaqaan wadada bohol.

Howshan oo dadka xaafada dayax ay iskusoo duba-rideen ayuu maamulku kaalin ka geysanayaa socodsiinteeda, waxaana jidkan lagu bilaabey ballaarin iyo in la saaro jaay saamaxi doona in iskusocodka gaadiidka iyo dadwaynuhuba noqdo mid hagaagsan maadaama jidkani hore u ahaa mid burbursan.

Cabdisamad Salaad Aadan, gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Dhuusamareeb ayaa sheegay in qaban qaabada howshan oo ay bulshadu laheyd maamulku ka qaadanayo dowrka kaga aadan ee ah in howshani u fusho si qurux badan.

Dadka ku dhaqan degmada Dhuusamareeb ayaa bilihii u dambeeyay iskutashi bulsho ku dhistay dhowr wado oo jaay lasaarey kuwaa oo lacagaha ku baxay ay bixiyeen bulshada xaafadaha, maamulka iyo dad khurba-joog ah.

Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ugu deeqay 5.4 milyan oo Doollar

Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) , ayaa oggolaaday deeq lacageed oo dhan 5.4 milyan oo Doollarka Maraykanka ah, si loogu taageero sugnaanta cuntada degdegga ah ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Bankiga Bariga Afrika, Nnenna Nwabufo, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in saameynta abaarta daba dheeraatay iyo saameynta dheeriga ah ee colaadda Ruushka iyo Ukraine ay sii xoojisay cunno yarida dalka.

Mas’uulkaasi ,waxa uu intaa raaciyay  in deeqdani ay ka kooban tahay maalgelin dheeraad ah oo la siinayo barnaamijka caalamiga ah si loo dhiso adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqeynta .

“Sannadihii lasoo dhaafay, abaaruhu waa ay abuureen xaalado nuglaansho ah oo ay weheliso cunto yari joogto ah, dhaqaale xumo baahsan, colaado, iyo tahriib, taasoo si xun u haleeshay xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda-xoola-dhaqatada,” ayay tiri.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 7.1 milyan oo qof, ku dhawaad ​​kala bar tirada guud ee dadka, ayaa wajahaya xaalado  abaaro ah oo ka jira Soomaaliya.

Maxkamadda Cadaado oo xukuntay dhallinyaro lagu soo qabtay 17-kartoon oo khamro ah

Maxkamadda Degmada Cadaado ayaa xukun min hal sano oo xarig ah  ku ridday laba dhallinyaro ah ,kadib markii laba cisho ka hor lagu qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada boliiska  oo ka dhacay deegaanka Ballisonkor ee Galmudug.

Labadaan dhallinyaro oo lagu kala magacaabo Xuseen Axmed C/laahi iyo Xasan Xuseeen Cumar,ayaa la soo qabtay xilli ay wateen gaari ay ka buuxeen 17-kartoon oo khamri ah iyo laba qori oo AK ah.

Guddoomiyaha maxkamadda degmaga Cadaado C/casiis Ciise Cali iyo taliyaha saldhigga ciidanka boliiska ee Cadaado Maxamed Cadceed ayaa goobjoog ka ahaa xukunkaasi min halka sano ah ee lagu xukumay dhallinyaradaasi.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in dhallinyaradaasi ay bixiyaan ganaax dhan 5-boqol oo doolar,waxaana,sidoo kale,duleedka Cadaado lagu burburiyay 17-kii kartoon ee khamrada ahaa.