Maamulka Jubbaland oo tallaabo adag ka qaadaya dadka xaalufiya dhirta

Maamul goboleedka jubbaland ayaa mamnuucay jarista iyo xaalufinta dhirta iyo shidida dhuxusha, kaas oo deegaanka khatar weyn ku ah.

Guddoomiyaha magaalada Kismaayo oo gaaray deegaano dhaca duleedka magaaladas ayaa lamaha amniga faray in dadka dhuxusha shida geedahana jara ay ka qadaan tallaaabo adag oo dhanka sharciga  ah.

Hadalkaan ayuu guddoomiyaha ka sheegay markii isaga iyo wasiiro katirsan jubbland iyo Taliyaha Booliska maamulkaas ay gareen deegaano badan oo dhaca duleedka kismayo kaas oo maalmihi danbe si weyn uu uga socday xaalufinta dhirta.

Xaalufinta deegaanka ayaa horseeda abaaro, daadad iyo in dad iyo duunyaba ay ku naf waayeen saameynta ka dhalatay, sidoo kale, waxay muhiim u tahay joojinta jarista dhirta in laga hortago khasaaraha deegaanka, dhaqaalaha iyo dadkaba soo gaaraya.