Wasaradda haweenka Galmudug oo Dhuusamareeb ku qabtay tababar aqoon kororsi ah

Maamulka Wasaradda haweenka iyo xuquuqul aadanaha ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qabtay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan sidii haweenku qeyb uga qaadan lahaayeen nabadda iyo  xasiloonida gobolkaasi.

Tababarkaan oo ay ka qeybgaleen qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka, haweenka iyo culuma’udiinka degmadaasi,waxaa casharo ka bixiyay aqoonyahano katirsan wasaradda,kuwaas  oo si qoto-dheer u lafaguray muhiimada haweenku u leeyihiin nabada iyo xasiloonida guud.

Wasiirka haweenka Galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe oo tababarkan si rasmi ah u furtay ayaa haweenka ku boorisey in ay faham fiican u yeeshaan doorkooda nabada iyo xasiloonida Deegaanka.

Qaar kamid ah dadka tababarkan ka faa’iideystay oo gabagabadii hadalay  ayaa wasaradda haweenka kaga mahad celiyey soo qaban qaabinta tababarkaan.